{"id":71413,"date":"2023-02-11T19:05:10","date_gmt":"2023-02-11T19:05:10","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=71413"},"modified":"2023-02-11T19:05:10","modified_gmt":"2023-02-11T19:05:10","slug":"qodobbo-ka-soo-baxay-shir-ay-xaaladda-laascaanood-ka-yeesheen-madaxweyne-biixi-iyo-hoggaanka-mucaaradku","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2023\/02\/11\/qodobbo-ka-soo-baxay-shir-ay-xaaladda-laascaanood-ka-yeesheen-madaxweyne-biixi-iyo-hoggaanka-mucaaradku\/","title":{"rendered":"Qodobbo Ka Soo Baxay Shir Ay Xaaladda Laascaanood Ka Yeesheen Madaxweyne Biixi Iyo Hoggaanka Mucaaradku\u00a0"},"content":{"rendered":"<p>Hargeysa (Arabsiyo) &#8211; Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Hoggaamiyeyaasha Xisbiiyada WADDANI iyo UCID, ayaa Maanta ku kulmay Qasriga Madaxtooyada.<\/p>\n<p>Kulankan oo ku yimid Dalab ka yimid dhanka Xisbiyada Mucaaradka ah ee Somaliland, ayaa lagaga Wada-hadlay Xaaladda ka taagan Magaalada Laascaanood iyo arrimo kale oo khuseeya khilaafkii ka taagnaa doorashooyinka.<\/p>\n<p>Madaxweynaha iyo Madaxda Xisbiyada Mucaaradka ah ee WADDANI iyo UCID, ayaa si qoto dheer uga wada-hadlay Colaadda ka taagan Laascaanood iyo sidii go&#8217;aan midaysan looga qaadan lahaa, maaddaama oo Dagaalku ka gudbay tabashadii ay qabeen reer Sool, una gudbay heer kooxaha Argagixisadu ka faa&#8217;idaystaan.<\/p>\n<p>Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI Khadar Xuseen Cabdi oo kulankaas ka dib la hadlay Saxaafadda ayaa faahfaahiyey Qodobbadii ka soo baxay, waxaanu yidhi &#8220;In Xaaladda Laascaanood lagu dhameeyo nabad, lagana fogaado wixii colaadda sii hurin kara..&#8221; ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray &#8220;Saddexda Xisbi waxay soo dhaweynayaan Xabad-joojinta Xukuumadda Somaliland ku dhawaaqday, dhinaca kalena waxay ugu baaqayaan inay aqbalaan Xabad-joojintaas..&#8221;<\/p>\n<p>Waxa Madaxweynaha iyo hoggaanka Xisbiyada Mucaaradku guddi u saareen Xallinta khilaafka ka taagan doorashooyinka Madaxtooyada iyo Ururrada siyaasadda Somaliland.<\/p>\n<p>Guddigaas ayaa ka kooban 9 xubnood, Xisbi walbana waxa laga xulay 3 Xubnood, sida uu sheegay Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI &#8220;In Laga Wada-hadlo khilaafka doorashooyinka, si xal looga gaadho, iyadoo loo xil saaray 3 xubnood oo Xisbi walba laga soo xulay, ay u soo ururiyaan Talooyinka, kulanka kan xigana u muddeeyaan..&#8221;<\/p>\n<p>Waxa kale oo uu Xoghayuhu sheegay &#8220;Waxa isla Gartay in arrimaha Qaranka si midaysan loo waajaho. In Loo gurmado oo kaalmo la gaadhsiiyo Dadkii ka barakacay laascaanood&#8230;&#8221; ayuu yidhi.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<h4><strong>Arabsiyonews.com\/Hargeisa Office\u00a0<\/strong><\/h4>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa (Arabsiyo) &#8211; Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Hoggaamiyeyaasha Xisbiiyada WADDANI iyo UCID, ayaa Maanta ku kulmay Qasriga Madaxtooyada. Kulankan oo ku yimid Dalab ka yimid dhanka Xisbiyada Mucaaradka ah ee Somaliland, ayaa lagaga Wada-hadlay Xaaladda ka taagan Magaalada Laascaanood iyo arrimo kale oo khuseeya khilaafkii ka taagnaa doorashooyinka. Madaxweynaha iyo Madaxda Xisbiyada Mucaaradka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":71414,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-71413","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/FB_IMG_1676131206948.jpg?fit=720%2C480&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-izP","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/71413","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=71413"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/71413\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":71415,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/71413\/revisions\/71415"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/71414"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=71413"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=71413"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=71413"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}