{"id":71990,"date":"2023-04-11T23:43:00","date_gmt":"2023-04-11T23:43:00","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=71990"},"modified":"2023-04-11T23:43:00","modified_gmt":"2023-04-11T23:43:00","slug":"xoghayaha-guud-ee-qaramada-midoobay-oo-booqday-soomaaliya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2023\/04\/11\/xoghayaha-guud-ee-qaramada-midoobay-oo-booqday-soomaaliya\/","title":{"rendered":"Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay Oo Booqday Soomaaliya"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho (Arabsiyo) &#8211; Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan kula qaatay madaxtooyada Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Ant\u00f3nio Guterres oo booqasho rasmi ah maanta ku tagay magaalada Muqdisho.<\/p>\n<p>War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada, ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xoghaye Ant\u00f3nio Guterres ay ka wada hadleen qorsheyaasha mudnaanta u leh dowladda Soomaaliya, caqabadaha jira iyo dhinacyada ay tahay in gargaarka iyo waxqabadka Hay\u2019adaha Qaramada Midoobey ee ka howlgala Soomaaliya ay xoogga saaraan, si loo xaqiijiyo dib u soo kabashada Soomaaliya.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xoghayaha QM la wadaagay guulaha dowladdiisu ka gaadhay dhinacyada amniga dalka, xoojinta dowadnimada, deyn cafinta, kobcinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo dib u heshiisinta.<\/p>\n<p>Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dul istaagay culeysyada iyo xaaladaha adag ee ay la tacaalayso dowladdu, kuwaas oo ay uga horreeyaan abaaraha gallaaftay nolasha kumannaan qoys, saameynta isbeddelka cimilada, saboolnimada iyo colaadaha sokeeye.<\/p>\n<p>\u201cTani waa booqasho garab istaag ah oo ku wajahan dowladda iyo hannaanka dimuqraadiga ah ee Soomaaliya. Booqashadan waxay noo xaqiijinaysaa in Qaramada Midoobay ay si buuxda uga go&#8217;an tahay inay taageerto qorsheyaasheenna dhanka dowlad dhiska iyo xasilinta dalka. Waxaan ku kalsoonnahay in dadka Soomaaliya ay awood u yeelan doonaan in ay ka gudbaan dhibaatooyinka iyo caqabadaha ay weli wajahayaan, iyada oo loo marayo dhammeystirka xoreynta dalka iyo dib u heshiisiinta,\u201d ayuu yidhi madaxweyne Xasan Sheikh.<\/p>\n<p>Madaxweynaha ayaa uga Mahadceliyey Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Mudane Ant\u00f3nio Guterres booqashadan uu ku yimid Soomaaliya, waxa uuna ka rajeeyey in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed lagu garab istaago gaaridda hiigsigooda ku aaddan Soomaaliya horumarsan, xasilloon, door wanaagsanna ka qaadata Gobolka.<\/p>\n<p>Xogahaye Ant\u00f3nio Guterres ayaa sheegay in uu fahamsan yahay xaaladaha binu aadantinimo ee ay la tacaalayso dowladda Soomaaliya, lana xoojinayo taageerada iyo garab istaagga dalka.<\/p>\n<p>Waa safarkii labaad oo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uu ku yimaado Soomaaliya, waxaana socdaalkiisa uu kusoo beegmay, xilli Soomaaliya ay wajahayso abaar adag oo saamayn ku yeelatay malaayiin Soomaali ah, oo u baahan gargaar.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<h4><strong>Arabsiyonews.com\/Hargeisa Office\u00a0<\/strong><\/h4>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho (Arabsiyo) &#8211; Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan kula qaatay madaxtooyada Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Ant\u00f3nio Guterres oo booqasho rasmi ah maanta ku tagay magaalada Muqdisho. War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada, ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xoghaye Ant\u00f3nio Guterres ay ka wada hadleen qorsheyaasha mudnaanta u leh dowladda Soomaaliya, [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":71991,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-71990","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2023\/04\/2023411638167829095192062.jpg?fit=660%2C399&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-iJ8","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/71990","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=71990"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/71990\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":71992,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/71990\/revisions\/71992"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/71991"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=71990"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=71990"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=71990"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}