{"id":71985,"date":"2023-04-11T23:32:33","date_gmt":"2023-04-11T23:32:33","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=71985"},"modified":"2023-04-11T23:32:33","modified_gmt":"2023-04-11T23:32:33","slug":"ddsi-oo-fulisay-amar-ka-soo-baxay-dawladda-federaalka-itoobiya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2023\/04\/11\/ddsi-oo-fulisay-amar-ka-soo-baxay-dawladda-federaalka-itoobiya\/","title":{"rendered":"DDSI Oo Fulisay Amar Ka Soo Baxay Dawladda Federaalka Itoobiya"},"content":{"rendered":"<p>Jigjiga (Arabsiyo) &#8211; Golaha Wasiirrada Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa ansixiyey qorshaha lagu meel marinayo dib u habeynta booliska deegaanka lagu sameynayo, kaasi oo qayb ka ah qaab- dhismeedka laamaha amniga qaranka dalkaas.<\/p>\n<p>Shirka 12-aad ee caadiga ah ee golaha wasiirrada deegaanka ayaa dhegeystay warbixin ku saabsan sida la isu waafajinayo qaab dhismeedka amniga qaranka iyo tan dowlad deegaannada.<\/p>\n<p>Deegaanka Soomaalida ayaana sidaa uga mid noqday dowlad deegaannada ansixiyey qaab dhismeedka la doonayo in ciidamada Liyuu Booliska oo kuwa Soomaalida ay ka mid yihiin loo sameeyo.<\/p>\n<p>War-murtiyeed ka soo baxay xafiiska nabadgalyada DDS waxaa lagu sheegay in \u2018dib- u-habeynta ciidanka lagu sameynayo aanay ahayn mid baabi\u2019inaysa ama meesha ka saaraysa cududdii jirtay, balse ay tahay mid wax ka baddalaysa qaab-dhismeedka, ciidamaddi jirayna ay sii jirayaan iyagoo wax is baddal ah uuna ku imanayn mushaharkooda, tasiilaadka ay haystaan ee kala duwan iyo waajibaadka sugidda amniga ee ka saaran deegaanka.&#8221;<\/p>\n<p>Dib-u-habeenytani maaha mid xidhiidh la leh xuquuqaha dastuuriga ah ee ismaamulka deegaannada, maaddaama marka dib loo habeeyana ay wali sii hoos tagayaan deegaankii awal maamuli jiray.<\/p>\n<p>Ku xigeenka abaanduulaha ciidamada qalabka sida ee dalka Itoobiya janaraal Ababaw Taddese oo warbaahinta la hadlay wuxuu sheegay &#8220;Ciidamada \u2018Liyuu Boolis\u2019 la yidhaahdo uu dastuurka dalka aqoonsanayn taas oo ciidankaasi sharci-darro ka dhigeyso. Waayo? Daastuurka dalka Itoobiya ma aqoonsana wax la yidhaahdo boolis gaar ah oo dastuurka wuxuu aqoonsan yahay oo deegannaduna ay yeelan karaan booliska caadiga ah. Ciidamada sharciga ah uu dastuurka aqoonsan yahay waa ciidamada qalabka sida, booliska federaalka iyo booliska caadiga ah,\u201d ayuu yidhi.<\/p>\n<p>Qaab dhismeedkan cusub ee booliska gaarka ah ee deegaannada waxaa looga baahday hay\u2019adaha amniga dalka in la mideeyo hal u jeeddana ay yeeshaan.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<h4><strong>Arabsiyonews.com\/Hargeisa Office\u00a0<\/strong><\/h4>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Jigjiga (Arabsiyo) &#8211; Golaha Wasiirrada Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa ansixiyey qorshaha lagu meel marinayo dib u habeynta booliska deegaanka lagu sameynayo, kaasi oo qayb ka ah qaab- dhismeedka laamaha amniga qaranka dalkaas. Shirka 12-aad ee caadiga ah ee golaha wasiirrada deegaanka ayaa dhegeystay warbixin ku saabsan sida la isu waafajinayo qaab dhismeedka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":71986,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-71985","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2023\/04\/e4a15130-d83f-11ed-aa8e-31a9f3ff4e07.jpg?fit=800%2C558&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-iJ3","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/71985","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=71985"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/71985\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":71987,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/71985\/revisions\/71987"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/71986"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=71985"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=71985"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=71985"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}