{"id":71880,"date":"2023-03-31T23:10:14","date_gmt":"2023-03-31T23:10:14","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=71880"},"modified":"2023-03-31T23:10:14","modified_gmt":"2023-03-31T23:10:14","slug":"donald-trump-oo-dacwad-lagu-soo-oogay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2023\/03\/31\/donald-trump-oo-dacwad-lagu-soo-oogay\/","title":{"rendered":"Donald Trump Oo Dacwad Lagu Soo Oogay"},"content":{"rendered":"<p>USA (Arabsiyo) &#8211; Madaxweynihii hore ee Maraykanka, Donald Trump, ayaa lagu soo oogay dacwad la xidhiidha lacag uu siiyay haweeney jirkeeda ka ganacsata.<\/p>\n<p>Trump oo afar sano u talinayay Maraykanka ayaa la filayaa in maalmaha soo socda maxkamad la soo taago, taasoo aan horay ugu dhicin Madaxweyne soo xukumay dalkaas.<\/p>\n<p>Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli uu Trump ku jiro olole uu ku doonayo in mar kale loo doorto Aqalka Cad dhammaadka sanadka 2024.<\/p>\n<p>Habeennimadii Khamiista ayaa xubnaha xeer beegti fadhiday New York waxa ay codeeyeen in dacwad lagu soo oogo Trump, taasi oo ka dhigan in ay rumaysan yihiin in la hayo caddeymo waafi ah oo ka dhan ah Madaxweynaha hore.<\/p>\n<p>Weli lama shaacin Qodobbada kiiska, Hase yeeshee xeer beegtida ayaa todobaadyo dhageysanayay caddeymo ku aaddan lacagta la siiyay haweeneyda lagu magacaabo Stormy Daniels, si loogu aamusiyo.<\/p>\n<p>Lacagta ayaa la bixiyay ka hor inta uusan Trump noqon Madaxweynaha, wax yar uun ka hor doorashadii 2016 ee uu kaga guulaystay Hillary Clinton.<\/p>\n<p>Waxaa la ogaan doonaa qodobada dacwadda marka la xiro Trump ee uu ka soo hor muuqdo garsoore ku sugan maxkamadda Manhattan.<\/p>\n<p>Waxaa jira warar sheegaya in Trump maxkamadda la geyn doono Talaadada soo socota.<\/p>\n<p>Stormy Daniels ayaa sheegtay in ay Trump xiriir la lahayd sanadkii 2006, taasoo uu si weyn u beeniyay.<\/p>\n<p>Sanadkii 2016, waxa ay bilowday in ay warbaahinta u soo bandhigto waxa dhexmaray iyada iyo Trump.<\/p>\n<p>Qareenkiisa Michael Cohen ayaa haweeneydaas siiyay 130 kun oo dollar si ay uga aamusto arrinkaas.<\/p>\n<p>Lacagta noocaas ah ayaa sharci darro ka ah Maraykanka, waa tan lagu haysto Donald Trump.<\/p>\n<p>Waxaa lagu haystaa inuu ka been sheegay diiwaankiisa ganacsiga oo uu lacagtaas ku sheegay mid lagu bixiyay shaqo uu qabtay qareen.<\/p>\n<p>Maxkamadda ayaa lagu weydiin doonaa Trump su\u2019aalaha la xiriira hannaanka bixinta lacagtaas.<\/p>\n<p>Madaxweynaha hore ayaa beeniyay inuu wax dembi ah galay, waxaana uu dacwadda ku tilmaamay mid ay siyaasadi ka dambeyso.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<h4><strong>Arabsiyonews.com\/Hargeisa Office\u00a0<\/strong><\/h4>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>USA (Arabsiyo) &#8211; Madaxweynihii hore ee Maraykanka, Donald Trump, ayaa lagu soo oogay dacwad la xidhiidha lacag uu siiyay haweeney jirkeeda ka ganacsata. Trump oo afar sano u talinayay Maraykanka ayaa la filayaa in maalmaha soo socda maxkamad la soo taago, taasoo aan horay ugu dhicin Madaxweyne soo xukumay dalkaas. Arrintan ayaa ku soo beegmaysa [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":42251,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-71880","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/trump.jpg?fit=660%2C371&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-iHm","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/71880","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=71880"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/71880\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":71881,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/71880\/revisions\/71881"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/42251"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=71880"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=71880"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=71880"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}