{"id":72117,"date":"2023-04-21T15:13:42","date_gmt":"2023-04-21T15:13:42","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=72117"},"modified":"2023-04-21T15:13:42","modified_gmt":"2023-04-21T15:13:42","slug":"madaxweyne-biixi-oo-meel-adag-iska-taagay-in-xuduudka-somaliland-la-faro-geliyo","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2023\/04\/21\/madaxweyne-biixi-oo-meel-adag-iska-taagay-in-xuduudka-somaliland-la-faro-geliyo\/","title":{"rendered":"Madaxweyne Biixi Oo Meel Adag Iska Taagay In Xuduudka Somaliland La Faro-geliyo"},"content":{"rendered":"<p>L\/caanood (Arabsiyo) &#8211; Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa ku baaqay in colaadda Laascaanood wada-hadal lagu dhameeyo, wuxuuna sheegay in aan xadka Somaliland la badali karin.<\/p>\n<p>Biixi ayaa sheegay in xadka Somaliland uu la mid yahay xadadka kale ee Soomaalida iyo Afrika ee uu jeexay isticmaarkii, isla markaana anay suuragali doonin in xad cusub laga sameeyo Somaliland.<\/p>\n<p>&#8220;Mid suuragal maaha 5 tii Soomaaliyeed ee isticmaarku qaybiyay ee Afrika la mid ah, xadkii Somaliland ayaa la badalayaa oo hab qabali ah loo badalayaa, oo ninka Kenya jooga, ka Itoobiya jooga iyo ka Kenya jooga iyo ka Somaliland ayaa afarta xadba baabiinaya&#8221; ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.<\/p>\n<p>Puntland ayuu Madaxweynuhu si gaar ahugu eedeeyay in ay wado colaadda ka socota magaalada Laascaanood, wuxuuna sheegay in aanay ka faa&#8217;iidi doonin.<\/p>\n<p>Waxa uu sheegay in colaadda Laascaanood ay Somaliland soo gaadhsiisay khasaare naf iyo maalba leh, isla-markaana ay tahay kugu dhimay oo kaa dhimay, wuxuuna ku baaqay in colaadda wada-hadal lagu dhameeyo.<\/p>\n<p>Madaxweynuhu waxa uu sheegay in dadka reer Sool aanay Somaliland dhibaataynin oo ay xorriyad ku noolaayeen, isla-markaana ay jiraan dad sheega in Somaliland ay cabudhisay dadka reer Sool taasi oo aan run ahayn.<\/p>\n<p>Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyay salaadda Ciidda oo uu shacabka kula tukaday Magaalada Hargaysa.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<h4><strong>Arabsiyonews.com\/Hargeisa Office\u00a0<\/strong><\/h4>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>L\/caanood (Arabsiyo) &#8211; Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa ku baaqay in colaadda Laascaanood wada-hadal lagu dhameeyo, wuxuuna sheegay in aan xadka Somaliland la badali karin. Biixi ayaa sheegay in xadka Somaliland uu la mid yahay xadadka kale ee Soomaalida iyo Afrika ee uu jeexay isticmaarkii, isla markaana anay suuragali doonin in xad cusub laga [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":42729,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-72117","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2018\/04\/Madaxweynaha-MBC.png?fit=443%2C314&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-iLb","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72117","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=72117"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72117\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":72118,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72117\/revisions\/72118"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/42729"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=72117"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=72117"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=72117"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}