{"id":72797,"date":"2023-08-03T18:15:44","date_gmt":"2023-08-03T18:15:44","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=72797"},"modified":"2023-08-03T18:15:44","modified_gmt":"2023-08-03T18:15:44","slug":"dawladda-itoobiya-oo-ka-walaacsan-dagaallo-dib-uga-bilaabmay-gobolka-amxaarada","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2023\/08\/03\/dawladda-itoobiya-oo-ka-walaacsan-dagaallo-dib-uga-bilaabmay-gobolka-amxaarada\/","title":{"rendered":"Dawladda Itoobiya Oo Ka Walaacsan Dagaallo Dib Uga Bilaabmay Gobolka Amxaarada\u00a0"},"content":{"rendered":"<p>Addis Ababa (Arabsiyo) &#8211; Ra\u2019iisul Wasaare ku-xigeenka Itoobiya Demeke Mekonnen ayaa sheegay inuu ka walaacsan yahay rabshadaha kasii daraya ee gobolka waqooyi ee Amxaara kadib markii ay isku dhaceen ciidamada federaalka iyo maleeshiyada deegaanka.<\/p>\n<p>Go\u2019aanka dowladda ay bishii April ku gaadhay in la burburiyo ciidamo goboleedyada ay aas-aaseen qaar ka mid ah gobollada ayaa dibad-baxyo rabshado leh ka dhaliyey gobolka Amxaara.<\/p>\n<p>Dadka u dhashay gobolka ayaa ku dooday in tallaabadaas ay wiiqeyso gobolka labaad ee ugu dadka badan Itoobiya.<\/p>\n<p>Arbacadii tagtay, ra\u2019iisul wasaare ku-xigeen Demeke ayaa sheegay \u201cin dhibaatooyinka amni ee lagu arkay qeybo ka mid ah gobolka Amxaara ay noqonayaan kuwo walaac leh.\u201d<\/p>\n<p>&#8220;Waxaan joognaa waqti taariikhi ah, oo ay tahay inaan ku baraarugno xaqiiqda ah &#8216;Haddii aadan nabad helin, wax walba waad waayi doontaa&#8217;,&#8221; ayuu Demeke ku yidhi qoraal uu soo dhigay Facebook, isaga oo aan sheegin dhinacyada ku lugta leh iska hor-imaadyada.<\/p>\n<p>Afhayeen u hadlay ciidamada Ethiopia, Getnet Adane ayaa shir jaraa\u2019id ka sheegay toddobaadkan, in dagaal-yahano ka tirsan maleeshiyada deegaanka ee Fano ay mas\u2019uul ka yihiin rabshadaha.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan qaadi doonnaa tallaabo ka dhan ah kuwa si walba u weeraray ciidankeenna ama fududeeyay weerarka lagu soo qaaday ciidankeenna,\u201d ayuu yidhi, isagoo cambaareeyay dagaalyahannada \u201cku ganacsada magaca ciidan kasta\u201d oo ay ku jirto Fano.<\/p>\n<p>Wasaaradda arrimaha dibadda Britain ayaa uga digtay muwaadiniinteeda inay u safraan qaybo ka mid ah gobolka Amxaara, iyagoo u sababeeyay &#8220;Rabshadaha sii kordhaya ee Fano ay kula wareegayso goobahaas&#8221;.<\/p>\n<p>\u201cWaxaa u dambeeyey garoonka Lalibela oo ay la wareegtay maleeshiyada Fano,\u201d ayay tidhi, iyadoo tixraaceysa magaaladan dalxiis, oo ay ku yaallaan kaniisado jiray illaa qarnigii 12-aad iyo 13-aad, islamarkaana ku jira liiska goobaha Dhaxalka Adduunka ah ee UNESCO.<\/p>\n<p>Warbaahinta Itoobiya wax dhacdo ah kama soo werin Lalibela, balse safaaradda Spain ee Addis Ababa ayaa Salaasadii sidoo kale muwaadiniinteeda ku boorisay in aanay u safrin gobolka Amxaara, iyada oo sabab uga dhigaysa \u201cxasillooni darada\u201d ka jirta gobolka.<\/p>\n<p>Ciidamada gobolka Amxaara iyo malayshiyada deegaanka ayaa taageerayey ciidamada federaalka labadii sano ee dagaalka ay kula jireen fallaagada Tigrayga, ilaa heshiis nabadeed la saxiixay November 22, taasi oo ka caraysiisay qoomiyadda Amxaarada.<\/p>\n<p>Inkasta oo uu jiro heshiiska nabadeed, \u201cciidamada gaarka ah\u201d ee Amxaarada iyo dagaal-yahannada Fano ayaa weli gacan ku haya Galbeedka Tigray, oo ah meel ay wada sheegtaan Amxaarada iyo Tigray-ga.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul wasaare Abiy Ahmed ayaa bishii April sheegay in go\u2019aanka lagu kala dirayo ciidamada goboleedyada, laguna biirinayo ciidamada qaranka ama booliska gobolka, ay xoojin doonto \u201cmidnimada\u201d qowmiyadaha kala duwan ee Itoobiya.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<h4><strong>Arabsiyonews.com\/Hargeisa Office\u00a0<\/strong><\/h4>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Addis Ababa (Arabsiyo) &#8211; Ra\u2019iisul Wasaare ku-xigeenka Itoobiya Demeke Mekonnen ayaa sheegay inuu ka walaacsan yahay rabshadaha kasii daraya ee gobolka waqooyi ee Amxaara kadib markii ay isku dhaceen ciidamada federaalka iyo maleeshiyada deegaanka. Go\u2019aanka dowladda ay bishii April ku gaadhay in la burburiyo ciidamo goboleedyada ay aas-aaseen qaar ka mid ah gobollada ayaa dibad-baxyo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":72798,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-72797","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2023\/08\/8F3BD6B8-5541-4748-AB81-997B03BCDF3B_w408_r1_st_s.jpg?fit=408%2C230&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-iW9","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72797","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=72797"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72797\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":72799,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72797\/revisions\/72799"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/72798"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=72797"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=72797"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=72797"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}