{"id":72708,"date":"2023-07-23T16:38:51","date_gmt":"2023-07-23T16:38:51","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=72708"},"modified":"2023-07-23T16:38:51","modified_gmt":"2023-07-23T16:38:51","slug":"golaha-wakiillada-somaliland-oo-loo-doortay-guddoomiye-cusub","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2023\/07\/23\/golaha-wakiillada-somaliland-oo-loo-doortay-guddoomiye-cusub\/","title":{"rendered":"Golaha Wakiillada Somaliland Oo Loo Doortay Guddoomiye Cusub"},"content":{"rendered":"<p>Hargeysa (Arabsiyo) &#8211; Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa Maanta doortay Guddoomiye cusub oo Golahaasi yeelanayo.<\/p>\n<p>Xildhibaannada Golaha Wakiillada, ayaa 46 ka mid ahi waxay u codeeyeen in Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) uu noqdo Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiillada, halka 35 ka mid ah u codeeyeen Musharraxii la tartamayey oo ahaa Maxamed Khadar Daahir Mooge oo ka soo baxay Xisbiga UCID, balse uu soo sharraxay Xisbiga WADDANI.<\/p>\n<p>Guusha Faratoon ka gaadhay doorashadii Maanta dhacday, waxa dadka siyaasadda falanqeeyaa sheegeen inay udub dhexaad u ahaayeen 6 Xildhibaan oo ka soo jeeda Xisbiyada Mucaaradka ah, kuwaasi oo la saftay Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) isla-markaana ka baydhay Maxamed Khadar Daahir Mooge oo helay 35 Cod.<\/p>\n<p>Xildhibaannadaas waxa ka mid ah Maxamed Abiib Yuusuf, Jamaal Aadan Diiriye, Xildhibaan Guun, Khadar Cali Xakiin iyo kuwo kale oo lagu tiriyo inay siyaasad ahaan taabacsan yihiin Urur-siyaasadeedka uu hoggaamiyo Maxamuud Xaashi Cabdi ee Kaah.<\/p>\n<p>Xildhibaannada ka soo baxay Xisbiyada Mucaaradka ah ee u codeeyay Faratoon oo Xukuumaddu wadday, ayaa waxay eedaymo iyo Cambaarayn kala kulmeen taageerayaasha Xisbiyada Mucaaradka ah, kuwaasi oo badankoodu wax ku qiimanaya indho Qabyaaladeed.<\/p>\n<p>Dhanka kale, Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo Madaxtooyada ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiillada Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa sheegay in Xisbiyada Mucaaradka ah looga fadhiyey inay Faratoon u Hambalyeeyaan si la mid ah sidii uu isagu u Hambalyeeyay markii uu Cabdirisaaq Khaliif Axmed ku guulaystay Guddoomiye-nimada Golaha wakiillada, laakiin aanay taasi dhicin.<\/p>\n<p>Yaasiin Faratoon, ayaa waxa hor-yaalla hawlo badan oo ay ugu mudan tahay ka hawl-gelidda sidii loo soo afjari lahaa Dagaalka muddada 7-da bilood ah ka socda Magaalada Laascaanod, taasi oo dabcan uu dadka hurinaya ku jira Cabdirisaaq Khaliif oo iska casilay Kursiga uu Maanta Faratoon ku fadhiistay.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<h4><strong>Arabsiyonews.com\/Hargeisa Office\u00a0<\/strong><\/h4>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa (Arabsiyo) &#8211; Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa Maanta doortay Guddoomiye cusub oo Golahaasi yeelanayo. Xildhibaannada Golaha Wakiillada, ayaa 46 ka mid ahi waxay u codeeyeen in Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) uu noqdo Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiillada, halka 35 ka mid ah u codeeyeen Musharraxii la tartamayey oo ahaa Maxamed Khadar Daahir Mooge [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":72709,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-72708","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2023\/07\/119765000_266a2d17-fed9-4c33-abb5-c9b490c2b627.jpg?fit=800%2C450&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-iUI","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72708","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=72708"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72708\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":72710,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72708\/revisions\/72710"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/72709"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=72708"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=72708"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=72708"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}