{"id":72374,"date":"2023-05-19T17:41:31","date_gmt":"2023-05-19T17:41:31","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=72374"},"modified":"2023-05-19T17:41:31","modified_gmt":"2023-05-19T17:41:31","slug":"diblumaasiyiin-ka-hadlay-xuska-32-guurada-madax-banaanida-somaliland","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2023\/05\/19\/diblumaasiyiin-ka-hadlay-xuska-32-guurada-madax-banaanida-somaliland\/","title":{"rendered":"Diblumaasiyiin Ka Hadlay Xuska 32 Guurada Madax-banaanida Somaliland"},"content":{"rendered":"<p>Hargeysa (Arabsiyo) &#8211; Guud ahaan Gobollada iyo degmooyinka Somaliland, waxa Shalay laga xusay 32 Guurada Maalinta Qaran ee 18-ka May.<\/p>\n<p>Xuskan ayaa sidoo kale si ballaadhan looga xusay Dalka dibeddiisa, waxaana isku soo baxyo waaweyn Dalalka Yurub, Maraykanka, Kanada iyo Dalalka kale ee Adduunka ka sameeyay Muwaadiniinta Somaliland ee dalalkaa ku nool.<\/p>\n<p>Isku soo baxan oo ka cuslaa kuwii ka horreeyay, ayaa waxa si weyn isha ugu hayey Dawladaha Adduunka iyo diblumaasiyiinta Caalamka ee Saaxiibka la ah Somaliland.<\/p>\n<p>Sidaa darteed, ayaa waxa Dawladda iyo Shacabka Somaliland Hambalyo xuskaa ku aaddan u soo diray isla-markaana bogaadiyey 32 Guurada Madax-banaanida diblumaasiyiin Maraykan ah, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Ku-xigeenkii hore ee Ergayga Maraykanka u qaabilsanaa Afrika Ambassador Tibor Nagy iyo Safiirkii hore ee Maraykanka u qaabilsanaa Gobolka Harooyinka waaweyn ee Afrika Dr. Petter J. Pham.<\/p>\n<p>Labada diblumaasi, ayaa bogaadiyey horumarka Somaliland ku tallaabsatay wixii ka dambeeyay 1991-kii oo ay Xornimadeeda kala soo noqotay Soomaaliya.<\/p>\n<p>&#8220;Somaliland waxa ay leedahay wax badan oo ay ku faanto sannad-guurada 32-aad ee ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada qarannimadeeda..&#8221; ayuu yidhi Ambassador Nagy, waxaanu intaa ku daray &#8220;Waxaan ahaa qof xiiseeya Somaliland tan iyo markii aan la kulmay Madaxweyne Cigaal 1998-kii, waxaanan noqday taageere sare, ka dib booqashadiiydii sannadkii hore, dalka yar ee yeelan kara mustaqbal ifaya..&#8221;<\/p>\n<p>Safiirkii hore ee Maraykanka u qaabilsanaa Gobolka Harooyinka waaweyn ee Afrika Dr. Petter J. Pham, ayaa isaguna Hambalyo taa la mid ah u soo diray Shacabka iyo Dawladda Somaliland xuska 32 Guurada Awgeed, waxaanu qoraal uu ku baahiyey bartiisa Twitter-ka uu ku yidhi &#8220;Waxaan Hambalyo u dirayaa Xukuumadda &amp; Shacabka Somaliland 32 guurada ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada Qaranimadii Somaliland ka heshay UK awgeed..&#8221;<\/p>\n<p>Dr. Pham oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi &#8220;Horumarka aad gaadheen laga soo bilaabo 1991-kii waa mid dhab ah oo mudan in la aqoonsado, kana duwana dalka burburay ee Soomaaliya..&#8221;<\/p>\n<p>Sidoo kale, Warbaahinta Dunida ayaa si weyn wax uga qortay Xuska 32 Guurada Maalinta Qaran ee Somaliland.<\/p>\n<p>Warbaahinta dunida, ayaa soo bandhigtay ahmiyadda Nabadgalyada Somaliland ka jirtay 32-kii sano ee u dambeeyay ay u leedahay Caalamka iyo Geeska Afrikaba.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<h4><strong>Arabsiyonews.com\/Hargeisa Office\u00a0<\/strong><\/h4>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa (Arabsiyo) &#8211; Guud ahaan Gobollada iyo degmooyinka Somaliland, waxa Shalay laga xusay 32 Guurada Maalinta Qaran ee 18-ka May. Xuskan ayaa sidoo kale si ballaadhan looga xusay Dalka dibeddiisa, waxaana isku soo baxyo waaweyn Dalalka Yurub, Maraykanka, Kanada iyo Dalalka kale ee Adduunka ka sameeyay Muwaadiniinta Somaliland ee dalalkaa ku nool. Isku soo baxan [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":43065,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-72374","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2018\/05\/18may.jpg?fit=800%2C533&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-iPk","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72374","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=72374"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72374\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":72375,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72374\/revisions\/72375"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/43065"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=72374"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=72374"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=72374"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}