{"id":71791,"date":"2023-03-20T16:36:13","date_gmt":"2023-03-20T16:36:13","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=71791"},"modified":"2023-03-20T16:38:43","modified_gmt":"2023-03-20T16:38:43","slug":"71791","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2023\/03\/20\/71791\/","title":{"rendered":"Madaxweyne Biixi Oo Waraaqaha Aqoonsiga Ka Guddoomay Safiir Cusub"},"content":{"rendered":"<p>Hargeysa (Arabsiyo) &#8211; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa Maanta ka guddoomay waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo, safiirka cusub ee Dawladda Federal-ka Itoobiya dhawaan u soo magacowday Jamhuuriyadda Somaliland, Amb Delil Kedir Bushra.<\/p>\n<p>Kulankan Madaxweynuhu ku qaabiley Safiirka, ayaa ujeedkiisu ahaa soo dhawayn, maaddaama safiirku ku cusub yahay xafiiska Safaaradda Itoobiya ay ku leedahay Dalka Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaanu madaxweynuhu u rajeeyey safiirka inuu halkaasi ka sii amba qaado xidhiidhkii wada shaqayneed ee xafiiska uu haatan ka hawlgelayaa hore u hayey.<\/p>\n<p>Waxaana kulankaa lagu lafo-guray wada-shaqaynta iyo xidhiidhka qotoda dheer ee ka dhexeeya dalalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Federaal-ka Itoobiya ee ku dhisan isu-socodka, iskaashiga dhaqan dhaqaale ee labada bulsho iyo arrimaha nabadgelyada mandaqadda geeska Afrika, maadaama safiirku hawlahiisa shaqo ka bilaabi doono Jamhuuriyadda Somaliland.<\/p>\n<p>Kulankan waxa madaxweynaha ku wehelinaayey Wasiirka ku xigeenka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, ahna ku simaha wasiirka, Mudane Cabdinaasir Cumar Jaamac. Dhinaca Safiirkana waxa ku wehelinaayey ku xigeenkiisa.<\/p>\n<p>Waxa Xusid Mudan, in Dawladda Federaalka Itoobiya si isku mid ah ula Macaamilayso Dawladaha Somaliland iyo Soomaaliya, ka dib markii Raysal-wasaaraha Itoobiya kor u qaaday Maqaamka Xafiiskoodii Hargeysa isla-markaana uu ka dhigay Safaarad Buuxda.<\/p>\n<p>Toddobaadkii hore, sidan oo kale ayuu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh uu Waraaqaha Aqoonsiga uga guddoomay Safiirka Cusub ee Soomaaliya.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<h4><strong>Arabsiyonews.com\/Hargeisa Office\u00a0<\/strong><\/h4>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa (Arabsiyo) &#8211; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa Maanta ka guddoomay waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo, safiirka cusub ee Dawladda Federal-ka Itoobiya dhawaan u soo magacowday Jamhuuriyadda Somaliland, Amb Delil Kedir Bushra. Kulankan Madaxweynuhu ku qaabiley Safiirka, ayaa ujeedkiisu ahaa soo dhawayn, maaddaama safiirku ku cusub yahay xafiiska Safaaradda Itoobiya ay ku leedahay Dalka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":71792,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-71791","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/FB_IMG_1679330071264.jpg?fit=720%2C443&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/s5kp1p-71791","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/71791","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=71791"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/71791\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":71795,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/71791\/revisions\/71795"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/71792"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=71791"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=71791"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=71791"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}