{"id":71788,"date":"2023-03-20T16:33:06","date_gmt":"2023-03-20T16:33:06","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=71788"},"modified":"2023-03-20T16:33:06","modified_gmt":"2023-03-20T16:33:06","slug":"guddi-uu-golaha-wakiillada-somaliland-u-saaray-xiisadda-laascaanood-oo-qodobbo-soo-saaray","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2023\/03\/20\/guddi-uu-golaha-wakiillada-somaliland-u-saaray-xiisadda-laascaanood-oo-qodobbo-soo-saaray\/","title":{"rendered":"Guddi Uu Golaha Wakiillada Somaliland U Saaray Xiisadda Laascaanood Oo Qodobbo Soo Saaray"},"content":{"rendered":"<p>Hargeysa (Arabsiyo) &#8211; Guddi Golaha Wakiilada Somaliland u saaray xaaladda Laascaanood, ayaa ku taliyay in xabad-joojinta la cusboonaysiiyo, in loo guntado in colaadda wada-hadal lagu dhameeyo iyo qodobbo kale.<\/p>\n<p>Guddida oo golaha wakiilada u gudbisay soo jeedin 11 qodob ka kooban, ayaa ku talisay in la dhaqan-geliyo xabad joojin bilaa shuruuda, isla-markaana dhamaan qaybaha bulshada, waddamada jaarka iyo beesha caalamkuba ka qayb qaadato daminta colaadda.<\/p>\n<p>Guddidu waxay golaha u soo jeedisay in uu dhamaan xoogaga hubaysan ee gurmadka ku yimid Laascaanood ugu baaqo in ay sida ugu dhakhsaha badan gobolka kaga baxaan, iyo in goluhu taageero ciidamada millateriga Somaliland.<\/p>\n<p>Waxa kale oo ay Golaha u soo jeediyeen in uu ku baaqo in gargaar la gaadhsiiyo dadka ku barakacay colaadda, iyo in la dardar-geliyo wax kasta oo xoojinaya midnimada iyo qaranimada Somaliland, ayaa lagu yidhi qoraalka.<\/p>\n<p>Waxay u soo jeediyeen golaha in wax laga barto qaladaadkii maamul ee ka dhacay Laascaanood si aanay hagardaamo kale u iman, iyo in dib u eegis lagu sameeyo dastuurka iyada oo la fulinayo heshiisyadii hore ee madaxda Khaatumo lala galay.<\/p>\n<p>In la joojiyo hadallada bulshada sii kala fogaynaya, waxayna ugu danbayntii sheegeen in heshiis kasta oo la galo oo ka soo horjeeda qaranimada Somaliland aan la aqbali doonin.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<h4><strong>Arabsiyonews.com\/Hargeisa Office\u00a0<\/strong><\/h4>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa (Arabsiyo) &#8211; Guddi Golaha Wakiilada Somaliland u saaray xaaladda Laascaanood, ayaa ku taliyay in xabad-joojinta la cusboonaysiiyo, in loo guntado in colaadda wada-hadal lagu dhameeyo iyo qodobbo kale. Guddida oo golaha wakiilada u gudbisay soo jeedin 11 qodob ka kooban, ayaa ku talisay in la dhaqan-geliyo xabad joojin bilaa shuruuda, isla-markaana dhamaan qaybaha bulshada, [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":71789,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-71788","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/2023320638148925296127711.jpg?fit=660%2C378&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-iFS","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/71788","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=71788"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/71788\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":71790,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/71788\/revisions\/71790"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/71789"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=71788"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=71788"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=71788"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}