{"id":72786,"date":"2023-07-31T18:45:27","date_gmt":"2023-07-31T18:45:27","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=72786"},"modified":"2023-07-31T18:45:27","modified_gmt":"2023-07-31T18:45:27","slug":"dawladaha-taiwan-iyo-somaliland-oo-kala-saxeexday-heshiis-ganacsi","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2023\/07\/31\/dawladaha-taiwan-iyo-somaliland-oo-kala-saxeexday-heshiis-ganacsi\/","title":{"rendered":"Dawladaha Taiwan iyo Somaliland Oo Kala Saxeexday Heshiis Ganacsi"},"content":{"rendered":"<p>Tiapea (Arabsiyo) &#8211; Wasiirka Wasaaradda Dhaqaalaha ee dalka Taiwan, Ms. Mei-Hua Wang iyo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska ee Somaliland Mudane Maxamuud Xasan Sacad &#8220;Saajin&#8221; ayaa heshiiska u saxeexay labada dawladood iyagoo goob joog ay ka ahaayeen, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL Mudane Cabdirashiid Ibrahim, Maareeye Xigeenka Hay&#8217;adda Aaga Cashuuraha ka Caagan ee Somaliland Abdikarim Ibrahim, Safiirka Somaliland ee dalka Taiwan Mudane Mohamed Hagi iyo ganacsatada labada waddan wakiilo metelaayay.<\/p>\n<p>Labada wasiir waxa ay si weyn u amaaneen xidhiidhka diblomaasiyadeed ee ay leeyihiin dawladaha Somaliland iyo Taiwan iyagoo ka warramay muhiimadda heshiiskan ganacsi u leeyahay ganacsatada labada waddan iyo gaar ahaan Somaliland oo ah marinka Africa ee ganacsiga Africa ee dalka Taiwan.<\/p>\n<p>Heshiiskan, ayaa yimid ka dib markii Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Ganacsiga Somaliland Maxamed Xasan Sacad (Saajin) ay safar shaqo ku tageen Caasimadda Taiwan ee Taipei.<\/p>\n<p>War qoraal ah oo ka soo baxay Safaaradda Taiwan ee Hargeysa, ayaa lagu bogaadiyey heshiiska Ganacsiga ee dhex maray Somaliland iyo Taiwan.<\/p>\n<p>Taiwan iyo Somaliland, ayaa leh xidhiidh Diblumaasiyadeed, kaasi oo soo taxnaa illaa 2020 oo ay labada Caasimadood ka furteen laba Xafiis Wakiileedyo.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<h4><strong>Arabsiyonews.com\/Hargeisa Office\u00a0<\/strong><\/h4>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Tiapea (Arabsiyo) &#8211; Wasiirka Wasaaradda Dhaqaalaha ee dalka Taiwan, Ms. Mei-Hua Wang iyo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska ee Somaliland Mudane Maxamuud Xasan Sacad &#8220;Saajin&#8221; ayaa heshiiska u saxeexay labada dawladood iyagoo goob joog ay ka ahaayeen, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL Mudane Cabdirashiid Ibrahim, Maareeye Xigeenka Hay&#8217;adda Aaga Cashuuraha ka Caagan [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":72787,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-72786","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2023\/07\/FB_IMG_1690827944930.jpg?fit=720%2C480&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-iVY","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72786","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=72786"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72786\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":72788,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72786\/revisions\/72788"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/72787"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=72786"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=72786"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=72786"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}