{"id":71941,"date":"2023-04-07T21:54:22","date_gmt":"2023-04-07T21:54:22","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=71941"},"modified":"2023-04-07T21:54:22","modified_gmt":"2023-04-07T21:54:22","slug":"xiisad-ka-dhex-taagan-isreal-iyo-falastiiniyiinta","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2023\/04\/07\/xiisad-ka-dhex-taagan-isreal-iyo-falastiiniyiinta\/","title":{"rendered":"Xiisad Ka Dhex Taagan Isreal Iyo Falastiiniyiinta"},"content":{"rendered":"<p>Tel Aviv (Arabsiyo) &#8211; Labo dumar ah oo Israa\u2019iili ah ayaa lagu dilay mid kalena dhaawac halis ah ayaa ka soo gaadhay weerar toogasho ah oo ka dhacay Daanta Galbeed ee la haysto, sida ay sheegeen ciidamada Israa\u2019iil iyo dhakhaatiirta.<\/p>\n<p>Haweenkan ayaa saarnaa gaadhi shil galay kadib markii lagu rasaaseeyay meel u dhow deegaanka Xamra, ee dooxada Jordan.<\/p>\n<p>Adeegga gaadiidka gargaarka deg dega ah ee ambalaasta ee Magen David Adom ayaa sheegay in laba dumar ah da\u2019dooduna ahayd 20 jir lagu dhawaaqay in ay ku dhinteen goobta.<\/p>\n<p>Tan saddexaad, oo 45 jir ah, ayaa haatan ku jirta xaalad halis ah.<\/p>\n<p>Ciidanka ayaa sheegay in ciidamadoodu ay \u201cbilaabeen baacsiga wax loogu yeedhay argagixisada\u201d.<\/p>\n<p>Dhacdadan ayaa markii hore la sheegay in ay isku dhaceen baabuur ay wateen Israa\u2019iiliyiin iyo baabuur ay wateen falastiiniyiin, balse markii ay askartu yimaaddeen waxay ku arkeen dhowr xabbadood oo ku yaalla gaariga Israa\u2019iil, sida ay ciidamadu sheegeen.<\/p>\n<p>Haweeneyda dhaawaca ah ayaa loogu qaaday Cisbitaalka diyaarad helicopter ah si loogu dabiibo.<\/p>\n<p>Waxaa sii kordhaya rabshadaha u dhaxeeya Israa\u2019iil iyo Falastiiniyiinta tan iyo bilowgii sanadkan.<\/p>\n<p>Dhinaca kale, Israel ayaa lagu soo warramayaa inay u yeedhay ciidamada kaydka oo hor leh, gaar ahaan kuwa millateriga, xili ay isa soo tarayso xiisadda kala dhaxaysa Falastiin.<\/p>\n<p>Israel ayaa xalay duqeymo xagga cirka ah ka fulisay Lubnaan iyo Qaza.<\/p>\n<p>Laba haween oo u dhashay Israel ayaa Maanta lagu dilay weerar toogasho ah oo ka dhacay Daanta Galbeed ee la haysto, xili ay wateen gaarigooda.<\/p>\n<p>Xiisadda Israel iyo Falastiin ayaa cirka isku shareertay kaddib markii ciidamada Israel ay gudaha u galeen masjidka Al-Aqsa, xili ay halkaasi ku cibaadeysanayeen muslimiin.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<h4><strong>Arabsiyonews.com\/Hargeisa Office\u00a0<\/strong><\/h4>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Tel Aviv (Arabsiyo) &#8211; Labo dumar ah oo Israa\u2019iili ah ayaa lagu dilay mid kalena dhaawac halis ah ayaa ka soo gaadhay weerar toogasho ah oo ka dhacay Daanta Galbeed ee la haysto, sida ay sheegeen ciidamada Israa\u2019iil iyo dhakhaatiirta. Haweenkan ayaa saarnaa gaadhi shil galay kadib markii lagu rasaaseeyay meel u dhow deegaanka Xamra, [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":71942,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-71941","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2023\/04\/05579b70-aec3-4c8d-9165-28fcfda9d109.jpg?fit=624%2C351&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-iIl","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/71941","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=71941"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/71941\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":71943,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/71941\/revisions\/71943"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/71942"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=71941"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=71941"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=71941"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}