{"id":71428,"date":"2023-02-12T18:44:58","date_gmt":"2023-02-12T18:44:58","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=71428"},"modified":"2023-02-12T18:44:58","modified_gmt":"2023-02-12T18:44:58","slug":"laascaanood-dagaal-maalintii-7-aad-dhacay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2023\/02\/12\/laascaanood-dagaal-maalintii-7-aad-dhacay\/","title":{"rendered":"Laascaanood: Dagaal Maalintii 7-aad Dhacay"},"content":{"rendered":"<p>Laascaanood (Arabsiyo) &#8211; Dagaalka u dhexeeya Maleeshiyaadka taageerada ka helaya kooxaha Argagixada iyo Ciidanka Millateriga Somaliland ee ka socda magaalada Laascaanood ayaa galay maalintii toddobaad, iyadoo dadka magaalada ay ku waabariisteen dhawaaqa hubka kala duwan ee la\u2019isku adeegsanayo.<\/p>\n<p>Dagaalka ayaa saaka ka dhacay bannaanka magaalada, iyadoo la soo sheegayo khasaare ka dhashay.<\/p>\n<p>Weli si rasmi ah looma xaqiijin karo khasaaraha rasmiga ee ka dhashay dagaalku, laakiin waxa la soo sheegayaa I&#8217;m Ciidammada Qaranku dhegta dhiigga u dareen Taliyeyaashii hoggaaminayey Ciidamo ka yimid dhanka Gobolka Mudug, kuwaasi oo dagaalka hab qabiil u soo galay.<\/p>\n<p>Sidoo kale, Ciidammada Qaranka ayaa gacanta ku dhigay Gaadiid dagaal, kuwaasi oo qaarkood uu ku rakibnaa hub culus.<\/p>\n<p>Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland oo ka hadashay Dagaalkii Maanta dhacay, ayaa War-saxaafadeed ay soo saartay waxay ku tidhi &#8220;Xukuumadda Somaliland waxay hore ugu dhawaaqday Kuna Cel-celisay xabad-joojin bilaa shuruud ah, balse waxa xabad joojintii markale jabiyey kooxaha ku soo duulay nabad-galyada iyo xasilooni magaalada Laascaanood, oo subaxnimadii hore ee saaka markay saacadu ahayd 5:30 Am dagaal ku soo qaaday Ciidamada ku sugan Xeryahooda.<\/p>\n<p>Goobaha ay saaka soo Wareereen kooxahaasi waxa ka mid ah:<\/p>\n<p>&#8211; Xafiiska Badhasaabka Gobolka SOOL.<\/p>\n<p>&#8211; Fadhiisimada Ciidanka Qaranka ee Laascaanood.<\/p>\n<p>Waxaanu Ciidanka Qaranku Weerarkaasi kaga jawaabay is-difaacid, Ilaa hadana dagaalkii wuu socdaa.<\/p>\n<p>Ciidanka Qaranku waxa ay wali u taagan yihiin oo ay ixtiraamayaan xabad joojintii ay hore ugu dhawaaqday xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland.<\/p>\n<p>Xukuumad ahaan waxa aanu cadaynaynaa in shacabka magaalada Laascaanood ay la mid yihiin muwaadiniin reer Somaliland ee ay horeba uga midka ahaayeen, waxase jirta siday hore xukuumaddu ugu dhawaaqday in ay dagaalka laascaanood qayb ka yihiin, hurinayaana kooxo argagixisada ka tirsan, kuwaasi oo diidan in xabad joojinta laga gaadho dagaalka, gaboodna ka dhiganaya shacabka Laascaanood.<\/p>\n<p>Dhinaca Aaga Tukaraq;<\/p>\n<p>Waxa jira in aaga hore Tukaraq ay maamul goboleedka Puntland-Somalia ay ka wadaan dhaq-dhaqaaq ciidanka sidii horeba xukuumaddu u sheegtay, iyaga oo doonaya in dagaalka ay ka bilaan jihooyin cusub.<\/p>\n<p>Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyada oo mar walba lagu soo qaadayo weeraro, todoba maalmood oo joogto ah, ciidanku waxa uu difaac kaga jiraan fadhiisimadiisa.<\/p>\n<p>Ugu dambayntii,\u00a0 Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ogaysiinaysaa Bulshada reer Somaliland, Beesha Caalamka iyo dadka nabada jecelba inay wali xabad joojin bilaa shuruud ah ay dhankeeda dhaqan-gal ka yahay.&#8221;<\/p>\n<p>War-saxaafadeedka ayaa ku saxeexan Wasiir ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha gudaha JSL Cabdilaahi Xuseen Maxamed<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<h4><strong>Arabsiyonews.com\/Hargeisa Office\u00a0<\/strong><\/h4>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Laascaanood (Arabsiyo) &#8211; Dagaalka u dhexeeya Maleeshiyaadka taageerada ka helaya kooxaha Argagixada iyo Ciidanka Millateriga Somaliland ee ka socda magaalada Laascaanood ayaa galay maalintii toddobaad, iyadoo dadka magaalada ay ku waabariisteen dhawaaqa hubka kala duwan ee la\u2019isku adeegsanayo. Dagaalka ayaa saaka ka dhacay bannaanka magaalada, iyadoo la soo sheegayo khasaare ka dhashay. Weli si rasmi [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":71394,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-71428","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/images-32.jpeg?fit=300%2C168&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-iA4","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/71428","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=71428"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/71428\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":71429,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/71428\/revisions\/71429"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/71394"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=71428"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=71428"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=71428"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}