{"id":72504,"date":"2023-05-28T16:10:50","date_gmt":"2023-05-28T16:10:50","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=72504"},"modified":"2023-05-28T16:10:50","modified_gmt":"2023-05-28T16:10:50","slug":"dawladda-soomaaliya-caddaysay-in-xalka-dagaalka-laascaanood-yaallo-somaliland","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2023\/05\/28\/dawladda-soomaaliya-caddaysay-in-xalka-dagaalka-laascaanood-yaallo-somaliland\/","title":{"rendered":"Dawladda Soomaaliya Caddaysay In Xalka Dagaalka Laascaanood Yaallo Somaliland"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho (Arabsiyo) &#8211; Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, waxa Maanta gaadhay Garaaddo ka socda Beesha bariga Gobolka Sool ee Bilihii u dambeeyay dagaalkii ay Laascaanood ka bilaabeen socdo.<\/p>\n<p>Garaaddadan oo halkaa ku tagay Marti-qaad ay ka Heleen Dawladda Soomaaliya ee uu Hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxa halkaa ku soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi.<\/p>\n<p>Garaaddada Muqdisho lagu soo dhaweeyay oo ka kooban Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, Garaad C\/Risaaq Garaad Soofe,<\/p>\n<p>Garaad C\/Salaan Xasan Maxamed, Suldaan Mustafe Maxamuud Awseed &amp; Ugaas Maxamud Ugaas Cabdillaahi, ayaa wata Qorshe ay ku doonayaan inay Dawladda Soomaaliya ku qanciyaan in dagaalka Laascaanood salka ku hayo ilaalinta Midnimada Soomaaliya, ayaa ka hor intii aanay gaadhin Muqdisho, waxay Dawladda Soomaaliya caddaysay Mawqifkeeda ku aaddan Colaadda Laascaanood, ka dib Shir Muqdisho ugu soo dhamaaday Golaha Wada-tashiga Soomaaliya, kaasi oo ka kooban Dawladda Federaalka ah oo uu Matalayey Raysal-wasaare Xamse Cabdi Barre iyo Madaxweyneyaasha Maamul-goboleedyada Soomaaliya, ayaa soo saaray War-saxaafadeed dheer, kaasi oo lagu soo bandhigay go&#8217;aamo khuseeya Dawladnimada Soomaaliya, Doorashooyinka iyo Arrimo kale.<\/p>\n<p>War-saxaafadeedkaas, ayaa lagu soo qaaday Colaadda Laascaanood, waxayna Golaha Wada-tashiga Soomaaliya oo ka kooban Dawladda Dhexe iyo Maamul-goboleedyadu ku muujiyeen in arrinta Laascaanood u taallo Somaliland iyo Shacabkeeda Gobolka Sool, waxayna ku baaqeen in Wada-hadal lagu dhameeyo Colaadda taagan.<\/p>\n<p>War-saxaafadeedka ayaa lagu yidhi &#8220;Goluhu wuxuu ugu baaqayaa Somaliland iyo Shacabka Sool Xabad-joojin deg-de\u0123 ah oo Shuruud la&#8217;aan ah iyo inay iskugu yimaaddaan Wada-hadal nabadeed..&#8221;<\/p>\n<p>Hadalkan ka soo baxay Golaha Wada-tashiga Soomaaliya, ayaa muujinaya Mawqifka rasmiga ah ee Dawladda dalkaasi, kaasi oo ah in aanay doonayn inay Faro-geliso Arrimaha gudaha Somaliland.<\/p>\n<p>Hase-yeeshee, Ilo-Madax-banaan ayaa Warbaahinta Arabsiyo News u sheegay inay jiraan Qodobbo ay Dawladda Soomaaliya kala hadli doonto Garaaddada tagay Muqdisho, kuwaasi kala ah:-<\/p>\n<p>1. In Garaaddadu qaataan Nabadgalyo, kana shaqeeyaan sidii Colaaddu u joogsan lahayd, maaddaama oo xilligan Cidda mar walba weerarta Ciidammada Somaliland ay yihiin Maleeshiyooda.<\/p>\n<p>2. Inay Aqbalaan Gogoshii Nabadeed ee uu hore ugu dhigay Madaxweynaha Somaliland.<\/p>\n<p>3. In aanay Xalka Colaadda Laascaanood ka raadin meel ka baxsan Somaliland, maaddaama oo ay dhulka Sool ay Maamusho Dawladda Somaliland.<\/p>\n<p>4. Iyo in aanay isku Mashquulin Inay dhanka Puntland u Hanqal taagaan, balse ay Somaliland oo ay wax ka dhexeeyaan la noolaadaan, intii dhibaatada taagani sii socon lahayd.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<h4><strong>Arabsiyonews.com\/Hargeisa Office\u00a0<\/strong><\/h4>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho (Arabsiyo) &#8211; Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, waxa Maanta gaadhay Garaaddo ka socda Beesha bariga Gobolka Sool ee Bilihii u dambeeyay dagaalkii ay Laascaanood ka bilaabeen socdo. Garaaddadan oo halkaa ku tagay Marti-qaad ay ka Heleen Dawladda Soomaaliya ee uu Hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxa halkaa ku soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":72505,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-72504","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/FB_IMG_1685290142702.jpg?fit=720%2C540&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-iRq","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72504","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=72504"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72504\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":72506,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72504\/revisions\/72506"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/72505"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=72504"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=72504"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=72504"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}