{"id":72602,"date":"2023-06-10T16:30:32","date_gmt":"2023-06-10T16:30:32","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=72602"},"modified":"2023-06-10T16:30:32","modified_gmt":"2023-06-10T16:30:32","slug":"midowga-yurub-oo-soo-saaray-sharci-dhib-ku-ah-tahriibayaasha-magangalyo-doonka-ah","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2023\/06\/10\/midowga-yurub-oo-soo-saaray-sharci-dhib-ku-ah-tahriibayaasha-magangalyo-doonka-ah\/","title":{"rendered":"Midowga Yurub Oo Soo Saaray Sharci Dhib Ku Ah Tahriibayaasha Magangalyo-doonka Ah"},"content":{"rendered":"<p>EU (Arabsiyo) &#8211; Xilli ay Yurub ku soo badanayaan xisbiyada midigta fog ee soo galootiga ka soo horjeeda ayuu Midowga Yurub soo saaray xeerar lagu adkaynayo xudduudaha si ayna u soo galin muhaajiriin sharci darro ah.<\/p>\n<p>Soo jeedinta oo niskii dambe ee khamiista la ansixiyey ayey ku jiraan taallaabooyin adadag oo ka dhan ah muhaajiriinta.<\/p>\n<p>Balse, dadka u dooda xuquuqda dadka qoxootiga iyo muhaajiriinta ayaa ka digay in isbaddelku sii adkayn doono in ay dadka magan galyo doonka ku sii adkaan doonto in ay Yurub ka helaan magangalyo amni.<\/p>\n<p>Sharciga ayaa fududeynaya in dadka soo galootiga ah si fudud loo tarxiilo, haddii loo arko in ayna u qalmin magangalyo ay Yurub kaga helaan ilaalin amni, waxaana sidoo kale la yareynayaa culayska soo galootiga ee saaran dalka Talyaaniga oo xilliyadii u dambeeyay ay ka taagneyd dhibaato muhaajiriin, iyaga oo si wada jir ah ay dalalka Midowga Yurub u qaadanayaan mas&#8217;uuliyada soo galootiga ee xudduudaha dalkaas.<\/p>\n<p>Heshiiska ayaa loo arkaa in uu yahay guul u soo hoyatay Raysal-wasaaraha Talyaaniga ee midigta fog oo ballanqadyadeedii ahaa in ay xakamaynayso soogalootiga ay u sahashay in xisbigeedu hanti dawladda.<\/p>\n<p>Midowga Yurub ayaa qaadanaya habraac guud oo ay ku mideysan yihiin kaas oo la yidhaahdo, Korjoogteynta Habraaca Magangelyo doonka (APR), waxaana looga baahan yahay inay dadka magan gelyadoonka ah raacaan si ay u raadsadaan ilaalinta caalamiga ah.<\/p>\n<p>Waxaa la dedajinayaa muddada ay qaadanayso soo afjaridda habraaca codsiyada magangalyo doonka.<\/p>\n<p>Inkasta oo sharcigani adkaynayo sida ay dadku ku soo gali lahaayeen dalalka Midowga Yurub fududeynta tarxiilka kuwa loo arko in ayna xaq u lahayn qaabilaad, haddana wuxuu sharcigani qeexayaa xuquuqda dadka magangalyo doonka ah ee Yurub.<\/p>\n<p>Waxaa ka mid ah xuquuqdaas sida ay sheegeen Midowga Yurub \u2018in qofka la siiyo adeegyada ay ka mid yihiin turjumaan, xaqa uu u leeyahay in uu helo caawinaad sharci iyo matalaad\u2019.<\/p>\n<p>Balse waxay sidoo kale sheegeen Midowga Yurub, in habraacyadani ay ka hortagi doonaan in nidaamka si khaldan loo isticmaalo, iyada oo laga hortagayo in dadku ay isku dayaan siyaabo kale oo ay ku galaan ama magangalyo kaga helaan dalalka Midowga Yurub.<\/p>\n<h4><strong>Arabsiyonews.com\/Hargeisa Office\u00a0<\/strong><\/h4>\n<p>Xigasho: BBC<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>EU (Arabsiyo) &#8211; Xilli ay Yurub ku soo badanayaan xisbiyada midigta fog ee soo galootiga ka soo horjeeda ayuu Midowga Yurub soo saaray xeerar lagu adkaynayo xudduudaha si ayna u soo galin muhaajiriin sharci darro ah. Soo jeedinta oo niskii dambe ee khamiista la ansixiyey ayey ku jiraan taallaabooyin adadag oo ka dhan ah muhaajiriinta. [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":72603,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-72602","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/c77d92b0-06ef-11ee-aa08-4727df20b680.jpg?fit=800%2C486&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-iT0","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72602","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=72602"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72602\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":72604,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72602\/revisions\/72604"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/72603"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=72602"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=72602"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=72602"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}