{"id":7226,"date":"2015-03-03T10:21:39","date_gmt":"2015-03-03T10:21:39","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=7226"},"modified":"2015-03-03T10:21:39","modified_gmt":"2015-03-03T10:21:39","slug":"fashilaada-wada-hadalka-dowladda-federaalka-iyo-somaliland-yey-guuldarro-u-tahay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/03\/03\/fashilaada-wada-hadalka-dowladda-federaalka-iyo-somaliland-yey-guuldarro-u-tahay\/","title":{"rendered":"Fashilaada Wada-hadalka Dowladda federaalka iyo Somaliland yey guuldarro u tahay?"},"content":{"rendered":"<p><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"aligncenter size-full wp-image-184274\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/horseedmedia.net\/wp-content\/uploads\/2015\/03\/hasan_siilaanyo.jpg?resize=640%2C357\" alt=\"hasan_siilaanyo\" width=\"640\" height=\"357\" \/>Shirarkii dib u heshiisiinta ee Soomaaliya loo qaban jirey sanadihii 1991 \u2013 1997 ayaa ahaa kuwo wax natiijo aysan ka soo bixi jirin, inkasta oo dhamaadka shirka uu jirey qodob jamhaduhu isku waafaqi jireen kaas oo ahaa<strong> \u201cMIDNIMADA &amp; MADAXBANAANIDA SOOMAALIYA WAA MAUQADDAS\u201d<\/strong>, taas oo ahayd fariin loo diraayey Jamhaddii SNM ee iyadu shirarka gacmo daaliska ah aan ka qayb-geli jirin oo sheegtey in ay hoggaamiso dal madax-banaan.<\/p>\n<p>Marka la eego shirarkii Dowladda Federaalka iyo Somaliland u furmey sanadkii 2012, waxay isaga mid ahaayeen shirarkii Jamhadaha Soomaalida meelo badan, waxaana ka soo bixi jirey qodobo aad isugu dhaw marka laga reebo \u00a0siyaasadda Hawada Soomaaliya iyo qaybsiga deeqaha caalamku bixiyo. Dad badan ayey u muuqatey in ciyaarta Dubai \u2013 Istanbul \u2013 Jabuuti \u2013 Istanbul in ay tahay tii sagaashamaadkii oo kale ee prof. Siciid Shiikh Samantar (AUN) ku sheegay <strong>\u201cSHINBIRAYAHOW HEESA\u201d.<\/strong><\/p>\n<div class=\"other-ads\">\n<p>Siyaasadda Somaliland ay qaadey geeridii Maxamed Ibraahim Cigaal (AUN) kadib iyo dhalashadii Dowladdii u horeysey ee Carta lagu soo dhisey sanadkii 2000 ayaa ahayd mid la isweydiin karo in Somaliland\u00a0horta aaminsan tahay in ay dalka ka go\u2019een? in ay Dowlad gaar ah yihiin?, Siyaasiyiintii Dowladdii Carta xitaa haddii aysan ahayn kuwo haybtoodu ka soo jeedo Khariidada Soomaaliya dhanka Waqooyi Galbeed, oo ay cagaha dhigaan Hargeysa waa la xiri jirey oo weliba bahdil loogu geysan jirey iyada oo denbiga uu galay ay ahayd in dal kale oo Soomaaliya la dhaho caasimadiisuna Muqdisho tahay uu xil ka hayo!, siyaasaddan ayaa soo socotey tan iyo markii uu xilka la wareegey Axmed Siiraanyo 2010. Maamulka Somaliland ayey xaaraam ka ahayd in ay hor fariistaan cid meteleysa Soomaaliya, tan iyo shirkii<strong><a href=\"http:\/\/horseedmedia.net\/2012\/02\/23\/shirkii-london-oo-soo-xirmay-iyo-war-murtiyeed-kasoo-baxay\/\" target=\"_blank\">London Somalia Feberaayo 2012, <\/a><\/strong>Qodobadii ka soo baxay shirka waxaa ka mid ahaa :\u00a0In la taageero wada hadalo dhex mara Somaliland iyo dowladda Soomaaliya si ay isula qeexaan mustaqbalkooda.<\/p>\n<\/div>\n<h3>Somalilaand oo albaab u furmey<\/h3>\n<p>Dowladda Federaalku waa dowladda keliya ee loo ictiraafsan yahay in ay dowlad u tahay dhamaan xuduudda Soomaaliya oo ay ku jiro Hargeysa, Somaliland wax badan ayaa uga halaabey giir iska kicinta iyo in la isku canbaareeyo qofkii la hadla ama lagu sawiro xubno ka socda Dowladda Federaalka. Maamulka Siiraanyo ayaa la dhihi karaa waxa uu si deg-deg ah uga faa\u2019ideystey albaabka u furmey, waxaana meesha laga saarey sharcigii xaaraamta ka dhigi jirey in madaxda Muqdisho, barqo cad lala kulmo.