{"id":72481,"date":"2023-05-27T19:01:28","date_gmt":"2023-05-27T19:01:28","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=72481"},"modified":"2023-05-27T19:01:28","modified_gmt":"2023-05-27T19:01:28","slug":"doorasho-ku-celis-ah-oo-berri-ka-dhacaysa-turkiga-iyo-rejada-erdogan","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2023\/05\/27\/doorasho-ku-celis-ah-oo-berri-ka-dhacaysa-turkiga-iyo-rejada-erdogan\/","title":{"rendered":"Doorasho Ku Celis Ah Oo Berri Ka Dhacaysa Turkiga Iyo Rejada Erdogan"},"content":{"rendered":"<p>Ankara (Arabsiyo) &#8211; Codbixiyayaasha Turkiga ayaa Axadda berri ah dooran doona Madaxweynaha dalkaas xukumi doona shanta sano ee soo socota, kadib markii doorashadii 14-kii May la waayay musharrax gaadha codadka lagu guulaysan karo.<\/p>\n<p>Madaxweyne Rajab Tayib Erdogan ayaa loollan adag kala kulmaya Kemal Kilicdaroglu oo ah musharraxa ay wataan mucaaradka, kaasoo wareeggii koowaad helay 44.9% codadkii la dhiibtay, halka Erdogan uu helay 49.5%.<\/p>\n<p>Sinan Ogan oo kaalinta saddexaad galay, isla markaana helay 5.2% codadkii la dhiibtay ayaa toddobaadkan taageeray Madaxweyne Erdogan taasoo sare u qaadday rejada uu kaga guulaysan karo mucaaradkiisa.<\/p>\n<p>Erdogan oo muddo 20 sano ah u talinayay waddankiisa ayaa rejaynaya in uu noqdo hoggaamiyaha ugu muddada dheer Turkiga casriga ah.<\/p>\n<p>Waxa uu beeniyay saadaashii ahayd in kaalinta labaad uu ka geli doono doorashadii dhacday badhtamihii bishan May, taasoo loo badinayay in ay guul wanaagsan ka gaadhaan mucaaradka.<\/p>\n<p>Isbahaysiga uu hoggaamiyo xisbiga talada haya ee AKP ayaa ku guulaystay aqlabiyadda baarlamaanka Turkiga, waxaana taasi ay Madaxweynaha siisay fursad uu taageero kaga raadsan karo darafyada kale.<\/p>\n<h4><strong>Arabsiyonews.com\/Hargeisa Office\u00a0<\/strong><\/h4>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ankara (Arabsiyo) &#8211; Codbixiyayaasha Turkiga ayaa Axadda berri ah dooran doona Madaxweynaha dalkaas xukumi doona shanta sano ee soo socota, kadib markii doorashadii 14-kii May la waayay musharrax gaadha codadka lagu guulaysan karo. Madaxweyne Rajab Tayib Erdogan ayaa loollan adag kala kulmaya Kemal Kilicdaroglu oo ah musharraxa ay wataan mucaaradka, kaasoo wareeggii koowaad helay 44.9% [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":72482,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-72481","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/download-2.jpeg?fit=224%2C224&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-iR3","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72481","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=72481"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72481\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":72483,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72481\/revisions\/72483"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/72482"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=72481"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=72481"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=72481"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}