{"id":72808,"date":"2023-08-03T22:30:55","date_gmt":"2023-08-03T22:30:55","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=72808"},"modified":"2023-08-03T22:30:55","modified_gmt":"2023-08-03T22:30:55","slug":"itoobiya-oo-soo-celisay-damaceeda-dekedda-berbera","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2023\/08\/03\/itoobiya-oo-soo-celisay-damaceeda-dekedda-berbera\/","title":{"rendered":"Itoobiya Oo Soo Celisay Damaceeda Dekedda Berbera"},"content":{"rendered":"<p>Berbera (Arabsiyo) &#8211; Wefti ka socda Dawladda Federaalka Itoobiya oo Shalay soo gaadhay Somaliland, ayaa Maanta booqday Dekedda Berbera.<\/p>\n<p>Weftiga Itoobiyaanka ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Gaadiidka Itoobiya Dr: Alemu Sime, ayaa Berbera gaadhay iyagoo ay wehelinayaan Wasiirka Gaadiidka iyo Jidadka Somaliland Cabdirisaaq Maxamed iyo Masuuliyiin kale.<\/p>\n<p>Weftiga, ayaa toos u tagay Dekedda Berbera, waxaana halkaa ku soo dhaweeyay Badhasaabka Gobolka Saaxil Cali Cabdillaahi (Cali-casse) iyo Maareeyaha Dekedaha Somaliland Siciid Xasan Cabdillaahi.<\/p>\n<p>Soo dhaweynta ka dib, waxay Madaxda Itoobiya halkaa shir kula yeesheen Madaxda Somaliland, sida Wasiirka Gaadiidka, Badhasaabka Gobolka Saaxil iyo Maareeyaha Dekedaha Somaliland.<\/p>\n<p>Ugu horrayn, waxa halkaa ka hadlay Maareeyaha Dekedaha Somaliland iyo Badhasaabka oo soo weftiga soo dhaweeyay.<\/p>\n<p>Waxa kale oo halkaa ka hadlay Wasiirka Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Cabdirisaaq Maxamed, waxaanu sheegay in Dekedda Berbera tahay Deked ay hawlo badan ka socdaan, Jidka Berbera corridor-na uu gebogabo marayo, sidaa darteed ay rejaynayaan in Dekeddu noqon doonto ta inta ugu badan ay isticmaali doonto Itoobiya.<\/p>\n<p>Gebogabadii, waxa halkaa ka hadlay Wasiirka Gaadiidka ee Dawladda Federaalka Itoobiya Dr: Alemu Sime, waxaanu sheegay in ujeeddada ay Berbera u tageen tahay inay kormeeraan oo ay qiimeeyaan Awoodda Dekedda Berbera, Qalabkeeda iyo Xamilkeeda dhinacyada dejinta iyo dhoofinta alaabooyinka.<\/p>\n<p>Waxa kale oo uu sheegay in iyagoo ka socda Dawladda Federaalka Itoobiya ay Madaxda Somaliland kala hadli doonaan sidii ay qayb uga noqon lahayd Itoobiya ka faa&#8217;idaysiga Dekedda Berbera.<\/p>\n<p>Weftiga Itoobiyaanka ah, ayaa la sheegay Inay dalka u yimaaddeen inay Dawladda Somaliland kala hadlaan saamigii 19%-ka ahaa ee Itoobiya ku lahayd Dekedda Berbera, balse Xukuumadd Somaliland meesha ka saartay.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<h4><strong>Arabsiyonews.com\/Hargeisa Office\u00a0<\/strong><\/h4>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Berbera (Arabsiyo) &#8211; Wefti ka socda Dawladda Federaalka Itoobiya oo Shalay soo gaadhay Somaliland, ayaa Maanta booqday Dekedda Berbera. Weftiga Itoobiyaanka ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Gaadiidka Itoobiya Dr: Alemu Sime, ayaa Berbera gaadhay iyagoo ay wehelinayaan Wasiirka Gaadiidka iyo Jidadka Somaliland Cabdirisaaq Maxamed iyo Masuuliyiin kale. Weftiga, ayaa toos u tagay Dekedda Berbera, waxaana [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":64461,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-72808","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2021\/07\/Dekedda-Berbera.jpg?fit=300%2C168&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-iWk","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72808","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=72808"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72808\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":72809,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72808\/revisions\/72809"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/64461"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=72808"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=72808"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=72808"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}