{"id":72631,"date":"2023-06-12T16:07:10","date_gmt":"2023-06-12T16:07:10","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=72631"},"modified":"2023-06-12T16:07:10","modified_gmt":"2023-06-12T16:07:10","slug":"safaaradda-soomaaliya-ee-suudaan-oo-la-bililiqaystay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2023\/06\/12\/safaaradda-soomaaliya-ee-suudaan-oo-la-bililiqaystay\/","title":{"rendered":"Safaaradda Soomaaliya Ee Suudaan Oo La Bililiqaystay"},"content":{"rendered":"<p>Suudaan (Arabsiyo) &#8211; Koox\u00a0hubeysan ayaa bililiqeystay gaadiidkii safaaradda Soomaaliya ee\u00a0 dalka Suudaan, sida uu sheegay safiirka Soomaaliya ee dalkaas Amb. Maxamed Sheekh Isxaaq.<\/p>\n<p>Safiirka Soomaaliya ee dalka Suudaan Amb. Maxamed Sheekh Isxaaq ayaa qoraal uu ka soo saaray arrintaan wuxuu ku yidhi, \u201cWaxaan cambaareynayaa falkii wuxuushnimada ahaa ee lagu bililiqeystay guriga aan ka deganaa magaalada Khartoum ee dalka Suudaan.&#8221;<\/p>\n<p>Safiirka ayaa sheegay in la qaatay\u00a0gaadiidkii Safaaradda Soomaaliya, falkaas wuxuu ku eedeeyay inay ka dambeeyaan maaleeshiyaad hubeysan oo uu sheegay in ayna ixtiraameynin qawaaniinta caalamka iyo xurmadaha diplomasiyiinta caalamka.<\/p>\n<p>Bishii hore ayay ahayd markii la jabsaday safaaradda Soomaaliya ee Khartoum, iyadoo halkaas lagala baxay hal gaadhi oo dad shacab ah ay lahaayeen iyo agab kale.<\/p>\n<p>Dowladda Soomaaliya ayaa horey dadkeeda uga daad guraysay dalka Suudaan oo ay dagaalo ahliya ka socdaan.\u00a0 Waxay ciidamada ku dagaalamaya Khartoum ku dhaleecaysay inay ku fashilmeen ilaalinta dadka rayidka.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<h4><strong>Arabsiyonews.com\/Hargeisa Office\u00a0<\/strong><\/h4>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Suudaan (Arabsiyo) &#8211; Koox\u00a0hubeysan ayaa bililiqeystay gaadiidkii safaaradda Soomaaliya ee\u00a0 dalka Suudaan, sida uu sheegay safiirka Soomaaliya ee dalkaas Amb. Maxamed Sheekh Isxaaq. Safiirka Soomaaliya ee dalka Suudaan Amb. Maxamed Sheekh Isxaaq ayaa qoraal uu ka soo saaray arrintaan wuxuu ku yidhi, \u201cWaxaan cambaareynayaa falkii wuxuushnimada ahaa ee lagu bililiqeystay guriga aan ka deganaa magaalada [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":72632,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-72631","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/2023612638221533149824959.jpg?fit=660%2C371&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-iTt","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72631","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=72631"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72631\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":72633,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72631\/revisions\/72633"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/72632"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=72631"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=72631"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=72631"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}