{"id":72641,"date":"2023-06-12T16:18:37","date_gmt":"2023-06-12T16:18:37","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=72641"},"modified":"2023-06-12T16:18:37","modified_gmt":"2023-06-12T16:18:37","slug":"jabuuti-iyo-kenya-oo-diiddan-in-la-dhimo-ciidamada-atmis-ee-soomaaliya-jooga","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2023\/06\/12\/jabuuti-iyo-kenya-oo-diiddan-in-la-dhimo-ciidamada-atmis-ee-soomaaliya-jooga\/","title":{"rendered":"Jabuuti Iyo Kenya Oo Diiddan In La Dhimo Ciidamada ATMIS Ee Soomaaliya Jooga"},"content":{"rendered":"<p>Kenya (Arabsiyo) &#8211; Madaxweynaha Kenya William Ruto iyo dhiggiisa Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay in la is waafajiyo dhimista ciidamada midowga Afrika ee Soomaaliya iyo awoodda amni ee dalka.<\/p>\n<p>Labada mas\u2019uul oo shir jaraa\u2019id ku qabtay dalka Jabuuti ayaa u muuqday kuwo kasoo horjeeda in haatan la dhimo ciidamada ATMIS, iyadoo aan la xaqiijin karin in Soomaaliya ay awood u leedahay inay si hufan ula dagaallanto kooxda Al-shabaab.<\/p>\n<p>Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa la filayaa inuu dhimo 2,000 oo askari marka la gaadho bisha June 30-keeda, si masuuliyadda amniga loogu wareejiyo ciidamada ammaanka ee Soomaaliya.<\/p>\n<p>Ruto iyo Geelle waxay ku adkaysteen baahida loo qabo in la ilaaliyo waxay ugu yeedheen guulaha ATMIS.<\/p>\n<p>\u201cAnnagoo ah dalalka ciidamada ku deeqay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) waxaan ku heshiinnay in shir-madaxeedka IGAD ee soo socda in lagaga hadlo qorshaha kala guurka Soomaaliya iyadoo la ilaalinayo guulaha ay gaadheen AMISOM\/ATMIS.\u201d<\/p>\n<p>Waxa ay intaa ku dareen in dhimistaasi ay tahay in la xaqiijiyo in ciidamada ammaanka Soomaaliya ay la wareegaan gacan ku heynta goobihii laga saaray gacanta kooxda Al-Shabaab.<\/p>\n<p>Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ATMIS-ka ayaa labaduba xaqiijiyay in ay ka go\u2019an tahay fududeynta in si habsami leh\u00a0 mas\u2019uuliyadaha amniga loogu wareejiyo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.<\/p>\n<p>Jimcihii la soo dhaafay, wasaaadda gaashaandhigga ayaa ku dhawaaqday in 2000 askari oo ka tirsan ATMIS la dhimayo bishan June dhamaadkeeda, si loo fuliyo qaraarka golaha ammaanka ee tirsigiisu yahay 2670.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<h4><strong>Arabsiyonews.com\/Hargeisa Office\u00a0<\/strong><\/h4>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Kenya (Arabsiyo) &#8211; Madaxweynaha Kenya William Ruto iyo dhiggiisa Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay in la is waafajiyo dhimista ciidamada midowga Afrika ee Soomaaliya iyo awoodda amni ee dalka. Labada mas\u2019uul oo shir jaraa\u2019id ku qabtay dalka Jabuuti ayaa u muuqday kuwo kasoo horjeeda in haatan la dhimo ciidamada [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":72642,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-72641","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/2023612638221313875227160.jpg?fit=660%2C390&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-iTD","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72641","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=72641"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72641\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":72643,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72641\/revisions\/72643"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/72642"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=72641"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=72641"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=72641"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}