{"id":72532,"date":"2023-05-31T18:02:49","date_gmt":"2023-05-31T18:02:49","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=72532"},"modified":"2023-05-31T18:02:49","modified_gmt":"2023-05-31T18:02:49","slug":"somaliland-oo-fashilisay-weerar-argagixiso","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2023\/05\/31\/somaliland-oo-fashilisay-weerar-argagixiso\/","title":{"rendered":"Somaliland Oo Fashilisay Weerar Argagixiso"},"content":{"rendered":"<p>Hargeysa (Arabsiyo) &#8211; Kooxaha Huwanta ah ee isku urursaday Magaalada Laascaanood, ayaa bilaabay inay Miino ku aasaan deegaannada ka baxsan Magaalada Laascaanood, si ay u waxyeeleeyaan Ciidamada Qaranka Somaliland ee jiidahaa ku sugan.<\/p>\n<p>Kooxaha Huwanta ah oo ay ka mid tahay Al-shabaab oo caan ku ah weerarrada Qaraxyada ah, ayaa deegaanka Si-xawle oo ku dhow Yagoori, waxay ku aaseen Miinooyin, laakiin Miinooyinkaas ayaa la kacay kooxdii loo xil-saaray inay ku aasaan jid ay Ciidammada Qaranku isticmaalaan, waxaana halkaa ku dhintay laba ka mid ah Lix Nin oo hawshaa waday, halka ay goobta ka baxsadeen Afartii kale.<\/p>\n<p>Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland oo dhacdadan Argagaxa leh War-saxaafadeed ka soo saartay, ayaa sheegtay in kooxaha Argagixisada ah ee ku sugan Laascaanood ay bilaabeen inay isku dayaan inay Qaraxyo ku aasaan Jidadka, markii ay awood u waayeen inay toos ula dagaalamaan Ciidammada Qaranka JSL.<\/p>\n<p>War-saxaafadeedkaas oo lagu socodsiiyey Beesha Caalamka, ayaa u qornaa sidan &#8220;Subaxnimadii hore ee saaka abaara 3-dii aroornimo ee xilliga dalka Somaliland ayaa waxaa lagu guuleystay in la fashiliyo weerar argagaxiso oo loo maleegayey ciidamadayada oo ah kuwa feejigan.<\/p>\n<p>Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in lix qof oo ka tirsan koox argagixiso ah oo qorsheynayay weeraro ismiidaamin ah ay si degdeg ah iskugu qarxiyeen tuulada Si-xawle.<\/p>\n<p>Tuuladani waxay u dhaxaysaa Yagoori iyo Samkaab, waxayna ka tirsan tahay gobolka Sool, waxayna aad ugu dhowdahay Laascaanood.<\/p>\n<p>Nasiib darro, labo ka mid ah raggii falkan geystay ayaa naftooda ku waayey qaraxaas oo ahaa mid deg-deg ah, halka afartii soo hadhayna ay u suurtagashay inay ka baxsadaan goobta.<\/p>\n<p>Dhacdadani waxa ay si weyn u xasuusinaysa in ururrada argagixisadu ay weli khatar ku yihiin nabadda iyo nabadgelyada Somaliland iyo gobolka ku xeeran.<\/p>\n<p>Si kastaba ha ahaatee, waxaan u xaqiijineyna muwaadiniintayada iyo beesha caalamka in ciidamadayada ammaanku ay si joogto ah u feejigan yihiin, si dhow ula socdaan dhaqdhaqaaqyada kooxahan xagjirka ah.<\/p>\n<p>Wasaaradda gaashaandhigga waxa ay ku celinaysaa sida ay uga go\u2019an tahay ilaalinta nabadda iyo xasiloonida Somaliland.<\/p>\n<p>Ma ogolaan doono falalkan argagaxa leh inay carqaladeeyaan xasiloonida iyo horumarka aanu gaadhnay.<\/p>\n<p>Ciidammadayada mmaanku waxa ay si joogto ah ugu taagan yihiin, una heelan yihiin ilaalinta muwaadiniinta iyo xaqiijinta ammaankooda.<\/p>\n<p>Waxaan ku boorineynaa beesha caalamka inay si wadajir ah ugu istaagaan la dagaalanka argagixisada iyo xagjirnimada. Wadashaqeynta iyo sirdoonka oo la wadaago ayaa muhiim u ah dadaalladayada wadajirka ah si aan uga hortagno khatarahan si wax ku ool ah.<\/p>\n<p>Wasaaradda gaashaandhigga ayaa sii wadi doonta in ay bixiso wixii ku soo kordha inta baadhitaanku socdo.<\/p>\n<p>Waxaan ka mahadcelineynaa taageerada iyo wadajirka ay noo fidiyeen saaxiibadayada caalamiga ah waqtigan xasaasiga ah.&#8221;<\/p>\n<p>Dhanka kale, Afhayeenka Guddiga 33-ka ah ee kooxaha isku urursaday Laascaanood Cabdirisaaq Falaalug oo Shir-jaraa&#8217;id qabtay, ayaa si ku Talo-gal ah u sheegay in weerarkaas ay geysteen Ciidamada Somaliland.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<h4><strong>Arabsiyonews.com\/Hargeisa Office\u00a0<\/strong><\/h4>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa (Arabsiyo) &#8211; Kooxaha Huwanta ah ee isku urursaday Magaalada Laascaanood, ayaa bilaabay inay Miino ku aasaan deegaannada ka baxsan Magaalada Laascaanood, si ay u waxyeeleeyaan Ciidamada Qaranka Somaliland ee jiidahaa ku sugan. Kooxaha Huwanta ah oo ay ka mid tahay Al-shabaab oo caan ku ah weerarrada Qaraxyada ah, ayaa deegaanka Si-xawle oo ku dhow [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":27932,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-72532","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/111.jpg?fit=640%2C360&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-iRS","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72532","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=72532"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72532\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":72533,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72532\/revisions\/72533"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/27932"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=72532"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=72532"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=72532"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}