{"id":72864,"date":"2023-08-10T19:54:27","date_gmt":"2023-08-10T19:54:27","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=72864"},"modified":"2023-08-10T19:54:27","modified_gmt":"2023-08-10T19:54:27","slug":"musharrax-madaxweyne-oo-la-dilay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2023\/08\/10\/musharrax-madaxweyne-oo-la-dilay\/","title":{"rendered":"Musharrax Madaxweyne Oo La Dilay"},"content":{"rendered":"<p>Ecuador (Arabsiyo) &#8211; Murashax u taagnaa xilka madaxtinimada dalka Ecuador, caanna ku ahaa la dagaallanka musuq-maasuqa ayaa xalay la dilay, xilli uu kasii baxayay goob uu ka olololeynayay oo ku taalla waqooyiga magaalada caasimadda ah ee Quito.<\/p>\n<p>Goob-joogayaal ayaa wakaaladda wararka ee AP u sheegay, in nin hubeysan uu saddex xabbadood ku dhuftay Fernando Villavicencio oo ka tirsanaa Golaha Shacabka, ahaanaa musharrax madaxweyne oo matalayay xisbiga Build Ecuador Movement.<\/p>\n<p>Madaxweyne Guillermo Lasso ayaa xaqiijiyay dilka Fernando isla markaana sheegay in uu u maleynayo in ay ka danbeeyaan danbiilayaal abaabulan. Wuxuu intaasi raaciyay in shir-qoolka lagu khaarijiyay Villavicencio loo ciqaabi doono dadki ka danbeeyay.<\/p>\n<p>Dhanka kale, war ka soo baxay xafiiska xeer-ilaaliyaha guud ee Ecuador ayaa lagu sheegay, in ninka looga shakisanyahay inuu dilay murashaxa madaxweyne uu ku dhintay rasaas ay is-weydaarteen isaga iyo ciidamada amniga oo doonayay in ay qabtaan.<\/p>\n<p>Fernando Villavicencio ayaa ahaa mid ka mid ah siddeed murashax oo u taagan doorashada madaxtinimada dalka Ecuador oo ka mid ah dalalka ku yaalla Koofurta America, dorashadaas oo dhici doonta 20-ka bishan August ee sannadkaan 2023-ka.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<h4><strong>Arabsiyonews.com\/Hargeisa Office\u00a0<\/strong><\/h4>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ecuador (Arabsiyo) &#8211; Murashax u taagnaa xilka madaxtinimada dalka Ecuador, caanna ku ahaa la dagaallanka musuq-maasuqa ayaa xalay la dilay, xilli uu kasii baxayay goob uu ka olololeynayay oo ku taalla waqooyiga magaalada caasimadda ah ee Quito. Goob-joogayaal ayaa wakaaladda wararka ee AP u sheegay, in nin hubeysan uu saddex xabbadood ku dhuftay Fernando Villavicencio [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":72865,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-72864","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2023\/08\/2b76b154-d062-4f01-bd41-a41e92548a96_w408_r1_st_s.jpg?fit=408%2C230&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-iXe","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72864","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=72864"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72864\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":72866,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72864\/revisions\/72866"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/72865"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=72864"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=72864"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=72864"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}