{"id":72326,"date":"2023-05-09T22:09:01","date_gmt":"2023-05-09T22:09:01","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=72326"},"modified":"2023-05-09T22:09:01","modified_gmt":"2023-05-09T22:09:01","slug":"xogo-axmed-muumin-seed-ku-xidhiidhiyey-rabshadihii-ka-dhacay-boorama","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2023\/05\/09\/xogo-axmed-muumin-seed-ku-xidhiidhiyey-rabshadihii-ka-dhacay-boorama\/","title":{"rendered":"Xogo Axmed Muumin Seed Ku Xidhiidhiyey Rabshadihii Ka Dhacay Boorama"},"content":{"rendered":"<p>Boorama (Arabsiyo) \u2013 Isniintii Shalay, waxa Magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal ka dhacay Mudaharaad Rabshado watay, kaasi oo ay dhigeen Dad u badan Dhallinyaro iyo Haween.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Mudaharaadkan oo Rabshado watay, ayaa Dadka dhigayey waxay Taayiro ku gubeen Jidadka Magaalada Boorama, waxayna qaarkood weerarreen Meherado, waxayna ka qaateen Alaabtii Taallay, halka ay Dhagaxaan la dhaceen Askar ka mid ah Ciidammada Booliska iyo Gaadiidkii ay wateen.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Mudaharaadayaasha oo Sababta dibed-baxooda ka dhiganayey inay Caddaalad u raadinayaan Khadar Maxamed Caynaanshe (Xabeeb) oo Askari ay ka wada tirsanaayeen Ciidanka Ilaalada Xeebuhu ku dilay Magaalada Lowyacaddo, ayaa markii dambe Weji kale yeeshay, waxaana Dadka qaarkood la soo baxeen oo ay Magaalada la dhex mareen Calanka Buluugga ah ee Soomaaliya.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Calanka Soomaaliya ee Dadka dibed-baxa dhigay la soo baxeen iyo Dadka Mudaharaadka ka qayb-qaadanayey oo aan u dhalan deegaanka Boorama, ayaa sii kordhisay Tuhun laga qabay Faro-gelin lagu hayo Arrimaha gudaha Gobolka Awdal, si looga sameeyo kacdoon Dadweyne oo ku xidhiidhsan kii Laascaanood ee markii dambe isku rogay \u2018Dagaalka Tooska ah\u2019.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Tuhunnada jira ee Rabshadaha Boorama ku xidhaya kuwii Laascaanood, ayaa waxa jira Dad Calaamad ama Astaan u ah in fulintiisa loo adeegsanayo, kuwaasi oo qaarkood u dhasheen Gobolka Awdal, waxaana ka mid ah Dadkaasi Wasiirkii hore ee Wasaaradda Beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed, kaasi oo tan iyo markii xilkaa laga qaaday waday dhaqdhaqaaq lid ku ah Amniga iyo Qaranimada Somaliland, si uu iskugu muujiyo Siyaasi saamayn leh oo samayn kara \u2018Ficil la dareemo\u2019<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Marka koowaad, ka hor Intii aanay Boorama ka dhicin Mudaharaaddadu, balse uu Kacdoonka Laascaanood bilaabmay wuxuu Wasiir hore Axmed Muumin Seed uu baraha Bulshada ku baahiyey Qoraallo uu ku soo dhaweynayo Kacdoonka Laascaanood, kuna sheegayo in Calanka Buluugga ah ee Laascaanood lala dhex yimid uu gaadhi doono illaa Saylac, hadalkaas oo uu Markhaati u noqon karo Mudaharaadkii Boorama ee Dadka qaarkood ay la soo baxeen Calanka Soomaaliya.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Marka labaad, Axmed Muumin Seed, ayaa markii xilka laga qaaday bilaabay dhaqdhaqaaqyo badan oo ku tagay Dalka Itoobiya, sida Magaalada Jigjiga, halkaasi oo uu kula soo kulmay Ugaaska guud ee beesha Samaroon iyo Xubno ka soo horjeeda Somaliland, kuwaasi oo xidhiidh la leh Kooxda uu Farmaajo ka midka yahay ee loo yaqaano G21, kooxdaasi oo Masuul ka ah dhibaatada ka taagan Magaalada Laascaanood, arrintaas oo tilmaan u noqonaysa inuu qayb ka yahay Dadka qaybta ka ah dhibaatada lala damacsan yahay Somaliland.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Marka Saddexaad, Axmed Muumin Seed oo dhaqdhaqaaqyadiisa Tuhunka lihi badnaayeen, ayaa gudaha Kililka Shanaad ee Itoobiya kaga qayb-galay shir Beesha Samaroon qabsatay, kaasi oo uu soo qaban-qaabiyey Ugaaska guud ee Beeshaasi Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble, kaasi oo lagu sheegay \u2018Duco\u2019 balse ay hadheeyeen Tuhuno badan, maaddaama oo uu Ugaasku ka mid yahay Madax-dhaqameedka Soomaalida ee la dhacsanaa go\u2019aannadii Somaliland lidka ku ahaa ee Garaadadda Dhulbahante ka soo saareen Laascaanood.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Shirkan oo uu Axmed Muumin Seed ka mid ahaa Dadkii Qabsoomiddiisa ka shaqeeyay, ayaa Ugaas Cabdirashiid ka jeediyey hadal uu ku sheegayo in Midnimada Soomaalida loo baahan yahay, arrintaasi oo lid ku ah Madax-banaanida Jamhuuriyadda Somaliland ee uu Axmed Muumin Seed ka macaashay.