{"id":72351,"date":"2023-05-18T15:20:55","date_gmt":"2023-05-18T15:20:55","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=72351"},"modified":"2023-05-18T15:20:55","modified_gmt":"2023-05-18T15:20:55","slug":"edna-aadan-ismaaciil-oo-ku-guulaysatay-abaal-marin-caan-ah","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2023\/05\/18\/edna-aadan-ismaaciil-oo-ku-guulaysatay-abaal-marin-caan-ah\/","title":{"rendered":"Edna Aadan Ismaaciil Oo Ku Guulaysatay Abaal-marin Caan Ah"},"content":{"rendered":"<p>Hargeysa (Arabsiyo) &#8211; Dr Edna Aadan Ismaaciil oo ah Umuliso iyo Kalkaaliso Caafimaad oo reer Somaliland ah, ayaa ku guulaysatay Abaal-marinta Caalamiga ah ee loo yaqaano Templeton.<\/p>\n<p>Abaal-marintan oo la bixinayey 50-kii sano ee u dambeeyay, ayaa Edna Aadan noqonaysaa Haweenaydii ugu horraysay ee Afrikaanka ah ee ku guulaysata.<\/p>\n<p>Hay&#8217;adda bixisa Abaal-marinta oo ay la socoto 1.1 Milyan oo Gini, ayaa Edna ku mutaysatay inay Caasimadda Somaliland ee Hargeysa ka aasaastay Cisbitaal iyo Jaamicad iyo inay 40-kii sanadood ee u dambeeyay u ololaynaysay Caafimaadka Haweenka bariga Afrika.<\/p>\n<p>Waxyaabaha lagu xushay waxa ka mid ah doorka ay ka qaadatay ololaha joojinta Gudniinka fircooniga ah.<\/p>\n<p>Edna Aadan Ismaaciil, ayaa Tobanaankii sanadood ee u dambeeyay ku Mashquulsqnayd Caafimaadka Haweenka Soomaalida iyo Samato-bixinta Carruurta qaba Xanuunnada naadirka ah, sida kuwa Madaxu weynaado.<\/p>\n<p>Edna ayaa muddadaasi waxay aad uga shaqaysay Caafimaadka Haweenka uu ku dhaco Isku-furanku, waxayna boqollaal Haweenkaas ka mid ah ku Daawaysay Cisbitaalka Edna ee Magaalada Hargeysa, halka Jaamacadda Edna ay bixiso Kuliyado Caafimaadka ku Xidhiidhsan, sida Umulisonimada iyo Kalkaalisimo.<\/p>\n<p>Hay&#8217;adda John Templetion Foundation oo abaal-marintan bixisa, ayaa bayaan ka soo baxay waxay ku sheegtay qodobbo ka mid ah waxyaabaha Edna ay ku mutaysatay, waxaanu yidhi &#8220;Guulaha Edna gaadhay waxa ka mid ah aasaaskii Jaamacadda Edna Aadan iyo Cusbitaalka Edna Aadan oo si weyn hoos ugu dhigay dhimashada hooyada iyo dhallaanka Somaliland.\u201d Sidaa waxa lagu yidhi bayaan ka soo baxay Hay&#8217;adda John Templeton Foundation, waxayna intaa ku dartay &#8220;Iyada oo Edna ka duulaysa caqiidadeeda Muslimnimo waxay si Xamaasad leh ugu doodday joojinta gudniinka hablaha, kaasi oo ka soo horjeeda manhajka Islaamka, aadna u dhibaya haweenka..&#8221;<\/p>\n<p>Waxa kale oo Hay&#8217;addu ka warrantay Taariikhda Edna, waxayna sheegtay Inay door wanaagsan ka qaadatay siyaasadda Somaliland, inay Xilal Wasiirnimo ka soo qabatay Somaliland, ka sakaw dedaalkeeda dhinaca Caafimaadka, taasi oo ay ka xuseen inay ka mid yihiin yaraynta Dhimashada hooyada iyo dhallaanka Somaliland.<\/p>\n<p>Hay&#8217;adda ayaa sheegtay in Cisbitaalka Edna ay si bad-qabta ugu dhasheen Muddadii uu shaqaynayey Carruur ka badan 30 kun.<\/p>\n<p>Waxay sheegtay in 80% Hawl-wadeennada Caafimaad ee Cisbitaalka Edna ay yihiin Haween u darban adeegyada Caafimaad ee Hooyada iyo dhallaanka.<\/p>\n<p>Hay&#8217;adda John Templetion Foundation waxa uu ka warramay Taariikhda Nololeed ee Edna, waxaanu sheegay in Edna oo dhalatay 1937-kii, imikana ah 85 Sano jir ay Inta badan nolosheeda ku bixisay ka shaqaynta Caafimaadka, iyadoo markii Soomaaliya burburtay ay ka mid ahayd shaqaalaha Hay&#8217;adda Caafimaadka Adduunka, markii Somaliland xornimadeeda la soo noqotayna ay hagar baxday sidii dhidibada loogu taagi lahaa adeegyada Caafimaadka, taasina qayb ka tahay aasaaska Cisbitaalka Edna.<\/p>\n<p>Abaal-marinta Edna waxa Hambalyeeyay Hay&#8217;ado Caalamiya, sida Hay&#8217;adda Caafimaadka Adduunka ee Magaceeda loo soo gaabiyo WHO iyo Hay&#8217;ado kale oo dunida Magac ku leh sida Unicef, waxayna sheegeen in Edna astaan u tahay dadka ku mashquulsan bedbaadinta Hooyada iyo dhallaanka dunida, abaal-marinta lagu maamusayna u qalanto.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<h4><strong>Arabsiyonews.com\/Hargeisa Office\u00a0<\/strong><\/h4>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa (Arabsiyo) &#8211; Dr Edna Aadan Ismaaciil oo ah Umuliso iyo Kalkaaliso Caafimaad oo reer Somaliland ah, ayaa ku guulaysatay Abaal-marinta Caalamiga ah ee loo yaqaano Templeton. Abaal-marintan oo la bixinayey 50-kii sano ee u dambeeyay, ayaa Edna Aadan noqonaysaa Haweenaydii ugu horraysay ee Afrikaanka ah ee ku guulaysata. Hay&#8217;adda bixisa Abaal-marinta oo ay la [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":72352,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-72351","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/Edna2-1.jpg?fit=590%2C590&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-iOX","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72351","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=72351"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72351\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":72353,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72351\/revisions\/72353"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/72352"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=72351"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=72351"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=72351"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}