{"id":72624,"date":"2023-06-11T20:27:57","date_gmt":"2023-06-11T20:27:57","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=72624"},"modified":"2023-06-11T20:29:08","modified_gmt":"2023-06-11T20:29:08","slug":"cabdirisaaq-khaliif-oo-iscasilay-somaliland-na-eedeeyay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2023\/06\/11\/cabdirisaaq-khaliif-oo-iscasilay-somaliland-na-eedeeyay\/","title":{"rendered":"Cabdirisaaq Khaliif Oo Iscasilay, Somaliland-na Eedeeyay"},"content":{"rendered":"<p>Hargeysa (Arabsiyo) &#8211; Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo ahaa Guddoomiyihii Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkaasi.<\/p>\n<p>Cabdirisaaq oo shir jaraa\u2019id ku qabtay Laascaanood, ayaa kaga dhawaaqay is-casilaaddiisa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan iska casilay xilkii guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland, xubinimadii golaha iyo xisbigii Waddani ee aan ka tirsanaa,\u201d ayuu yidhi Cabdirisaaq Khaliif Guddoomiyihii Golaha Wakiillada Somaliland.<\/p>\n<p>Sidoo kale, waxa uu iska casilay xisbiga mucaaradka ee Waddani oo uu ka tirsanaa, taasi oo ka dhigan inuu gebi ahaanba ka baxay siyaasadda Somaliland, sida ay hore u sameeyeen siyaasiyiin ay isku deegaan yihiin.<\/p>\n<p>Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayay si weyn u kala fogaadeen Somaliland, ka dib dagaalka dhowrka bilood ka socda Laascaanood, ayaa tallaabadan qaaday kadib Xukuumadda Somaliland ay ka gudbisay dacwd ay ku dalbaneyso in laga saaro Baarlamaanka, waxayna ku eedeeysay inuu jabiyey dastuurka Somaliland, waxayna muddooyinkii dambe ku howlneyd sidii ay xilka uu iska casilay uga qaadi laheyd.<\/p>\n<p>C\/risaaq Khaliif oo u muuqda in Cid kale adeegsanayso, ayaa Shirkiisa jaraa&#8217;id ku sheegay in Maamul la dhisayo Maamul uu ku sheegay SSC-KHAATUMO, kaasi oo uu sheegay inuu ku wareejinayo Mid ka mid ah Gaadiidkii uu Somaliland kala tagay.<\/p>\n<p>Khaliif oo bilihii u dambeeyay si dhuumalaysi ah ugu galaa-baxayey Waddamada Gobolka iyo Carabta, si uu Somaliland u dhibaateeyo, ayaa noqonaya Guddoomiyihii ugu muddada gaabnaa ee soo mara Baarlamaannada Somaliland, waxaanu hayey xilka Guddoomiyaha Golaha Wakiillada 2-dii sano ee u dambeeyay, laakiin xilligan oo uu si cad uga hor-yimid Somaliland, ayaa la rumaysan yahay inuu u ololaynayo inuu noqdo Madaxweynaha Maamul uu carrabka ku dhuftay in la hirgelinayo.<\/p>\n<p>Siyaasad ahaan, Cabdirisaaq Khaliif, ayaa Somaliland ka soo shaac-baxay xilligii Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo, waxaanu soo qabtay Xilal Wasiirnimo, laakiin markii dambe ayuu wuxuu ka mid noqday Wasiirro iyo Masuuliyiin uu hoggaaminayey Xirsi Cali Xaaji Xasan oo mar keliya iska casilay Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo.<\/p>\n<p>Markaa ka dibna waxay Isaga iyo Kooxdii uu Xirsi ka mid ahaa ku biireen Xisbiga WADDANI oo uu doorashadii Baarlamaanka isla sharraxay, isagoo ka soo baxay Gobolka Sool, Xisbigaasi oo uu Caawa ku dhawaaqay inuu ka baxay.<\/p>\n<p>Xisbiga WADDANI ee uu Cabdirisaaq ka baxay, ayaa hore u difaacay markii Xeer-ilaalinta Somaliland ka gudbisay Dacwadda.<\/p>\n<p>Sidaa darteed, ayaa Xukuumadda Somaliland ugu baaqday Xisbiga WADDANI inuu caddeeyo Mawqifka uu ka taagan yahay Tallaabada la doonayey in laga qaado Khaliif.<\/p>\n<p>Wasiirka Warfaafinta Saleebaan Cali Koore, ayaa sidaa ku sheegy Shir-jaraa&#8217;id oo uu ku qabtay Hargeysa.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<h4><strong>Arabsiyonews.com\/Hargeisa Office<\/strong><\/h4>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa (Arabsiyo) &#8211; Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo ahaa Guddoomiyihii Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkaasi. Cabdirisaaq oo shir jaraa\u2019id ku qabtay Laascaanood, ayaa kaga dhawaaqay is-casilaaddiisa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland. \u201cWaxaan iska casilay xilkii guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland, xubinimadii golaha iyo xisbigii Waddani ee aan ka tirsanaa,\u201d ayuu yidhi Cabdirisaaq Khaliif Guddoomiyihii [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":72625,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-72624","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/Khaliif-1.jpg?fit=480%2C270&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-iTm","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72624","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=72624"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72624\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":72627,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72624\/revisions\/72627"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/72625"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=72624"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=72624"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=72624"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}