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Marka Afraad, Axmed Muumin Seed oo leh Shaqsiyad Cid walba adeegsan karto, ayaa markaa ka dib ka qayb-qaatay kicinta Dadweynihii Mudaharaadka ka dhigay Boorama, ka dib markii hadal uu jeediyey ku sheegay in Kiiska dilka ah ee Alle ha u naxariistee Khadar Maxamed Caynaanshe (Xabeeb) la dhayalsaday, isagoo Xukuumadda iyo Laamaha Amaanka ku eedeeyay in aanay si deg-deg ah Tacsi ugu dirin ehelka Sarkaalka dhintay, taasina tahay Dhayalsi, hase-yeeshee hadalkaasi ayaa mid aan xilligan loo baahnayn, maaddaama oo laga shaqaynayo Xasilloonida Gobolka Awdal iyo ka degmada Boorama.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Seed wuxuu Xukuumadda ku eedeeyay in aanay Masuuliyad isa saarin oo aanay Boorama u dirin Wasiirro ka hawl-gala dejinta Dadka ka cadhooday dilka Sarkaalka la dilay, isaga oo aan Dadweynaha reer Boorama ee Mudaharaaddada sameeyay aan u dirin farriin ah inay is dejiyaan, maaddaama oo Masuuliyadda Amnigu Cid walba waajib ka saaran yahay.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Arrimahaas oo dhan marka laga yimaaddo, xogo ay baahiyeen Warbaahinta Afafka Qalaad wax ku qora, ayaa si toos ah loogu sheegay in Axmed Muumin Seed ku lug leeyahay Rabshadihii ka dhacay Boorama iyo Qaska lala rabo inuu ka dhaco Gobolka Awdal.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Warbaahintaasi waxa ka mid ah Somaliland Digital oo Arabsiyo News soo xigatay, waxayna Warka ay ka baahiyeen Axmed Muumin Seed uu u qornaa sidan \u201cAxmed Muumin Seed ayaa lagu eedeeyay in uu ka dambeeyay shaqaaqada Boorama..\u201d ayuu baahiyey Somaliland Digital, waxaase dhacdooyinkaas dheer xogo sheegaya in Axmed Muumin Seed uu si mooganaan ah ay u adeegsanayaan Gacmo-shisheeye oo ka Caqli badiyey isla-markaana ka faa\u2019idaysanaya Cadhadii uu ka qaaday Xil ka qaadistii uu Madaxweyne Muuse Biixi ku sameeyay.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Hase-yeeshee, dhaqdhaqaaqyada Seed iyo Dadka kale ee lagu Tuhmayo dhegaraha lala damacsan yahay Qaranka Somaliland waxa isha ku haya laamaha Amaanka ee Somaliland, inkasta oo Dadweynuhu la yaabban yihiin isbeddelka weyn ee dhacay Axmed Muumin Seed, marka la tixraaco hadalladii uu jeedin jiray markii uu Wasiirka Beeraha ahaa.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Tusaale ahaan, Axmed markii uu Wasiirka ahaa hadal uu jeediyey wuxuu ku sheegay in xitaa haddii xilka Wasiirnimo laga qaado aanu ka baxaynin Xisbiga Talada Somaliland haya ee KULMIYE, laakiin taasi Maanta way isbeddeshay oo dhaqdhaqaaqyadiisa ka sakow, wuxuu qorshaynayaa inuu dib ugu laabto Xisbiga WADDANI oo uu hore uga baxay, ka dib markii loo dooran waayay Musharraxa Madaxweyne Ku-xigeenka ee doorashadii 2017-kii.<\/p>\n<h4><strong>Arabsiyonews.com\/Hargeisa Office\u00a0<\/strong><\/h4>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Boorama (Arabsiyo) \u2013 Isniintii Shalay, waxa Magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal ka dhacay Mudaharaad Rabshado watay, kaasi oo ay dhigeen Dad u badan Dhallinyaro iyo Haween. &nbsp; Mudaharaadkan oo Rabshado watay, ayaa Dadka dhigayey waxay Taayiro ku gubeen Jidadka Magaalada Boorama, waxayna qaarkood weerarreen Meherado, waxayna ka qaateen Alaabtii Taallay, halka ay Dhagaxaan la [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":72327,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-72326","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/download-14.jpeg?fit=281%2C180&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-iOy","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72326","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=72326"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72326\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":72328,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72326\/revisions\/72328"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/72327"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=72326"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=72326"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=72326"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}