<\/p>\n<p>Kulankii u horeeyey ayaa ka dhacay magaalada Dubai, inkasta oo shirkaaas looga hadlaayey Burcad-badeeda oo ay ka soo qaybgaleen dhamaan maamulada Soomaaliya ka jirey sida Galmudug &amp; Puntland, Madaxweyne<a href=\"http:\/\/horseedmedia.net\/2012\/06\/28\/dubai-shiriif-iyo-siilaanyo-oo-kulmay\/\"><strong> Shiikh Shariif iyo Madaxweynaha Somaliland Axmed Siiraanyo<\/strong> <\/a>ayaa 28 Juun 2012 kala saxiixdey heshis saddex qodob ah kaas oo dhabada u xaarayey wada hadalka Somaliland albaabkiisi iska xirtey maanta oo<strong> <a title=\"Wadahadaladii Dowladda Federaalka iyo Somaliland oo burburay!\" href=\"http:\/\/horseedmedia.net\/2015\/03\/02\/wadahadaladii-dowladda-federaalka-iyo-somaliland-oo-burburay\/\">tariikhdu tahay 02 Maarso 2015.<\/a><\/strong><\/p>\n<h3>Wada hadalku waa Somaliand iyo Somalia<\/h3>\n<p>Riyada Somaliland ayaa ah in wada hadalka labada dhinac uu noqdo laba dowladood oo siman oo deris ah!, marka la eego wada hadalkii u horeeyey Dowladda Federaalku waxay soo xushey 5 Wasiir, waxaana lagu darey laba Wasiir oo ka socdey Puntland kuwaas oo uu ka mid ahaa<a href=\"http:\/\/horseedmedia.net\/2012\/04\/21\/puntland-oo-ka-hadashay-qaadacaada-somaliland-ee-wadahadalka-dowladda-dhexe\/\"><strong>Daa\u2019uud Maxamed Cumar<\/strong><\/a> oo aha Wasiirkii hore ee batroolka iyo Macdanta Soomaaliya, Waraysi uu siiyey <a href=\"http:\/\/horseedmedia.net\/2012\/04\/19\/somaliland-oo-shuruud-ku-xirtay-wada-hadal-ay-la-gasho-dowladda-dhexe-ee-soomaaliya\/\"><strong>BBC bishii Abril 2012(Dhegayso)<\/strong>\u00a0<\/a>Wasiirkii hore ee Arimaha Dibadda Somaliland Maxamed Cabdullaahi Cumar waxa uu qeexaayey qaabka uu doonaayo in wada hadalku u dhaco, waxaana Somaliland markaas shirka ku xirtey xujjo ah in wasiirada ka soo jeeda Waqooyiga Soomaaliya ee Puntland ku darsatey wada hadalka laga saaro, taas oo u dhacdey sidii ay doonayeen shirkiina qabsoomey bishii Juun 2012.<\/p>\n<p>Marka laga yimaado doonitaanka ah in Somaliland riyadeedu tahay in loo wada hadlo laba dowladood oo kala ah Somaliland iyo Soomaaliya ayaa haddana markasta ergooyinka Somaliland ee wada hadalku yihiin kuwo<a href=\"http:\/\/horseedmedia.net\/2012\/06\/14\/somaliland-oo-shaacisay-xubnaha-uga-qayb-gelaya-wada-hadalka-ay-la-furayso-dkg\/\"><strong> hal beel oo qur ah ka socda,<\/strong><\/a> marka laga reebo Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Baashe Maxmed Faarax, Dadka aadka u dhaliilsan wada hadalka gaar ahaan dadka degan gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ee Somaliland sheeganeyso in ay meteleyso ayaa ku doodaya in Dowladda Federaalku ay la fariisatey beel qura, taas oo damaceedu siiyey in ay saami ku noqoto iyada iyo Soomaali oo dhan.<\/p>\n<h3>Wasiirka Arrimaha Gudaha &amp; Federaalka<\/h3>\n<p>Wada hadalkasta oo Dowladda Federaalku la gelaysey Somaliland waxay hoosgeysey Wasaaradda Arrimaha Gudaha &amp; Federaalka, waxaana ergada hoggaaminaayey Wasiirka Arrimaha Gudaha &amp; Federaalka, waxaa la dhihi karaa Dowladda Federaalka ah kiiskan waxay u argatey in uu yahay mid la xiriira arrimaha gudaha ee Soomaaliya sidaasna wasaaraddaas loo hoosgeeyey, halka Somaliland u aragtey kiiskan mid la xiriira Arrimaha Dibadda oo ay hoosgeysey wasaaradda Arrimaha Dibadda, \u00a0Qodobkan ayaa la oran karaa waa mid Somaliland gool looga dhaliyey, in Wasaaradda Arrimaha Gudaha la hoosgeeyo wada hadalka.