{"id":71382,"date":"2023-02-07T16:14:18","date_gmt":"2023-02-07T16:14:18","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=71382"},"modified":"2023-02-07T16:14:18","modified_gmt":"2023-02-07T16:14:18","slug":"ciidanka-qaranka-somaliland-waxa-laascaanood-kula-dagaalamaya-saddex-cadow-oo-shacbiga-ku-dhex-dhuumanaya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2023\/02\/07\/ciidanka-qaranka-somaliland-waxa-laascaanood-kula-dagaalamaya-saddex-cadow-oo-shacbiga-ku-dhex-dhuumanaya\/","title":{"rendered":"Ciidanka Qaranka Somaliland waxa Laascaanood kula dagaalamaya saddex cadow oo shacbiga ku dhex dhuumanaya&#8230;"},"content":{"rendered":"<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland waxay dagaal kula jiraan Maleeshiyaad isugu jira Kooxo Argagixiso ah oo Magaalada Laascaanood ku dhex noolaa, Kuwo ka soo duulay Garoowe iyo Boosaaso iyo Dhalinyaro shacab ah oo la khalday oo deegaanka ah, kuwaasoo Dagaalka u bilaabay si ay u ooddaan waddooyinka wada-hadallada, nabad-gelyada iyo xasiloonida Gobolka.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">Ma jirto, suurtogalna maaha, waligeedna may dhicin in Ciidanka Qaranku shacabkooda Dagaal la galaan oo ay laayaan, hase yeeshee in qof rayid ah uu ku dhinto Dagaalka waxa sabab u ah Kooxaha fidmo-wadaayasha ah ayaa dhufays ka dhigtay guryaha iyo goobaha kale ee ay ku sugan yihiin dadka Maatida ah ee Caruurta, Dumarka, Waayeelka iyo dadka kale ee jilicsan isugu jira.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">Dawladda Somaliland waxay mar walba diyaar u ahayd, walina u tahay in aanay dhibaato ka dhicin Laascaanood oo aanay Dad kaga dhiman, burburin nololsha iyo kaabeyaasha bulshadu, sababtaasi ayaanay u samaysay tanaasul iyo tudhaale badan.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">Hase ahaatee, waxa albaabaddii amniga magaaladu ku sii jiri lahaa, lagaga wada-xaajoon lahaa wixii tabasho, isla markaana lagu badbaadin lahaa shacbiga xidhay kooxaha xagjirka ah ee ujeedooyinka gaarka ah ka leh baabi&#8217;inta Magaalada Laascaanood, kuwaasoo sidaan sheegnay iyagu dagaalka bilaabay, walina abaabulaya, isla markaana qorshohoodu yahay inay dabka ku gurraan dhalinyarada iyo wax-magaratada joogga Magaaladaasi ee aan fahamsanayn sababta iyo danta colaada loogu hubaynayo.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<div dir=\"auto\">Sidaasoo ay tahay Dawladda Somaliland waxay gacanta ka dhowraysaa inay dhibaato riiq lehi ku dhacdo shacbiga ku jira Magaalada dhexdeeda, iyadoo awood u leh inay gabi ahaanba dhulka la sinto Laascaanood oo ay duqayso guri kasta oo cadowgu ku dhuumanayaan oo rasaasta lagaga soo ridayo.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<div dir=\"auto\">Balse haddii ay caqliga iyo curfiga samo-taliska magaaladaasi jooggaa shaqayn waayo oo lagu guntan waayo xakamaynta dadka dabka lagu shubayo, waxa Ciidanka Qaranka u furan inay cudud ku muquuniyaan cadowga shacbiga ku dhex dagaalamaya, cagtana mariyaan cid kasta oo ka hortimaada.<\/div>\n<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<div dir=\"auto\">Arabsiyonews.com<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland waxay dagaal kula jiraan Maleeshiyaad isugu jira Kooxo Argagixiso ah oo Magaalada Laascaanood ku dhex noolaa, Kuwo ka soo duulay Garoowe iyo Boosaaso iyo Dhalinyaro shacab ah oo la khalday oo deegaanka ah, kuwaasoo Dagaalka u bilaabay si ay u ooddaan waddooyinka wada-hadallada, nabad-gelyada iyo xasiloonida Gobolka. Ma jirto, suurtogalna maaha, [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":71383,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-71382","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/goobb.png?fit=1280%2C720&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-izk","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/71382","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=71382"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/71382\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":71384,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/71382\/revisions\/71384"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/71383"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=71382"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=71382"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=71382"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}