{"id":72872,"date":"2023-08-10T20:11:28","date_gmt":"2023-08-10T20:11:28","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=72872"},"modified":"2023-08-10T20:11:28","modified_gmt":"2023-08-10T20:11:28","slug":"xukuumadda-oo-war-ka-soo-saartay-dablay-gaadiid-afduubtay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2023\/08\/10\/xukuumadda-oo-war-ka-soo-saartay-dablay-gaadiid-afduubtay\/","title":{"rendered":"Xukuumadda Oo War Ka Soo Saartay Dablay Gaadiid Afduubtay"},"content":{"rendered":"<p>Hargeysa (Arabsiyo) &#8211; Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay Laba ka mid ah Gaadiidka Hay&#8217;adda Miino-saarka ee Hallo Trust oo lagu Afduubay deegaanka Daba-goryaale ee Gobolka Daad-madheedh.<\/p>\n<p>Wasaaradda Arrrimaha dibedda JSL oo Caawa War-saxaafadeed soo saartay, ayaa sheegtay in Afduubka gaadiidka loo geystay loo galay jidka u dhexeeya Berbera iyo Hargeysa, xilli ay safar ku jireen, lana kaxaystay labada Gaadhi iyo Hal qof oo dirawal ahaa, laakiin Dirawalkii la soo daayey Maanta isagoo dhaawac qaba.<\/p>\n<p>Wasaaradda Arrimaha dibedda oo aan War-saxaafadeedkeeda ku xusin dablayda gaadiidka Afduubtay, ayaa sheegtay in Ciidamada amniga Qaranka iyo Booliska deegaanka uu falku ka dhacay wadaan baadhitaan.<\/p>\n<p>War-saxaafadeedka oo dhamaystiran ayaa u qornaa sidan &#8220;Arbacadii 9-kii August, laba baabuur oo ay lahayd Hay&#8217;adda Hallo Trust oo u kala gooshayay Hargeysa iyo Berbera, ayaa la afduubtay, iyada oo uu la socday mid ka mid ah darawalladii waday, nasiib-wanaag ma jirin cid kale oo uu falkaasi saameeyay, waxaana Maanta la sii daayey dirawalkii isagoo dhaawac ah.<\/p>\n<p>Baabuurtan illaa hadda lagama hayo wax xog, laakiin waxa dhacdadan ku guda jira oo baadhaya ciidamada ammaanka ee dawladda JSL oo ay weheliyaan ciidanka booliska degankaasi.<\/p>\n<p>Dawladda waxaa ka go\u2019an in ay cadaaladda horkeento dadkii ka dambeeyay falkaas.<\/p>\n<p>Wasaaradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee JSL waxa ay doonaysaa in ay u xaqiijiso dhamaan muwaadiniinta &amp; hay\u2019adaha ajaanibka ah in arrintani ay ahayd fal go\u2019doomin ah, isla-markaana jidka isku xidha Hargeysa iyo Berbera uu yahay mid nabdoon oo ay maalin walba isticmaalaan kumanaan qof.&#8221;<\/p>\n<p>Warka Wasaaradda Arrimaha dibedda, ayaa yimid Maalin ka dib, markii dablayda falkan geysatay farriin aan wanaagsanayn u direen Hay&#8217;adaha dalka ka shaqeeya.<\/p>\n<h4><strong>Arabsiyonews.com\/Hargeisa Office\u00a0<\/strong><\/h4>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa (Arabsiyo) &#8211; Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay Laba ka mid ah Gaadiidka Hay&#8217;adda Miino-saarka ee Hallo Trust oo lagu Afduubay deegaanka Daba-goryaale ee Gobolka Daad-madheedh. Wasaaradda Arrrimaha dibedda JSL oo Caawa War-saxaafadeed soo saartay, ayaa sheegtay in Afduubka gaadiidka loo geystay loo galay jidka u dhexeeya Berbera iyo Hargeysa, xilli ay safar ku jireen, [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":42729,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-72872","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2018\/04\/Madaxweynaha-MBC.png?fit=443%2C314&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-iXm","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72872","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=72872"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72872\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":72873,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72872\/revisions\/72873"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/42729"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=72872"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=72872"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=72872"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}