{"id":72581,"date":"2023-06-07T17:19:55","date_gmt":"2023-06-07T17:19:55","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=72581"},"modified":"2023-06-07T17:19:55","modified_gmt":"2023-06-07T17:19:55","slug":"kulmiye-oo-suaal-geliyey-in-xisbiga-waddani-oo-aaminsan-yahay-qaranimada-iyo-dastuurka-somaliland","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2023\/06\/07\/kulmiye-oo-suaal-geliyey-in-xisbiga-waddani-oo-aaminsan-yahay-qaranimada-iyo-dastuurka-somaliland\/","title":{"rendered":"KULMIYE Oo Su&#8217;aal-geliyey In Xisbiga WADDANI Oo Aaminsan Yahay Qaranimada Iyo Dastuurka Somaliland"},"content":{"rendered":"<p>Hargeysa (Arabsiyo) &#8211; Ka dib, markii Musharraxa Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Guddoomiyaha Xisbigaasi Xirsi Cali Xaaji Xasan ka hor-yimaadddeen Dacwadda lagu soo oogay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa Xisbiga Talada Somaliland haya ee Kulmiye soo saaray War-saxaafadeed uu eedaymo ugu jeediyey Hoggaanka Sare ee Xisbigaasi.<\/p>\n<p>War-saxaafadeedkaas oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Xisbiga KULMIYE Cabdinaasir Muxumed Xasan (Buuni), ayaa u qornaa sidan &#8220;Xisbiga KULMIYE waxa uu aaminsan yahay jiritaanka hay\u2019adaha Dastuuriga ah ee Qaranka Soomaaliland leeyahay iyo kala-madaxbannaanidooda. Haddaba, waxa nasiib-darro ah in hoggaanka Xisbiga Waddani hab-dhaqan ka dhigtay eedaynta iyo cambaaraynta hay&#8217;adaha dastuuriga ah, iyagoo si joogto ah u aflagaadeeya Golaha Guurtida, Maxkamadda Sare\/Dastuuriga iyo Ciidammada Qaranka.<\/p>\n<p>Shacabka Soomaalilaand waxa ay iswaydiinayaan:<\/p>\n<p>\u2022 Xisbiga Waddani miyaanu aaminsanayn jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland iyo madaxbannaanida Qaranimadeeda?<\/p>\n<p>\u2022 Xisbiga Waddani miyaanu aqoon u lahayn qodobada dastuuriga ah ee xilka lagu waayi karo?<\/p>\n<p>\u2022 Xisbigaa Waddani miyaanu aaminsanayn Hay\u2019adaha Garsoorka iyo xaq-soorkooda?<\/p>\n<p>\u2022 Xisbigan Waddani ee raba hoggaaminta dalku miyaanu taageero u ahayn ciidammad Qaranka ee dalkooda difaacaya?<\/p>\n<p>\u2022 Xisbiga Waddani miyaanu la aragti ahayn shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ee u taagan ilaalinta qarannimadooda?<\/p>\n<p>\u2022 Xisbiga Waddani miyaanu arkeynin duullaanka xuduudeed ee dalkan lagu soo qaaday?<\/p>\n<p>Haddaba, Xisbiga KULMIYE waxa uu caddaynayaa in aan gole, xisbi, hay\u2019ad kale iyo cid kasta oo ka baxsan garsoorku aanay awood sharci u lahayn faro-gelinta dacwadaha daskuuriga ah ee ka socda hay\u2019adaha garsoorka. Waxa aannu u soo jeedinaynaa hay\u2019adaha awoodda sharci u leh in ciddii faro-gelisa hay\u2019adaha garsoorka iyo madaxbannaanidooda ay la xisaabtamaan.<\/p>\n<p>Ugu dambayn, waxaanu u sheegaynaa hoggaanka Xisbiga Waddani in dalkani leeyahay Dastuur iyo xeerar ka dheegma, laguna wiiqi karin eedaymo aan qaban iyo daacayado caado laga dhigto oo loo gaysto hay\u2019adaha dastuuriga ah ee Qaranku leeyahay.&#8221;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<h4><strong>Arabsiyonews.com\/Hargeisa Office\u00a0<\/strong><\/h4>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa (Arabsiyo) &#8211; Ka dib, markii Musharraxa Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Guddoomiyaha Xisbigaasi Xirsi Cali Xaaji Xasan ka hor-yimaadddeen Dacwadda lagu soo oogay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa Xisbiga Talada Somaliland haya ee Kulmiye soo saaray War-saxaafadeed uu eedaymo ugu jeediyey Hoggaanka Sare ee Xisbigaasi. War-saxaafadeedkaas [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":27932,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-72581","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/111.jpg?fit=640%2C360&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-iSF","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72581","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=72581"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72581\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":72582,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72581\/revisions\/72582"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/27932"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=72581"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=72581"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=72581"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}