{"id":72656,"date":"2023-06-15T17:53:34","date_gmt":"2023-06-15T17:53:34","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=72656"},"modified":"2023-06-15T17:53:34","modified_gmt":"2023-06-15T17:53:34","slug":"guddoomiyihii-ka-fallaagoobay-somaliland-oo-garoowe-ka-degay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2023\/06\/15\/guddoomiyihii-ka-fallaagoobay-somaliland-oo-garoowe-ka-degay\/","title":{"rendered":"Guddoomiyihii Ka Fallaagoobay Somaliland Oo Garoowe Ka Degay"},"content":{"rendered":"<p>Garoowe (Arabsiyo) &#8211; Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo dhawaan isla casilay xilkii Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa si rasmiya u gudo-galay dedaalladiisa lidka ku ah Jamhuuriyadda Somaliland.<\/p>\n<p>Cabdirisaaq Khaliif oo markii Baarlamaanka loo doortay ku dhaartay inuu Daacad u noqonayo Dadka iyo Dalka Somaliland guud ahaantood, balse markii uu iscasilay si furan fagaare uga sheegay inaanu daacad u ahayn Somaliland isla-markaana dantiisa ku gaadhayey, ayaa gaadhay Magaalada Garowe, waxaanu halkaa kula kulmay Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdillaahi Deni iyo ku-xigeenkiisa Axmed-karaash.<\/p>\n<p>Lama oga waxay ka wada-hadleen Cabdirisaaq iyo Hoggaanka Puntland ee kulmay, balse Ilo-wareedyo ayaa Warbaahinta u sheegay inay isla soo qaadeen xaaladihii ugu dambeeyay ee ku aadan dagaalka Laascaanood.<\/p>\n<p>Marka laga tego sawirrada kulankaas oo la faafiyay ma jiro wax faah faahin ah oo ay labada dhinac ka bixiyeen kulankaas oo ku soo aaday, xilli xasaasi ah.<\/p>\n<p>Hase-yeeshee, kulankan ayaa ku soo begmay xilli uu Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdillaahi Deni oo khudbad ka jediyey Kalfadhiga Golaha Wakiillada Maamulkaasi uu sheegay inay Puntland difaacayso Laascaanood.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdillaahi Deni iyo ku-xigeenkiisa Axmed-karaash, ayaa qaabilay Cabdirisaaq Khaliif oo11-kii bishan June, 2023 iska casilay xilka guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland, iyagoo og inuu khiyaameeyay Somaliland oo uu siyaasadeeda door ku lahaa 20-kii sano ee u dambeeyay oo dhan, laakiin iyagoo og in Khaliif yahay shaqsi aan la aamini karin, ayaa waxay xilligan u adeegsanayaan inay danahooda ku fushadaan.<\/p>\n<p>Dhanka kale, Inkasta oo Madaxweynaha Puntland sheegay in Maamulkiisu difaacayo dadka Laascaanood isla-markaana la dagaalamayo Somaliland, haddana waxa la ogyahay inaan Puntland lahayn awood Ciidan iyo mid dhaqaale oo ay Somaliland iskaga caabiso, balse waxa la fahansan yahay in hadalka Deni yahay mid uu ku beer-laxowsanayo Shacabka Somaliland ee Magaalada Laascaanood ee ay Nabadgalyadoodii baa&#8217;biiyeen Maleeshiyaadka ka amar qaadanaya Garaaddada Beesha bariga Gobolka Sool ee halkaa dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ka wada.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<h4><strong>Arabsiyonews.com\/Hargeisa Office\u00a0<\/strong><\/h4>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Garoowe (Arabsiyo) &#8211; Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo dhawaan isla casilay xilkii Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa si rasmiya u gudo-galay dedaalladiisa lidka ku ah Jamhuuriyadda Somaliland. Cabdirisaaq Khaliif oo markii Baarlamaanka loo doortay ku dhaartay inuu Daacad u noqonayo Dadka iyo Dalka Somaliland guud ahaantood, balse markii uu iscasilay si furan fagaare uga sheegay inaanu [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":72657,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-72656","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/354188164_272951265260973_69515426706676787_n.jpg?fit=1728%2C1280&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-iTS","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72656","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=72656"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72656\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":72658,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72656\/revisions\/72658"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/72657"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=72656"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=72656"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=72656"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}