{"id":72590,"date":"2023-06-08T16:29:01","date_gmt":"2023-06-08T16:29:01","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=72590"},"modified":"2023-06-08T16:29:01","modified_gmt":"2023-06-08T16:29:01","slug":"agaasimaha-guud-ee-baanka-dhexe-oo-kulan-la-yeeshay-maamuleyaasha-laamaha-baanka-somaliland","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2023\/06\/08\/agaasimaha-guud-ee-baanka-dhexe-oo-kulan-la-yeeshay-maamuleyaasha-laamaha-baanka-somaliland\/","title":{"rendered":"Agaasimaha Guud Ee Baanka Dhexe Oo Kulan La Yeeshay Maamuleyaasha Laamaha Baanka Somaliland"},"content":{"rendered":"<p>Hargeysa (Arabsiyo) &#8211; Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe ee Somaliland Maxamed Qaasim, ayaa Maanta kulan Is-barasho iyo dar-dargelinta hawlaha shaqo ee Bangigu u hayo Qaranka la yeeshay maamuleyaasha Laamaha Baanka Dhexe ku leeyahay Gobollada Dalka.<\/p>\n<p>Kulankan oo ku qabsoomay Xarunta Baanka Dhexe ee Hargeysa, waxa goob-joog ka ahaa Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland Cali Cabdilaahi Daahir, Guddoomiye ku-xigeenka Baanka Dhexe Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Ismaaciil, Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe Maxamed Qaasim, Agaasime-waaxeedyada, Maamuleyaasha Gobollada dalka iyo Shaqaale-weynaha Baanka Dhexe.<\/p>\n<p>Xubin ka tirsan maamuleyaasha Laamaha Baanka Dhexe ee gobollada Dalka, ayaa ballan-qaaday inay soo dhaweynayaan Agaasimaha Guud isla markaana si hufan oo la mid ah ama ka sii wanaagsan ula shaqeynayaan Agaasimaha Guud, waxaanu yidhi, \u201cAad iyo aad baan ugu faraxsannahay inaanu Isbaranno oo maanta la kulanno Agaasimaha Guud oo aanu soo dhaweynayno una ballan-qaadayno wada-shaqayn iyo kalsooni. Baanka Dhexe waa hay\u2019ad dhaqan gaar ah leh oo ka duwan hay\u2019adaha kale, sababta ugu weynina waxa weeyi, waxaynu haynaa lacag, waxaynu haynaa sir. Taasaa sababtay in mar walba Baanku yahay hay\u2019ad hab-dhaqan gaar ah leh, arrintaasina waa ta mar walba saamaxaysa in maamul kasta oo isbeddela uu hab-dhaqankii hore sidiisii ku sii socdo\u201d.<\/p>\n<p>Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe Maxamed Qaasim ayaa u mahad-celiyey maamuleyaasha laamaha Baanka Dhexe Oo ka yimi Gobollada Dalka, kuwaas oo uu ka codsaday soo-dhaweyn iyo wada-shaqayn hufan, waxaanu yidhi, \u201cKulankeenu wuxuu daaran yahay isbarasho iyo is-xogwaraysi, maaddaama meesha aan ku cusubahay xog badan ma hayo inkasta oo aan kormeer ku soo maray laamaha Galbeedka sida Boorama, Wajaale iyo Gabiley oo wixii indhahaygu qaban karayeen waan soo arkay, laakiin waxaan u baahanhay xog badan.\u201d<\/p>\n<p>Agaasimuhu waxa kale oo uu sheegay \u201cQofku wuxuu wax qabtaa oo uu wax maamulahaa marka uu xog helo. Waxa kale oo aan idiinka baahanay soo dhaweyn, waayo soo dhaweyntu maaha uun \u2018Soo dhawow\u2019, waxaan idiinka baahanahay inaad shaqada I bartaan,\u201d ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Baanka Dhexe oo muddo 20-sanno ka badan ku soo dhex-jiray Bahda Waxbarashada dalka, isagoo ahaa macalin wax ka dhiga Mac-hadyada gaarka loo leeyahay ee magaalada Hargeysa.