{"id":72453,"date":"2023-05-24T20:20:20","date_gmt":"2023-05-24T20:20:20","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=72453"},"modified":"2023-05-24T20:22:09","modified_gmt":"2023-05-24T20:22:09","slug":"somaliland-oo-ka-jawaabtay-hadal-ka-soo-yeedhay-ergayga-wada-hadallada-soomaaliya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2023\/05\/24\/somaliland-oo-ka-jawaabtay-hadal-ka-soo-yeedhay-ergayga-wada-hadallada-soomaaliya\/","title":{"rendered":"Somaliland Oo Ka Jawaabtay Hadal Ka Soo Yeedhay Ergayga Wada-hadallada Soomaaliya"},"content":{"rendered":"<p>Hargeysa (Arabsiyo) &#8211; Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay in Madax-banaanida Jamhuuriyadda Somaliland ay Dan u tahay Shucuubta Somaliland iyo Soomaaliya.<\/p>\n<p>Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid) oo qoraal ku baahiyey bartiisa Twitter-ka, isaga oo daba socda hadal uu Toddobaadkii hore Warbaahinta ka sheegay Ergayga Wada-hadallada u qaabilsan Soomaaliya Cabdikariin Xuseen Guuleed oo ahaa in Somaliland ka noqotay heshiiskii Midnimada ee Lixdankii, Madax-banaanideeduna sax ahayn, ayaa sheegay inaan la ansixin heshiiskii Midnimada ee Somaliland iyo Soomaaliya, balse Somaliland oo ah Qaran Madax-banaan uu si iskii ah ugu biiray Soomaaliya.<\/p>\n<p>Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Cabdiqani Maxamuud Caateeye, ayaa isagoo arrimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi &#8220;Bishii June ee 1960-kii, Somaliland waxay si iskeed ah ula midowday Soomaaliya, waxaana xilligaa la isku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya. Hase ahaatee, lama ansixin (Isku Biiriddaas)..&#8221;<\/p>\n<p>Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay &#8220;1991-kii, waxaynu la soo noqonay Madax-banaanideenii Jamhuuriyadda Somaliland, arrintaasna waxay dani ugu jirtaa labada ummadood (ee Somaliland iyo Soomaaliya) inay si gaar gaar ah isku Maamulaan..&#8221;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<h4><strong>Arabsiyonews.com\/Hargeisa Office\u00a0<\/strong><\/h4>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa (Arabsiyo) &#8211; Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay in Madax-banaanida Jamhuuriyadda Somaliland ay Dan u tahay Shucuubta Somaliland iyo Soomaaliya. Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid) oo qoraal ku baahiyey bartiisa Twitter-ka, isaga oo daba socda hadal uu Toddobaadkii hore Warbaahinta ka sheegay Ergayga Wada-hadallada u qaabilsan Soomaaliya Cabdikariin Xuseen Guuleed oo ahaa in Somaliland [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":72455,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-72453","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/download.jpeg?fit=320%2C158&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-iQB","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72453","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=72453"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72453\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":72454,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72453\/revisions\/72454"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/72455"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=72453"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=72453"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=72453"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}