{"id":72534,"date":"2023-05-31T18:06:00","date_gmt":"2023-05-31T18:06:00","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=72534"},"modified":"2023-05-31T18:13:42","modified_gmt":"2023-05-31T18:13:42","slug":"ciidanka-madaxtooyada-puntland-oo-mushahar-laaan-awgeed-la-gadooday","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2023\/05\/31\/ciidanka-madaxtooyada-puntland-oo-mushahar-laaan-awgeed-la-gadooday\/","title":{"rendered":"Ciidanka Madaxtooyada Puntland Oo Mushahar La&#8217;aan Awgeed U Gadooday"},"content":{"rendered":"<p>Garoowe (Arabsiyo) &#8211; Ciidamo\u00a0ka gadoodsan mushahar la&#8217;aan, ayaa saaka xidhay waddada gasha Madaxtooyada iyo wasaaradaha maamulka Puntland.<\/p>\n<p>Ciidamadan ayaa dadka iyo gaadiidka u diidayey inay ka gudbaan waddadan. Waxayna waddada ku jareen tekniko dagaal iyo dhagaxaan.<\/p>\n<p>Waddada ay ciidankan goosteen ayaa ah wadddo aad muhiim ah oo ay subax walba u shaqo tagaan shaqaalaha ka shaqeeya wasaaradaha, madaxtooyada Puntland, xarumo ganacsi iyo hay&#8217;adaha oo xarumahooodu halkaas ku yaallaan.<\/p>\n<p>Ciidamadan gadoodka sameeyay ayaa la sheegay inay ka tirsan yihiin ciidamada Madaxtooyada Puntland, waxayna ka cabanayaan mushahar la&#8217;aan dhowr bilood ah, sida laga soo xigtay qaar ka mid ah saraakiishooda.<\/p>\n<p>Waa markii labaad oo maalmo gudaheed ciidamo Puntland ay sameeyaan gadood ay kaga cabanayaan mushahar la&#8217;aan.<\/p>\n<p>Maalmo ka hor ayay ahayd markii ciidamo ku sugan buuraha Golis ay kasoo baxeen fadhiisinkooda, iyadoo xidhay laamiga Bosaso. Waxay ka cabanayeen mushahar la&#8217;aan.<\/p>\n<p>Puntland ayaa caan ku ah marka la gaadho sanadka ugu dambeeya muddo xileedka Madaxweynaha in ay dhacdo mushahar la&#8217;aanta ciidanka iyo shaqaalaha, iyadoo loo sababeeyo in madaxdu ku mashquulaan arrimaha doorashada.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<h4><strong>Arabsiyonews.com\/Hargeisa Office\u00a0<\/strong><\/h4>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Garoowe (Arabsiyo) &#8211; Ciidamo\u00a0ka gadoodsan mushahar la&#8217;aan, ayaa saaka xidhay waddada gasha Madaxtooyada iyo wasaaradaha maamulka Puntland. Ciidamadan ayaa dadka iyo gaadiidka u diidayey inay ka gudbaan waddadan. Waxayna waddada ku jareen tekniko dagaal iyo dhagaxaan. Waddada ay ciidankan goosteen ayaa ah wadddo aad muhiim ah oo ay subax walba u shaqo tagaan shaqaalaha ka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":72536,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-72534","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/2023531638210953065644285.jpg?fit=660%2C395&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-iRU","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72534","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=72534"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72534\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":72540,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72534\/revisions\/72540"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/72536"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=72534"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=72534"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=72534"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}