{"id":72380,"date":"2023-05-21T15:41:07","date_gmt":"2023-05-21T15:41:07","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=72380"},"modified":"2023-05-21T15:41:07","modified_gmt":"2023-05-21T15:41:07","slug":"madaxweynaha-ukrain-oo-booqasho-aan-la-sii-shaacin-ku-tagay-japan","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2023\/05\/21\/madaxweynaha-ukrain-oo-booqasho-aan-la-sii-shaacin-ku-tagay-japan\/","title":{"rendered":"Madaxweynaha Ukrain Oo Booqasho Aan La Sii Shaacin Ku Tagay Japan"},"content":{"rendered":"<p>Japan (Arabsiyo) &#8211; Madaxweynaha Ukraine ayaa booqasho lama filaan ah ku tagay dalka Japan.<\/p>\n<p>Zelensky ayaa tagi doona Hiroshima maalinta Axada, inkastoo uusan xafiiskiisu xaqiijin booqashada, halkaasna waxa ka socda shirka Dalalka G7.<\/p>\n<p>Wararka ku saabsan booqashadiisa suurtagalka ah ayaa soo baxay Jimcihii .<\/p>\n<p>Jimciha Shalay, Mr Zelensky wuxuu u duulay Sacuudi Carabiya si uu ula kulmo madaxda Carabta.<\/p>\n<p>Shirka G7 ayaa bilowday Jimcihii iyadoo lagu cambaareeyey Ruushka, laguna dhawaaqay cunaqabatayn dheeraad ah.<\/p>\n<p>Kooxdan oo ka kooban todobo wadan oo ay ku jiraan Mareykanka, Ingiriiska, Faransiiska, Talyaaniga, Jarmalka, Kanada iyo Japan, waxay matalaan wadamada ugu qanisan adduunka.<\/p>\n<p>Sannadkan, siddeed waddan oo kale oo ay ku jiraan Australia iyo India ayaa sidoo kale lagu martiqaaday.<\/p>\n<p>Mr Zelensky ayaa lagu waday in uu kulanka kaga soo qeyb galo muuqaal ahaan, balse waxaa la isla dhex marayay in isaga ama xaaskiisa ay si shaqsi ah uga qeyb gali doonaan.<\/p>\n<p>Safarkan ayaa noqonaya kii ugu dheeraa ee uu kaga soo socdaalo Kyiv tan iyo markii uu dagaalku billowday bishii February 2022, waxaana safarada kale ee ka baxsan Ukraine ay khatar gelin karaan ammaankiisa.<\/p>\n<p>Laakiin aragtidiisu waxay noqon kartaa in booqashadu ay la macno tahay inuu taageero dheeraad ah ka helo dagaalka uu kula jiro Ruushka.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<h4><strong>Arabsiyonews.com\/Hargeisa Office\u00a0<\/strong><\/h4>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Japan (Arabsiyo) &#8211; Madaxweynaha Ukraine ayaa booqasho lama filaan ah ku tagay dalka Japan. Zelensky ayaa tagi doona Hiroshima maalinta Axada, inkastoo uusan xafiiskiisu xaqiijin booqashada, halkaasna waxa ka socda shirka Dalalka G7. Wararka ku saabsan booqashadiisa suurtagalka ah ayaa soo baxay Jimcihii . Jimciha Shalay, Mr Zelensky wuxuu u duulay Sacuudi Carabiya si uu [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":27932,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-72380","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/111.jpg?fit=640%2C360&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-iPq","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72380","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=72380"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72380\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":72381,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72380\/revisions\/72381"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/27932"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=72380"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=72380"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=72380"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}