<\/p>\n<p>Agaasimaha Guud wuxuu kulanka ka ballan-qaaday xoojinta wada-shaqaynta iyo isku-xidhnaanta Shaqaale-weynaha Baanke Dhexe, waxaanu yidhi, \u201cWaxa ugu muhiimsan ee shaqo ku hagaagi kartaa waa dadka oo wada-shaqeeya (Team Work). Wixii horumar ahi waa arrin gaar ah, waxaan Xoogga Saari doonaa inaynu Wada-shaqayn wanaagsan yeelano, waayo wada-shaqayntu qalbiga ayay ka timaadaa, dadku haddii ay u wada-shaqeeyaan si walaanimo ku dheehan tahay, shaqadu way hagaagtaa\u201d.<\/p>\n<p>Agaasimaha Guud oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, \u201cQofku hadduu iimaan leeyahay, wixii lagu aamino waa loogu imanayaa, waayo waxaynu ka shaqaynaa waa Lacag, lacagtuna waxay u baahan tahay Aaminaad badan iyo Ilaalin badan, waayo way eed badan tahay. Qofka Bani\u2019aadamka ah inuu sharaftiisa ilaashado isagay u wanaagsan tahay. Waxaynu si fiican u wada shaqayn karaynaa markaynu waajibaadkeenna si hufan u gudanno. Anigu waxaanu ehel nahay qofka Shaqada ku wanaagsan\u201d.<\/p>\n<p>Guddoomiye ku-xigeenka Baanka Dhexe ee Somaliland Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Ismaaciil, ayaa ka hadlay ujeeddada kulanka, waxaanu yidhi, \u201cWaxaynu maanta isugu nimi si ay maamuleyaasha Laamaha Baanku iyo Kor-joogaha Barigu u soo dhaweeyaan isuna bartaan Agaasimaha Guud ee Cusub, waayo shaqadii joogta ahayd ee uu Masuulka ka ahaa Idinkaa haya, inaad kulan wada-qaadataanna waa arrin muhiim ah\u201d.<\/p>\n<p>Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland Dr Cali Cabdilaahi Daahir oo kulanka ka jeediyey hadallo isugu jira baraarujin iyo dhiirrigelin la xidhiidha shaqada uu Baanku u hayo Qaranka, waxaanu madaxda laamaha Baanka Dhexe ku boorriyey inay ilaaliyaan sumcadda Baanka Dhexe.<\/p>\n<p>\u201cShaqada aynu qaranka u haynaa waa mid aad iyo aad u xasaasiya waayo waa Dhaqaalihii dalka. Maamuluhu waa badhasaabkii oo kale oo isagaa metelaya Baankii Dhexe, markaa hab-dhaqanka uu la yimaaddo ayuunbuu Baanka Dhexe-na leeyahay,\u201d sidaas ayuu yidhi Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<h4><strong>Arabsiyonews.com\/Hargeisa Office\u00a0<\/strong><\/h4>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa (Arabsiyo) &#8211; Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe ee Somaliland Maxamed Qaasim, ayaa Maanta kulan Is-barasho iyo dar-dargelinta hawlaha shaqo ee Bangigu u hayo Qaranka la yeeshay maamuleyaasha Laamaha Baanka Dhexe ku leeyahay Gobollada Dalka. Kulankan oo ku qabsoomay Xarunta Baanka Dhexe ee Hargeysa, waxa goob-joog ka ahaa Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland Cali Cabdilaahi [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":72512,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-72590","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/IMG-20230528-WA0014.jpg?fit=1080%2C607&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-iSO","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72590","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=72590"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72590\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":72591,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72590\/revisions\/72591"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/72512"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=72590"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=72590"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=72590"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}