{"id":72906,"date":"2023-08-13T17:09:00","date_gmt":"2023-08-13T17:09:00","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=72906"},"modified":"2023-08-13T17:09:00","modified_gmt":"2023-08-13T17:09:00","slug":"sool-ciidamada-qaranka-oo-cagta-mariyey-huwanta-laascaanood","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2023\/08\/13\/sool-ciidamada-qaranka-oo-cagta-mariyey-huwanta-laascaanood\/","title":{"rendered":"SOOL: Ciidamada Qaranka Oo Cagta Mariyey Huwanta Laascaanood"},"content":{"rendered":"<p>Laascaanood (Arabsiyo) &#8211; Dagaal qadhaadh ayaa Maanta ka dhacay Duleedka bari ee Magaalada Laascaanood.<\/p>\n<p>Dagaalkan oo bilaabmay, ka dib markii Ciidamada Puntland iyo kuwa Huwanta oo iskaashanayaa weerareen Fadhiisimada Ciidamada Qaranka ee Maraaga, ayaa waxa ka dhashay khasaare laxaad leh.<\/p>\n<p>Ciidamada Qaranka oo difaac ku jiray ayaa dhirbaaxo ku dhuftay Kooxaha soo weerarray, waxaana la sheegay in Ciidanku ay dhirbaaxo culus ku dhufteen kooxaha weerarka ahaa.<\/p>\n<p>Waxa la sheegay in Ciidamada Qaranku gubeen illaa saddex gaadhi oo Tikniko ah, kuwaasi oo ka mid ahaa gaadiidka ay wateen Maleeshiyaadka Huwantu.<\/p>\n<p>Gaadiidka la gubay waxa ka mid ah Taangi iyo laba gaadhi oo kale.<\/p>\n<p>Dagaalkan waxa ka hadlay Xukuumadda Somaliland, waxayna sheegtay in Ciidamada Qaranka ay soo weerarreem kooxo Argagixiso.<\/p>\n<p>War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland ayaa lagu sheegay in weerar gardaro ah lagu soo qaaday ciidamada Somaliland ee ku sugan jiida Sool.<\/p>\n<p>&#8220;Wasaarada Gaashaandhiga Jamhuuriyada Somaliland waxay si xoog ah u cambaaraynaysa talaabada gardarada ah ee doqoniimada ah, ee ay saaka ku kaceen maleeshiyaadka Laascaanood, ciidamada Puntland iyo kooxo argagixiso ah oo caan ah&#8221; ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka<\/p>\n<p>Waxa warbixinta lagu sheegay in Somaliland ay talaabadan u aragto mid khatar ku ah amniga, waxayna sheegtay in ciidamadeedu ay si geesinimo leh iskaga difaaceen weerarka, isla markaana ay burburiyeen ciidamadii weerarka soo qaaday.<\/p>\n<p>Somaliland beesha caalamka ayay ugu baaqday in ay kala qaybgasho cambaaraynta wax ay ugu yeedhay weeraro argagixiso, iyada oo sheegtay in dagaalka argagixisadu u baahanyahay iskaashi.<\/p>\n<h4><strong>Arabsiyonews.com\/Hargeisa Office\u00a0<\/strong><\/h4>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Laascaanood (Arabsiyo) &#8211; Dagaal qadhaadh ayaa Maanta ka dhacay Duleedka bari ee Magaalada Laascaanood. Dagaalkan oo bilaabmay, ka dib markii Ciidamada Puntland iyo kuwa Huwanta oo iskaashanayaa weerareen Fadhiisimada Ciidamada Qaranka ee Maraaga, ayaa waxa ka dhashay khasaare laxaad leh. Ciidamada Qaranka oo difaac ku jiray ayaa dhirbaaxo ku dhuftay Kooxaha soo weerarray, waxaana la [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":41307,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-72906","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2018\/02\/ciidanka-qaranka.jpg?fit=696%2C379&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-iXU","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72906","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=72906"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72906\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":72907,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72906\/revisions\/72907"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/41307"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=72906"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=72906"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=72906"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}