{"id":71777,"date":"2023-03-18T16:38:27","date_gmt":"2023-03-18T16:38:27","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=71777"},"modified":"2023-03-18T16:38:27","modified_gmt":"2023-03-18T16:38:27","slug":"taariikhda-fanaannaddii-aamina-cabdillaahi-xirsi-oo-geeriyootay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2023\/03\/18\/taariikhda-fanaannaddii-aamina-cabdillaahi-xirsi-oo-geeriyootay\/","title":{"rendered":"Taariikhda Fanaannaddii Aamina Cabdillaahi Xirsi Oo Geeriyootay"},"content":{"rendered":"<p>Hargeysa (Arabsiyo) &#8211; Alle ha u naxariistee waxa Maanta Magaalada Boorama ku Geeriyootay Fanaanadii caanka ahayd Aamina Cabdillaahi Xirsi.<\/p>\n<p>Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Somaliland Siciiid Xasan Habbane oo Shir-jaraa&#8217;id qabtay, ayaa xaqiijiyey Geerida Aamina Cabdillaahi Xirsi.<\/p>\n<p>Dhanka kale, waxaanu halkan ku soo gudbinaynaa qayb ka mid ah Taariikhda Marxuumadda, taasi oo uu qoray Weriye Cali Caano-dhame oo ka tirsan Idaacadda Radio Hargeysa, waxaanu ku bilaabay sidan:-<\/p>\n<p><strong>TAARIIKH KOOBAN<\/strong><\/p>\n<p>Allaah ha u naxariistee Aamina Cabdillaahi Xirsi, intii aan ka aqaanay haddii aan yar iftiinsho waxay ka mid ahayd hormuudkii fanka Soomalida, gaar ahaan Hoballadii waaberi ee Loo yaqiinay HOOYADA FANKA.<\/p>\n<p>Waxay fanka ka bilowday dabaayaqadii sanadihii 60aadkii dalka jabuuti iyadoo gabadh yar ah, kadibna waxay u soo wareegtay dhinaca somaliland waxay riwaayado wada dhigeen awalkiiba fanaaniintii ruug caddaaga ahaa cismaan gacanlow, Cabdi-qays, iyo kuwo kale oo badan, oo ay heeso badanna wada qaadaan.<\/p>\n<p>Hase yeeshee shakhsiyan inta aan garanayo riwaadaha aamina Cabdillaahi ay xiddigada ka ahayd amar door xiiso leh ku lahayd ee aan duugoobin weligood aadkana Loo jecel yahay.<\/p>\n<p>1-Waxaan ka xusi karaa:1974 iyo dab jacayl kari waa.<\/p>\n<p>2-Galbeed waa la xorreeyee waarsaa gaagixisay.<\/p>\n<p>3-Ha waalnaado jacaylku ee Aynu weerarka aadno.<\/p>\n<p>4-Wadhaf iyo shimbiro oo ay ku metelaysay xasan aadan hooyadii iyo Qaabkii qiirada iyo la yaabka lahaa.<\/p>\n<p>5-bidaari sibiq Bay kugu gashaa<\/p>\n<p>6-Jacayl run ah iyo rooxaan ka hor timi<\/p>\n<p>7-Waan isla weynaye Mabay weynayn.<\/p>\n<p>8-musiibada aduunyada.<\/p>\n<p>9-isuma qaddo<\/p>\n<p>10- riwaayddii aw bustaale.<\/p>\n<p>11-ninba timo xamar.<\/p>\n<p>12- abuur waano la yaab.<\/p>\n<p>13-ninba tacabkii talooy kaa maal..ama (gari makaa baxdaa) loo yaqiin..<\/p>\n<p>15-beeneey waa run&#8230;.iyo qaar laga yaabo inaan dhaafay maadaama in muddo ahi kasoo wareegtay..<\/p>\n<p>Heesaha qubanaha ah ee aan iyagu riwaayad ku jirin idaacadahana loo qabtay ayaa tiro badnaa, aan ka xuso iyagana (oo shiikh baa wuxuu yidhi -inanyahay shar kuuma leh) ..<\/p>\n<p>Heesta &#8216;Si-yar si-yar. Heeso waddani ahaa oo aan ka xasuusto (Bulshayahay bal kaalaya Bushaarada<\/p>\n<p>Berri ubaxa kacayoow Bilkhayr dhaha&#8230;<\/p>\n<p>Bil khayr<\/p>\n<p>Bilkhayr<\/p>\n<p>Bilkhayr&#8230;<\/p>\n<p>Haddii aan sii iftiinsho dad badani waxay ku xusuusan karaan ..kacaankaa noo baaqee barakaysani ha noooolaadoo<\/p>\n<p>Waxa u jiibin jiray carruurtii la odhan jiray ubaxa&#8230;Ereyada waxa lahaa Allah ha u naxariistee oo intii uu noolaa iiga sheekeeyay. Waalidkii wanaagsanaa saaxiibkii qaaliga ahaa ganacsadihii reer hargeysa ee bacadlaha WAAHEEN MUXUMUD CALI MAS MAS&#8230;<\/p>\n<p>Sacna weysha uu dhalo sanka &#8230;.aamina iyo gacayte.<\/p>\n<p>Sida dhidar ha fiid kicin, cashaqa ha fara gelin&#8230;aamina cismaan gacanloow iyo qaar kaloo badan.<\/p>\n<p>Aamina Cabdillaahi waxay ahayd habka jilista sheekada iyo ku luuqaynta heesaha fanaanad aan dhiggeed la heli karin aadna loo wada jeclaa.<\/p>\n<p>Allaah ha u naxariisto aamina, waan ka tacsiyadaynayaa, Carruurteedii ilma Cabdi-qays iyo ilma Cabdiraxmaan-dheer.<\/p>\n<h4><strong>W\/Q: Weriye Cali Caano-dhame.<\/strong><\/h4>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa (Arabsiyo) &#8211; Alle ha u naxariistee waxa Maanta Magaalada Boorama ku Geeriyootay Fanaanadii caanka ahayd Aamina Cabdillaahi Xirsi. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Somaliland Siciiid Xasan Habbane oo Shir-jaraa&#8217;id qabtay, ayaa xaqiijiyey Geerida Aamina Cabdillaahi Xirsi. Dhanka kale, waxaanu halkan ku soo gudbinaynaa qayb ka mid ah Taariikhda Marxuumadda, taasi oo uu [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":71778,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-71777","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/download-1.jpeg?fit=300%2C168&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-iFH","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/71777","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=71777"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/71777\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":71779,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/71777\/revisions\/71779"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/71778"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=71777"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=71777"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=71777"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}