{"id":72015,"date":"2023-04-14T23:07:07","date_gmt":"2023-04-14T23:07:07","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=72015"},"modified":"2023-04-14T23:33:58","modified_gmt":"2023-04-14T23:33:58","slug":"ciidammada-qaranka-oo-digniin-u-diray-nabad-siidka-laascaanood-isku-urursaday","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2023\/04\/14\/ciidammada-qaranka-oo-digniin-u-diray-nabad-siidka-laascaanood-isku-urursaday\/","title":{"rendered":"Ciidammada Qaranka Oo Digniin U Diray Nabad-diidka Laascaanood Isku Urursaday"},"content":{"rendered":"<p>Laascaanood (Arabsiyo) &#8211; Taliyaha qaybta 7-aad ee Ciidammada Qaranka Somaliland Sarreeya Guuto Mahad Cambaashe Cilmi, ayaa ka hadlay Dilalkii labadii bilood ee u dambeeyay ee Ciidamada Qaranku ka maqnaayeen ka dhacay gudaha Laascaanood.<\/p>\n<p>Taliye Mahad Cambaashe oo caawa soo saaray War-saxaafadeed uu kaga hadlay Xaaladda Magaalada Laascaanood, ayaa sheegay in 2-dii bilood ee Ciidammada Qaranku dibedda kaga maqnaayeen Magaalada Laascaanood ay dhaceen Dilal ka badan 11 Qof, laguna kufsaday 5 Dumar ah, halka laga bililiqaystay hantidii reer Laascaanood.<\/p>\n<p>War-saxaafadeedka ayuu Mahad Cambaashe ku sheegay in Magaaladu aanay sidaa sii ahaan doonin, balse ay Ciidammada Qaranku si deg-deg ah uga sifayn doonaan Maleeshiyaadka gabbaadka ka dhiganaya guryihii dadka Shacabka ahi ka qaxeen.<\/p>\n<p>War-saxaafadeedka oo dhamaystiran, ayaa u qornaa sidan &#8220;Labadaii bilood ee ciidamada qaranka Somaliland kaga maqnaayeen gudaha magaalada Laascaanood sidii xal nabad ah loo gaadhi lahaa waxa magaalada Laascaanood ka dhacay 11-dil, 5 kufsi iyo boob tiro dhaaf ah oo hantiidii ganacsatada iyo guryaha tiileyba aan la dhaafin, iyadoo Laascaanood hoy u noqotay khamriga iyo mukhaadaraad aan xad lahayn.<\/p>\n<p>Maanta dadkii la khalday ee reer Lascaanood waxay si fiican u garanayaan xumaha ay dhaxal-siiyeen maan-laawayaashii dhiiggooda, caarkooda iyo sharaftoodaba iibsadey ee ku ciyaaray.<\/p>\n<p>Haddaba, Waxaan reer Laascaanood ugu bushaaraynaa in Ciidamadiinii Qaranku si deg-deg ah idiinka sifayn doono Wuxuushta sharaftiina, maalkiina iyo dhiiggiinaba dhulka ku daray.<\/p>\n<p>Waxaan fursad digniin kama dambays ah u sheegayaa kooxaha huwanta ah ee tamar-daridu dhaxalsiisay inay Gabbaad ka dhigtaan guryihii ay ka qixiyeen shacabkii reer Laascaanood, inay si deg-deg ah uga baxaan gudaha Laascaanood iyo guud ahaan Gobolka Sool..&#8221;<\/p>\n<h4><strong>Arabsiyonews.com\/Hargeisa Office\u00a0<\/strong><\/h4>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Laascaanood (Arabsiyo) &#8211; Taliyaha qaybta 7-aad ee Ciidammada Qaranka Somaliland Sarreeya Guuto Mahad Cambaashe Cilmi, ayaa ka hadlay Dilalkii labadii bilood ee u dambeeyay ee Ciidamada Qaranku ka maqnaayeen ka dhacay gudaha Laascaanood. Taliye Mahad Cambaashe oo caawa soo saaray War-saxaafadeed uu kaga hadlay Xaaladda Magaalada Laascaanood, ayaa sheegay in 2-dii bilood ee Ciidammada Qaranku [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":72016,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-72015","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2023\/04\/FB_IMG_1681513516458.jpg?fit=715%2C574&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-iJx","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72015","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=72015"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72015\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":72024,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72015\/revisions\/72024"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/72016"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=72015"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=72015"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=72015"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}