<\/p>\n<h3>Fashilaada wada hadalka?<\/h3>\n<p>Sida aan horey u soo sheegney wada hadaladda ku taagnaa tiirarka aadka u jilicsan ayaa qabsoomey muddo 4 jeer ah:<\/p>\n<ul>\n<li><a href=\"http:\/\/horseedmedia.net\/2012\/06\/28\/dubai-shiriif-iyo-siilaanyo-oo-kulmay\/\">Juun 2012 Dubai<\/a><\/li>\n<li><a href=\"http:\/\/horseedmedia.net\/2013\/04\/13\/madaxweynaha-dowladda-fedraalka-soomaaliya-iyo-madaxweynaha-somaliland-oo-kulan-ku-yeeshay-ankara-dalka-turkiga\/\">Abril 2013 Istanbul<\/a><\/li>\n<li><a href=\"http:\/\/horseedmedia.net\/2014\/01\/19\/wadahadalkii-dowladda-federaalka-ah-iyo-somaliland-oo-heshiis-lagu-kala-saxiixdey\/\">Janaayo 2014 Istanbul<\/a><\/li>\n<li><a href=\"http:\/\/horseedmedia.net\/2014\/12\/21\/xasan-sh-siilaanyo-oo-wadahadalkii-jabuuti-qodobo-ka-soo-saaray\/\">Diseember 2014 Jabuuti<\/a><\/li>\n<li><a href=\"http:\/\/horseedmedia.net\/2015\/03\/02\/wadahadaladii-dowladda-federaalka-iyo-somaliland-oo-burburay\/\">Iyo shirka maanta (02 Maarso 2015) ku fashilmey Istanbul<\/a><\/li>\n<\/ul>\n<p>Shirka lagu qabtey Jabuuti \u00a0bishii <a href=\"http:\/\/horseedmedia.net\/2014\/12\/21\/xasan-sh-siilaanyo-oo-wadahadalkii-jabuuti-qodobo-ka-soo-saaray\/\"><strong>Diseember 2014<\/strong><\/a> ee uu ka soo shaqeeyey Ismaaciil Cumar Geele aya ka duwanaa kuwa hore, waxaana Jabuuti markaan ka soo galay dan gaar ah oo iyadu leedahay, waxaana qodobadii hore loogu darey in shirarka labada dhinac lagu casumo Jabuuti oo ay goobjoog ka noqoto.<\/p>\n<p>Fashilaada ku yimid fadhigii shanaad ama wejiga shanaad ee wada hadalka ayaa waxaa Dowladda federaalku eediisa dhabarka u saartey Somaliland oo iyadu shuruud la timid shirka, taas oo bahdil ku ah Dowladda Federaalka, Waxaana ka mid ahaa in miiska wada hadalka aysan soo fariisanm karin,<\/p>\n<ul>\n<li>Cali Axmed Jaamac \u201cJangali\u201d Wasaaradda Gaadiidka &amp; Duulista Hawada<\/li>\n<li>Maxamed Cabdi Xayir Maareeye Wasaaradda Warfaafinta<\/li>\n<li>Xil. Cilmi<\/li>\n<li>Siciid Jaamac Qorsheel<\/li>\n<\/ul>\n<p>Waxaa la yaab ahayd in Somaliland isku deydo in ay iyadu gacanteeda ku saxdo cidda meteletysa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, maxay arintaasi kaga duwan tahay haddii Somaliland tiraahdo waxa shirka ka soo baxayana anaga ayaa soo qoreyna sidaas ayaadna ku saxiixeysaan?, miyaaney bahdil ku ahayn ergo Dowlad soo dirsatey Wasiiro lagu sharfey shaqada laguna aaminey in shirka looga saaro keliya beesha ay ka soo jeedaan?, kaba dhig sida ay dooneyso Somaliland, waxyaabaha ugu waaweyn ee shirkan looga hadli lahaa waa doonitaankii Somaliland ee ahaa in hawada Soomaaliya lagu wareejiyo <a href=\"http:\/\/horseedmedia.net\/2014\/12\/23\/prof-gaas-hawada-somaaliya-halugu-wareejiyo-somaliland-wax-la-qaadan-karo-maaha\/\"><strong>oo laga maamulo Hargeysa,<\/strong><\/a> taas oo Dowladda Jabuutina gadaal ka riixeyso maadaama ay saami weyn ku leedahay shirkad weyn oo dhanka Isgaarsiinta ah, oo dhawaan ka shaqi bilaabi doonta hawada \u00a0furaheedu yahay (252) Wasiirka Isgaarsintu waa Cali Jangeli oo ka soo jeeda SSC, sow shaqadiisa maaha waxa laga hadlaayo, haddii aanu isagu mudneyd yaa kale oo Somaliland kala xaajoon kartaa arrinkaas, ileyn laga hadli maayo goosasho iyo arrimaheede.