{"id":72923,"date":"2023-08-15T20:01:17","date_gmt":"2023-08-15T20:01:17","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=72923"},"modified":"2023-08-15T20:01:17","modified_gmt":"2023-08-15T20:01:17","slug":"hargeysa-gabadh-weriye-ah-oo-la-siidaayey-shalay-ka-dib-xukun-hal-sano-ah","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2023\/08\/15\/hargeysa-gabadh-weriye-ah-oo-la-siidaayey-shalay-ka-dib-xukun-hal-sano-ah\/","title":{"rendered":"Hargeysa: Gabadh Weriye Ah Oo La Siidaayey Shalay, Ka Dib Xukun Hal Sano Ah"},"content":{"rendered":"<p>Hargeysa (Arabsiyo) &#8211; Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex, ay hal sano oo xabsi ah ku xukuntay weriye Bushaaro Cali Baandey oo muddooyinkii la soo dhaafay xidhnayd.<\/p>\n<p>Balse, xukunka halka sano ah ee lagu riday Bushaaro ayaa ah xadhig\u00a0la iibsan karo.<\/p>\n<p>Hooyada dhashay oo warbaahinta gudaha la hadashay xukunka kadib ayaa muujisay sida ay ugu faraxsantahay go&#8217;aanka maxkamaddu ku riday gabadheeda, taas oo muujineysa dhabnimada wararka sheegaya in xukunkaas halka sano ah la iibsan karo.<\/p>\n<p>Bushaaro oo bishii May ee sanadkaan la xidhay ayaa dhowr jeer dib loo dhigay kiiskeeda, waxaana arrintaa walaac ka muujinayay weriyaasha iyo dadka u dooda xuquuda aadanaha.<\/p>\n<p>Hay&#8217;adda u doodda xuquuqda weriyayaasha ee the Committee to Protect Journalist (CPJ) ayaa horey ugu baaqday in degdeg loo sii daayo Bishaaro.<\/p>\n<p>Xukunka ka dib, waxa la siidaayey bushaaro oo ku jirtay xabsi ku yaalla Magaalada Gabiley.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<h4><strong>Arabsiyonews.com\/Hargeisa Office\u00a0<\/strong><\/h4>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa (Arabsiyo) &#8211; Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex, ay hal sano oo xabsi ah ku xukuntay weriye Bushaaro Cali Baandey oo muddooyinkii la soo dhaafay xidhnayd. Balse, xukunka halka sano ah ee lagu riday Bushaaro ayaa ah xadhig\u00a0la iibsan karo. Hooyada dhashay oo warbaahinta gudaha la hadashay xukunka kadib ayaa muujisay sida ay ugu faraxsantahay go&#8217;aanka maxkamaddu [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":72924,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-72923","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2023\/08\/download-4.jpeg?fit=238%2C212&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-iYb","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72923","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=72923"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72923\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":72925,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72923\/revisions\/72925"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/72924"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=72923"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=72923"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=72923"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}