{"id":72012,"date":"2023-04-14T21:28:27","date_gmt":"2023-04-14T21:28:27","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=72012"},"modified":"2023-04-14T21:28:27","modified_gmt":"2023-04-14T21:28:27","slug":"daacish-oo-la-sheegay-inay-doonyo-ku-gashay-uk","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2023\/04\/14\/daacish-oo-la-sheegay-inay-doonyo-ku-gashay-uk\/","title":{"rendered":"Daacish Oo La Sheegay Inay Doonyo Ku Gashay UK\u00a0"},"content":{"rendered":"<p>UK (Arabsiyo) &#8211; \u00a019 Qof oo looga shakisan yahay in ay argagixiso yihiin, kuwaas oo 5 kamid ah ay Soomaali yihiin,\u00a0 ayaa galay dalka Britain iyaga oo soo raacay doomo yar yar, sida ay ilo-wareedyo dhanka ammaanka ah u sheegeen Daily Mail.<\/p>\n<p>Dadka ajnabiga ah ee lala xidhiidhinayo kooxo ay ka mid tahay Daacish ayaa si sharci darro ah ku gaadhay Boqortooyada Ingiriiska iyagoo ka yimid waqooyiga Faransiiska sannadkii hore.<\/p>\n<p>Intooda badan ayaa tan iyo markii ay dalka UK ku galeen dacwadaha magan-gelyo ah, waxay awood u leeyihiin inaan la masaafurin karin, qayb ahaan, sida ay dhigayaan sharciyada xuquuqda aadanaha.<\/p>\n<p>19-ka nin ayaa hadda la rumeysan yahay inay deggan yihiin hoteello ku yaala Ingiriiska, kuwaas laga bixiyo canshuurta muwaadiniinta dalkaas.<\/p>\n<p>Qaar ka mid ah 19-ka tuhmane ayaa hadda waxaa ilaalo ka haya waaxda Amniga ee MI5, iyo booliiska la dagaallanka argagixisada.<\/p>\n<p>Shan ka mid ah tuhmanayaasha argagixisada ah ee yimid sannadkii hore waxay u dhasheen Ciraaq, shan ka mid ah waxay u dhasheen Iran, afar waxay u dhasheen Afgaanistaan, afar ka mid ah waxay u dhasheen Soomaaliya iyo mid Liibiyaan ah.<\/p>\n<p>Toddobada ka mid ah kuwa ay baadhista ku socoto, ayaa shan ka mid ah waxaa lala xidhiidhinayaa inay ka tirsan yihiin kooxda Daacish.<\/p>\n<p>Laamaha ammaanka ee Ingiriiska ayaa aqoonsaday qaar badan oo ka mid ah 19-ka looga shakisan yahay argagixisanimada iyadoo loo marayo meelaha ay ka yimaaddeen.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<h4><strong>Arabsiyonews.com\/Hargeisa Office\u00a0<\/strong><\/h4>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>UK (Arabsiyo) &#8211; \u00a019 Qof oo looga shakisan yahay in ay argagixiso yihiin, kuwaas oo 5 kamid ah ay Soomaali yihiin,\u00a0 ayaa galay dalka Britain iyaga oo soo raacay doomo yar yar, sida ay ilo-wareedyo dhanka ammaanka ah u sheegeen Daily Mail. Dadka ajnabiga ah ee lala xidhiidhinayo kooxo ay ka mid tahay Daacish ayaa [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":72013,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-72012","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2023\/04\/2023414638170576888194468.jpg?fit=660%2C382&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-iJu","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72012","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=72012"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72012\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":72014,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72012\/revisions\/72014"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/72013"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=72012"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=72012"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=72012"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}