<\/p>\n<p>Tan iyo markii wada hadalku bilaameen Somaliland waxay u ahayd albaab u furmey maadaama aysan haysan sharciyad ay caalamka kula hadasho muddo ka badan 20 sano, heshiisyo caalami ahna ku gasho iyada oo itsicmaaleysa awoodda Dowladda Federaalka ah, Sidoo kale waxa uu ahaa qaab ay ku doonayaan in ay ku meelmariyaan in xukuumadda Somaliland loo oggolaado in ay qaadi karto afti dadweyne oo ku saabsan in ay Soomaaliya ka go\u2019aan!!. Marka la eego heshiskii midowga labada qaybood 1960-kii, ma jirin wax Sonmaliland loo reebay, Baarlamaan, Dastuur gaar ah iyo weliba salaaxiyaad kale, waxaa la noqdey Hal Jamhuuriyad, hal Madaxweyne, hal Baarlamaan hal Dastuur, yaa weeye marka cidda awoodda u leh in ay soo saaraan go\u2019aanka aftida haddiiba aan ka soo qaadno Somaliland maamul aan sharciyad haysan? sow lama dhihi karo cidda keliya ee awoodda u leh in ay ku dhawaaqdo afti dadweyne waa Dowladda Federaalka, sida aan Puntland looga fadhiyin in ay dalka ka qaado Afti dadweyne ee ku saabsan nidaamka federaalka maadaama ay isku tilmaanto Hooyada Federaalka, iyo ilaaliyaha nidaamka federaalka?.<\/p>\n<p>Waxaa la dhihi karaa Somaliland iyada ayaa u bahan in ay la fariisato oo la hadasho Dowladda Federaalka marka la isu bar-bardhigo baahida labada dhinaca, halka ay u yeerinayaan cidda ay soo dirsanayaan iyo cidda aysan soo dirsan karin waxay ahayd in ay ku mashquulaan sii socoshada wada hadalka u furey alabaabka dowladnimo. Waxaana dad badan aaminsan yihiin in Somaliland wax badan burburka\u00a0wada hadalada uga dhumayaan, marka la eego xaaladda siyaasadeed ee soo wajahaysa bilaha soo socda iyada oo Doorashadii Madaxweynaha ay muuqato in dib loo dhigaayo, waxaana barbar socda Baarlamaan muddo 10 sano ah kuraasta soo fadhiyey oo xilliga doorashadiisana aan warkeeda lahayn.<\/p>\n<p><strong>Isweydiin?<\/strong><\/p>\n<p>Su\u2019aasha dad badan is weydiinayaan ayaa ah Dowladda Federaalku ku talo gal miyey u samysey in guddiga la xaajoonaya Somaliland lagu soo daro rag uu ka mid yahay Maxamed Cabdi Maareeye oo reer Burco ah?, Dad badan ayaa qaba in Dowladdu ku talo gashey in iyada oo isticmaaleysa awoodeeda oo aan cidna \u00a0baqdin gelin karin (Black Mail) ku talo gashey ergadaan, ma cadda danta ay ka lahayd in ay ahayd in ay soo afjarto maaweelada Somaliland \u00a0ama ay caalamka tusto sida Somaliland aysan diyaar ugu ahayn in wada hadal dhab ah ay gasho.<\/p>\n<p>Jawaabta waxaan uga tegayaa akhristayaasha maqaalka, aan ku maqalno aragtidiina qaybta hoose ee fikradaha akhristayaasha.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Shirarkii dib u heshiisiinta ee Soomaaliya loo qaban jirey sanadihii 1991 \u2013 1997 ayaa ahaa kuwo wax natiijo aysan ka soo bixi jirin, inkasta oo dhamaadka shirka uu jirey qodob jamhaduhu isku waafaqi jireen kaas oo ahaa \u201cMIDNIMADA &amp; MADAXBANAANIDA SOOMAALIYA WAA MAUQADDAS\u201d, taas oo ahayd fariin loo diraayey Jamhaddii SNM ee iyadu shirarka gacmo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":7228,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-7226","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-1Sy","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/7226","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=7226"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/7226\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=7226"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=7226"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=7226"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}