{"id":72475,"date":"2023-05-27T18:53:40","date_gmt":"2023-05-27T18:53:40","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=72475"},"modified":"2023-05-27T18:53:40","modified_gmt":"2023-05-27T18:53:40","slug":"sucuudiga-oo-soo-saartay-awaamiir-cusub-oo-khuseeya-dadka-xajka-tagaya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2023\/05\/27\/sucuudiga-oo-soo-saartay-awaamiir-cusub-oo-khuseeya-dadka-xajka-tagaya\/","title":{"rendered":"Sucuudiga Oo Soo Saartay Awaamiir Cusub Oo Khuseeya Dadka Xajka Tagaya"},"content":{"rendered":"<p>Makka (Arabsiyo) &#8211; Toddobaadyo kaddib, Muslimiin ka kala socota daafaha dunida, ayaa la filayaa inay gaadhaan magaalada Barakaysan ee Makka ee dalka Sacuudiga, iyagoo doonaya inay gutaan waajibaadka Xajka.<\/p>\n<p>Tirada dadka aan awoodin inay gutaan waajibkan, oo ka mid ah shanta tiir ee Islaamka, ayaa kordheysa, sababo la xidhiidha Sicir-bararka iyo xaaladaha nolosha, iyo saameynta qiimaha Xajka intaba.<\/p>\n<p>Gudaha Sacuudiga waxaa ku nool ajaanib badan oo qaarkood halkaas shaqo u tageen qaarna degganaansho, balse waxay qaarkood sheegayaan in marka la eego gudashada Xajka, aanu xaalkooda ahayn sida loo maleynayo.<\/p>\n<p>Dadka Carabta ah iyo kuwa Ajaaniibta ah ee ku nool Sucuudiga, ayaan sida loo malaynayo haysan fursad ka duwan ta Dadka ku nool dhulka ka fog Makka.<\/p>\n<p>Jamila Muxamad, oo ah haweeney Ciraaqi ah waxay caasimadda Sacuudiga ee Riyadh deggan tahay muddo 10 sano ah waxayna heysataa afar carruur ah, waxay sheegtay \u201cDadka qaar waxay moodayaan inaan nasiib badannahay inaan ku nool nahay Sacuudiga una dhownahay Makkah, qaar kalena waxay moodaan inaynaan u baahneyn lacag badan si waajibkan u gudanno, balse xaqiiqdu way ka duwan tahay taasi,\u201d ayay tidhi.<\/p>\n<p>Haweeneydan 41 jirka ah ayaa intaa raacisay: &#8220;Nolosha halkan gebi ahaanba maaha mid fudud, waxaa jira lacago loo baahan yahay in carruurta iskuul lagaga bixiyo, lacagta cusbooneysiinta sharciga oo sanadkii qofka ay ku baxayso $1,300 \u2013 iyo qiimaha caymiska caafimaadka, kirada guryaha, biilka korontada, internet-ka, telefonka iyo waxyaabaha kale,&#8221; .<\/p>\n<p>Waxay iyadoo hadalkeeda sii wadata tidhi &#8220;Mushaharka seygeyga wuu ka sarreeyaa celcelis ahaan inta halkan laga qaato, markaa waxaan la yaabanahay sida qoysaska mushaharka yar qaata ay halkan ugu nool yihiin!&#8221;<\/p>\n<p>Shaki kuma jiro in dadka u dhashay Sacuudiga iyo kuwa heysta dhalashada dalkaas ay u fududdahay inay gutaan Xajka, maaddaama dakhligooda uu ka sarreeyo kuwa dadka ajaanibta ah.<\/p>\n<p>Inkastoo dadka gudaha Sacuudiga ku nool ayna u baahneyn inay safar dheer soo galaan si ay Xajka u gutaan, haddana waxaa jira in qudhooda uu qiime ugu kacayo gudashada waajibaadkan.<\/p>\n<p>Qiimaha, lacagaha, hannaanka iyo waxa uu ku kacayo safarka Xajka, gaar ahaanna gawaadhida lagu tagayo ayaa kala duwan, waxaana la eegaa dadku meesha ay ka soo jeedaan.<\/p>\n<p>Ugu yaraan, qiimaha gaadhiga ayaa ka billowda 12,000 riyaalka Sacuudiga ah oo u dhiganta $3,000 dollar qofkiiba. Marka la eego gawaadhida raadaxa ee dadka geynaya Xajka, qiimuhu intaa waa ka badan yahay haddii qofku deggan yahay Sacuudiga.<\/p>\n<p>Si kastaba ha ahaatee, qiimaha ayaa ka badan kara $6,000 qofkiiba haddii uu qofku bannaanka Sucuudiga ka imaanayo.<\/p>\n<p>Sanad walba, Boqortooyada Sacuudiga ayaa taariikh iyo waqti go\u2019an u qabata xilliga la tagayo Makah inta Xajka lagu guda jiro, albaabbada magaalada ayaana la xidhaa waxaana keliya loo oggolaadaa dadka heysta kaadhka aqoonsiga xaajiga iyo dadka ku cimreysanaya, si looga fogaado is jiidhka dadka loona hubiyo badqabka dadka gudanaya waajibaadkan.<\/p>\n<p>Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ee Sacuudiga ayaa shuruuc cusub ka soo saartay imaanshaha dalkaas waxayna dadka doonaya inay Xajka gutaan la wadaagtay waxyaabaha mamnuuca ah iyo awaamiir la rabo inay raacaan.<\/p>\n<p>Wasaaradda ayaa sheegtay in xujeyda kaash ahaan u sita lacag ka badan SR60,000 ($16,000) amaba dahab laga doonayo inay dowladda ogeysiiyaan.<\/p>\n<p>Farriin ay wasaaraddu soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayay ku tidhi \u201cFadlan ka fogow qaadashada lacag faro badan iyo alaab qaali ah marka aad u safreyso boqortooyada. Tani waxay kaa caawin doontaa inay kuu fududeyso hannaanka\u201d.<\/p>\n<p>Xujeyda ayaa laga doonayaa inay buuxiyaan foom, iyagoo caddeynaya inay sitaan:<\/p>\n<p>Lacag ka badan SR60,000, Dahab qiimihiisu ka badan yahay SR60,000, Alaab ganacsi oo qiimaheedu ka badan yahay SR3,000, Qaadashada alaab mamnuuc ah, Inuu qofku sito baco iyo Alaab ka badan miisaanka la oggol yahay.<\/p>\n<p>Wasaaradda ayaa sheegtay in ciddii u hoggaansami weyda awaamiirtan laga qaadi doono tallaabo sharci ah.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<h4><strong>Arabsiyonews.com\/Hargeisa Office\u00a0<\/strong><\/h4>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Makka (Arabsiyo) &#8211; Toddobaadyo kaddib, Muslimiin ka kala socota daafaha dunida, ayaa la filayaa inay gaadhaan magaalada Barakaysan ee Makka ee dalka Sacuudiga, iyagoo doonaya inay gutaan waajibaadka Xajka. Tirada dadka aan awoodin inay gutaan waajibkan, oo ka mid ah shanta tiir ee Islaamka, ayaa kordheysa, sababo la xidhiidha Sicir-bararka iyo xaaladaha nolosha, iyo saameynta [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":72476,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-72475","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/fd788a88-584e-45c7-bb1c-60e60258aa00.jpg?fit=624%2C351&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-iQX","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72475","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=72475"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72475\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":72477,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72475\/revisions\/72477"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/72476"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=72475"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=72475"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=72475"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}