{"id":71900,"date":"2023-04-01T20:38:01","date_gmt":"2023-04-01T20:38:01","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=71900"},"modified":"2023-04-01T20:38:01","modified_gmt":"2023-04-01T20:38:01","slug":"laascaanood-ciidammada-qaranka-oo-khasaare-laxaad-leh-gaadhsiiyey-maleeshiyaadka-laascaanood","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2023\/04\/01\/laascaanood-ciidammada-qaranka-oo-khasaare-laxaad-leh-gaadhsiiyey-maleeshiyaadka-laascaanood\/","title":{"rendered":"LAASCAANOOD: Ciidammada Qaranka Oo Khasaare Laxaad Leh Gaadhsiiyey Maleeshiyaadka Laascaanood"},"content":{"rendered":"<p>Sool (Arabsiyo) &#8211; Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool wax afar jiho oo ka mid ah ka dhacay dagaal culus oo u dhexeeya Ciidammada Qaranka Somaliland iyo Maleeshiyaadka Nabad-diidka ah ee gacanta ka helaya kooxaha Argagixisada ah iyo Puntland.<\/p>\n<p>Dagaalkan oo bilaabmay, ka dib markii Maleeshiyaadku isku dayeen inay jaraan Jid muhiim u ah Ciidammada Qaranka, ayaa waxa ka dhashay khasaare laxaad leh oo soo gaadhay Maleeshiyaadka Huwanta ah.<\/p>\n<p>Ciidammada Qaranka Somaliland, ayaa cagta mariyey Maleeshiyaadka isla-markaana ka qabsaday ka gubay baabuur tikniko ah isla-markaana ka qabsaday illaa 14 Gaadhi oo midkood uu qori Shiilka ahi ku rakiban yahay iyo Maxaabiis ku dhow 41, kuwaasi oo soo bandhigeen isla-markaana uu ku jiro Taliye ku-xigeenkii Ciidanka Puntland.<\/p>\n<p>Maxaabiista la qabtay waxa ka mid ah Faarax Dalmar oo ka mid ahaa Xildhibaannada Baarlamaanka Maamul-goboleedka Puntland, kaasi oo labadii bilood ee u dambeeyay ku jiray dagaallada ka socda Laascaanood.<\/p>\n<p>Xildhibaan Dalmar oo Isagoo Maxbuus ah la waraystay, ayaa ka warramay dareenkiisa iyo sida ay Ciidanka Qaranka Somaliland ula dhaqmeen isaga iyo Maxaabiista kale ee Maleeshiyaadka laga qabtay.<\/p>\n<p>Wararkii U dambeeyay ee halkaa laga helayo, ayaa sheegaya in khasaaraha soo gaadhay Maleeshiyaadku faro badan yahay, dagaalkaana ku waayeen Askar badan, Hub iyo Gaadiid.<\/p>\n<p>Dhinaca kale, Taliyaha qaybta 7-aad ee Ciidammada Qaranka Somaliland Mahad Cambaashe Cilmi oo War-saxaafadeed ka soo saaray dagaalkii Maanta ka dhacay Laascaanood, ayaa yidhi &#8220;Subaxnimadii saaka waxa ciidamada qaranka weerar fulaynimo ah ku soo qaaday kooxaha huwanta ah ee Puntland iyo argagixisadu hoggaaminayso. CQSL way iska difaaceen weerar kaa waxayna cashar u dhigeen huwantii isasoo miidaamisay, CQ-ku waxay huwanta u dhigeen maanta cashar aanay illaabi doonin oo qalbiyadooda xasuus fulaynimo ah ku reebi doona. CQSL waxay ka qabteen huwanta 14 gadiid dagaal ah iyaga oo ka gubay 5 gaadhi oo tikniko ah sidoo kale CQSL waxay qabteen 41 maxbuus oo ay ku jiraan Taliye ku xigeenkii ciidanka daraawiishta Puntland, saraakiil ciidan iyo xildhibaano ka tirsan maamulka Puntland. CQSL waxay gudaha u galeen badiba magaalada Laascaanood oo ay ku suganyihiin waxayna sifayn doonaan kooxaha huwanta ah. Majirto gaadiid dagaal iyo maxaabiis laga qabsaday CQSL ee markay tamar gabeen ayay shacab aan waxba galabsan ku laayeen deegaanka nugaal iyaga oo uga gol leh inay dadka shacabka ah isku dhuftaan, waxaan ka codsanayaa dadka deegaanka inay is xakameeyaan oo aanay fursadsiin argagixisada albaab ay ka baxdo doondoonaysa.&#8221;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<h4><strong>Arabsiyonews.com\/Hargeisa Office\u00a0<\/strong><\/h4>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Sool (Arabsiyo) &#8211; Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool wax afar jiho oo ka mid ah ka dhacay dagaal culus oo u dhexeeya Ciidammada Qaranka Somaliland iyo Maleeshiyaadka Nabad-diidka ah ee gacanta ka helaya kooxaha Argagixisada ah iyo Puntland. Dagaalkan oo bilaabmay, ka dib markii Maleeshiyaadku isku dayeen inay jaraan Jid muhiim u ah Ciidammada [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":41307,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-71900","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2018\/02\/ciidanka-qaranka.jpg?fit=696%2C379&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-iHG","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/71900","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=71900"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/71900\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":71901,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/71900\/revisions\/71901"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/41307"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=71900"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=71900"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=71900"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}