{"id":71845,"date":"2023-03-24T21:00:53","date_gmt":"2023-03-24T21:00:53","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=71845"},"modified":"2023-03-24T21:00:53","modified_gmt":"2023-03-24T21:00:53","slug":"maxkamad-ku-taalla-kenya-oo-xukun-ku-ridday-xubno-al-shabaab-ka-mid-ahaa","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2023\/03\/24\/maxkamad-ku-taalla-kenya-oo-xukun-ku-ridday-xubno-al-shabaab-ka-mid-ahaa\/","title":{"rendered":"Maxkamad Ku Taalla Kenya Oo Xukun Ku Ridday Xubno Al-shabaab Ka Mid Ahaa"},"content":{"rendered":"<p>Nairobi (Arabsiyo) &#8211; Maxkamad ku taalla dalka Kenya, ayaa laashay racfaan ay ka qaateen labo nin oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen, weerarkii Jaamacadda Gaarisa ee sanadkii 2015-kii, kaasoo ay ku dhinteen 148-qof.<\/p>\n<p>Garsoore Cecilia Githua, ayaa sheegtay in Hassan Edin Hassan iyo Mohammed Abdi Abiikar, in xukunkoodii ahaa 41-sano oo xadhig ah uu sidiisa ahaan doono, maadaama racfaankooda aanu muujinin in maxkamadda darajada koowaad, ay ku qaldantay inay bixiso xukunada dhaadheer.<\/p>\n<p>Labada nin ee Keenyaanka ah ayaa la xukumay sanadkii 2019-kii, halka Rashid Mberesero, oo u dhashay Tanzania, lagu xukumay xabsi daa\u2019in, ka hor inta uusan isdilin 2020-ka.<\/p>\n<p>Dhammaantood ayaa waxaa lagu helay dambi ah inay maleegayeen weerar argagixiso iyo inay ka tirsan yihiin kooxda xidhiidhka la leh Al Qaacida.<\/p>\n<p>Balse waxay racfaan ka qaateen xukunka maxkamada darajada koowaad.<\/p>\n<p>Laakiin garsooraha Githua, ayaa sheegay in uu taageeray xukunnada, isaga oo sheegay in ay dhab ahaantii aad u debecsan yihiin, marka loo eego &#8220;falalka foosha xun, ee la sii qorsheeyay ee dhibaatada badan u geystay qoysaska dhibanayaasha&#8221;<\/p>\n<p>Labaduba waxay rafcaan ka qaadan karaan xukunka Maxkamadda Racfaanka laba toddobaad gudahood.<\/p>\n<p>Weerarkii Jaamacadda oo ay ku dhinteen arday badan, ayaa ahaa weerarkii labaad ee ugu khasaaraha badnaa ee ay kooxdu ka geysato dalka Kenya.<\/p>\n<p>Weerarkii Al-Qaacida ee safaaradda Mareykanka ee 1998-dii, ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 200 oo qof.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<h4><strong>Arabsiyonews.com\/Hargeisa Office\u00a0<\/strong><\/h4>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Nairobi (Arabsiyo) &#8211; Maxkamad ku taalla dalka Kenya, ayaa laashay racfaan ay ka qaateen labo nin oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen, weerarkii Jaamacadda Gaarisa ee sanadkii 2015-kii, kaasoo ay ku dhinteen 148-qof. Garsoore Cecilia Githua, ayaa sheegtay in Hassan Edin Hassan iyo Mohammed Abdi Abiikar, in xukunkoodii ahaa 41-sano oo xadhig ah uu sidiisa [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":71846,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-71845","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/e698438e-0eeb-4f63-b16c-5d74b36790bf.jpg?fit=624%2C351&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-iGN","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/71845","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=71845"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/71845\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":71847,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/71845\/revisions\/71847"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/71846"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=71845"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=71845"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=71845"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}