{"id":72903,"date":"2023-08-13T17:06:15","date_gmt":"2023-08-13T17:06:15","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=72903"},"modified":"2023-08-13T17:06:15","modified_gmt":"2023-08-13T17:06:15","slug":"dab-ka-kacay-maraykanka-oo-faraha-ka-baxay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2023\/08\/13\/dab-ka-kacay-maraykanka-oo-faraha-ka-baxay\/","title":{"rendered":"Dab Ka Kacay Maraykanka Oo Faraha Ka Baxay"},"content":{"rendered":"<p>USA (Arabsiyo) &#8211; Tirada dhimashada dabka ka kacay kaymaha Maui ayaa gaartay 89 qof Sabtidii, taasoo ka dhigaysa tii ugu dhimashada badnayd muddo ka badan qarni, waxayna u muuqataa in tiradaasi sii kordhi doonto maalmaha soo socda maadaama qolyaha badbaada oo wata eeyaha wax uriya ay sii wadaan inay raadiyaan maydad kale.<\/p>\n<p>Burbur baaxad leh ayaa gaaray dhismayaal deegaanka ku yaala, iyadoo gawaari badan ay dhalaaleen kaddib markii uu dab qabsaday.<\/p>\n<p>Qiimaha dib loogu dhisi karo magaalada Lahaina oo ah magaalo dabku baabi\u2019iyay ayaa lagu qiyaasay $5.5 bilyan, waxa burburay kaabayaal dhaqaale oo gaaraya 2,200, iyadoo dhul beereed gaaraya 850 hiktar uu gubtay.<\/p>\n<p>Gudoomiyaha Gobolka Hawaii ee dalka Maraykanka Josh Green oo shir jaraa\u2019id qabtay Sabtidii ayaa ka digay in tirada dhimashadu sii kordhi doonto, iyadoo maydad hor leh la helayo.<\/p>\n<p>Eeyaha loo tababaray urinta maydadka ayaa kaliya baaris ka sameeyay boqolkiiba sedex dhulka baaba\u2019ay sida uu sheegay madaxa booliska ee magaalada Maui John Pelletier.<\/p>\n<h4><strong>Arabsiyonews.com\/Hargeisa Office\u00a0<\/strong><\/h4>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>USA (Arabsiyo) &#8211; Tirada dhimashada dabka ka kacay kaymaha Maui ayaa gaartay 89 qof Sabtidii, taasoo ka dhigaysa tii ugu dhimashada badnayd muddo ka badan qarni, waxayna u muuqataa in tiradaasi sii kordhi doonto maalmaha soo socda maadaama qolyaha badbaada oo wata eeyaha wax uriya ay sii wadaan inay raadiyaan maydad kale. Burbur baaxad leh [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":72904,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-72903","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2023\/08\/8482d304-7cf5-4d66-aef6-fe4e879b2746.jpg?fit=624%2C416&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-iXR","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72903","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=72903"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72903\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":72905,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72903\/revisions\/72905"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/72904"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=72903"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=72903"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=72903"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}