{"id":7264,"date":"2015-03-03T10:56:37","date_gmt":"2015-03-03T10:56:37","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=7264"},"modified":"2015-03-03T10:56:37","modified_gmt":"2015-03-03T10:56:37","slug":"jilayaasha-jawaan-iyo-sooran-oo-guul-wadaynta-xukuumada-siilanyo-ka-galaafatay-shaqadii-ay-ka-heyeen-tv-ga-horn-cable","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/03\/03\/jilayaasha-jawaan-iyo-sooran-oo-guul-wadaynta-xukuumada-siilanyo-ka-galaafatay-shaqadii-ay-ka-heyeen-tv-ga-horn-cable\/","title":{"rendered":"Jilayaasha Jawaan Iyo Sooran Oo Guul wadaynta Xukuumada Siilanyo Ka Galaafatay Shaqadii ay ka heyeen Tv-ga Horn Cable"},"content":{"rendered":"<p><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/03\/IMG_1D9737-CF0AED-BAA55C-D7FA64-D1E173-472678.jpg\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-7269\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/03\/IMG_1D9737-CF0AED-BAA55C-D7FA64-D1E173-472678.jpg?resize=282%2C179\" alt=\"IMG_1D9737-CF0AED-BAA55C-D7FA64-D1E173-472678\" width=\"282\" height=\"179\" \/><\/a><\/p>\n<p>Maamulka Televisionka Horn cable Tv aya Shaqadii ka joojiyay Jilayaasha Jawaan Iyo sooraan oo sanadihii ugu dambeeyay ka hawl galayay tv gaas . Jilayaasha jawaan iy sooraan ayaa hawshooda jilaanimo ka bilaabay Tv gaas horn cable tv , Waxaana uu ahaa tv ga horn cable tv kii suuro galiyay inay jilayaashani noqdaan qaar caana oo laga yaqaano deegana somalidu dagto.<\/p>\n<p>Jilayasha Jawaan iyo sooraan ayaa baryihii u dambeeyay waxa lagu eedaynayay Guul wadayn xad dhaaf ah oo ay u hayaan xukuumada siilanyo iyado laga arkayay riwaayadaha ay soo saaraan inay ay ku dhex qarinayaan amaanta iyo waxqabadka humaaga ah ee ay ku faaanto xukuumada Siilanyo, Waxa kale oo lagu eedeenayay labadan jilaa inay hawlahoodi shaqo xooog uga gaabiyeen.<\/p>\n<div><ins data-ad-client=\"ca-pub-1921701309957198\" data-ad-slot=\"8075782263\" data-adsbygoogle-status=\"done\"><ins id=\"aswift_1_expand\"><ins id=\"aswift_1_anchor\">Isku soo wada duuboo Maamulka tv ga horn cable tv aya dhawr jeeer u sheegtay jilayasha inay bulshada dhexdhexaad u noqdaan isla markaana fikirkooda siyaasadeed u noqd mid iyaga u gaara . balse arinkaas ayaaa noqday mid anay waxba ka bedelin .<\/ins><\/ins><\/ins><\/div>\n<p>Waxaanay warqad xil ka qaadista oo aanu helnay nuqul ka mid ahi u dhignayd iyadoo dhamaystiran sidan:-<br \/>\n&#8220;Horn Cable TV waxa uu idinka Mahad celinayaa Muddadii aynu wada shaqaynay, anagoo idiin hayna Tixgalin iyo Sharaf wanaagsan, waxa muuqatay in hawshii aad hayseen Tv-ga ay hoos u dhac balaadhan ku yimid taasi oo ka timid in Shaqadii la idiin xilsaaray aad ka gaabiseen, muddo dheerna aanay sidii loo baahna u socon wayday.<\/p>\n<p>Waxa xusid in mararka laduwan Mamulka sareee TV-gu idin kala Xajooday inaad shaqada wax ka badashaan, wakhti wanaagsan oo aad wax ku badeshana la idinsiiyay, nasiibdarose ay xagiina ka suurto gali wayday, sidaad ka warqabtaana dhamaan tiraba saddex heshiis oo Xafiiska aad la gasheena aad kasoo bixiwaydeen, shaqaalihii iyo dadkii aad wadashaqaynayseena cabasho kala duwan ka keeneen wadashaqayntiina iyo hoos u dhaca ku yimid wax soo-saarkii shaqada, sidaasi awgeed waxa uu Horn Cable TV idinku wargalinayaa in wixii maanta ka danbeeya inaad u madaxbanaan tihiin hawlihiina, gaarka ah ee aad kaga mashquusheen isla markaana aydaan wax shaqo ah u haynin. Waxaananu idiinka mahad naqaynaa muddadii aynu soo wada-shaqaynay\u201d.<\/p>\n<p>Dhinaca kale labadan majaajilayste oo iyagu ku caan-baxay barnaamijyada kala duwan ee lagu baahn jiray telefishanka HCTV ayaa iyagu tan xiligii ay kasoo laabteen safarkii ay dhawaan ku tageen dalka Ingiriiska ku mashquulsanaa hawlo u gaar ah oo ay kaga mashquuleen shaqadii ay Tv-gaasi u hayaan, taasina ay sababtay in gabi-ahaanba laga joojiyo shaqadii ay ka hayeen Telefishankaasi.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Maamulka Televisionka Horn cable Tv aya Shaqadii ka joojiyay Jilayaasha Jawaan Iyo sooraan oo sanadihii ugu dambeeyay ka hawl galayay tv gaas . Jilayaasha jawaan iy sooraan ayaa hawshooda jilaanimo ka bilaabay Tv gaas horn cable tv , Waxaana uu ahaa tv ga horn cable tv kii suuro galiyay inay jilayaashani noqdaan qaar caana oo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":7269,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-7264","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-1Ta","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/7264","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=7264"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/7264\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=7264"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=7264"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=7264"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}