{"id":7132,"date":"2015-03-02T11:01:28","date_gmt":"2015-03-02T11:01:28","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=7132"},"modified":"2015-03-02T11:01:28","modified_gmt":"2015-03-02T11:01:28","slug":"xidhiidhka-maraynka-iyo-israel-oo-meel-xun-maraya-iyo-nuxurka-afar-suaalood-oo-benjamin-netanyahu-laga-waydiinayo-qaddiyadda-falastiin","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/03\/02\/xidhiidhka-maraynka-iyo-israel-oo-meel-xun-maraya-iyo-nuxurka-afar-suaalood-oo-benjamin-netanyahu-laga-waydiinayo-qaddiyadda-falastiin\/","title":{"rendered":"Xidhiidhka Maraynka Iyo Israel Oo Meel Xun Maraya Iyo Nuxurka Afar Su\u2019aalood Oo Benjamin Netanyahu Laga Waydiinayo Qaddiyadda Falastiin"},"content":{"rendered":"<p><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/03\/d7dc02fcd8ad3b96f55339f6025603e8_M.jpg\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-7133\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/03\/d7dc02fcd8ad3b96f55339f6025603e8_M-300x200.jpg?resize=300%2C200\" alt=\"d7dc02fcd8ad3b96f55339f6025603e8_M\" width=\"300\" height=\"200\" \/><\/a><\/p>\n<p>Washington(AN)Xiisad siyaasadeed ayaa soo kala dhex gashay Maamulka Madaxweynaha Maraykanka Mr. Obama iyo Ra\u2019isal wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu. Khilaafka siyaasadeed ayaa yimid kadib markii Ra\u2019isal wasaaraha Israel go\u2019aansaday inuu khudbad ka jeediyo labada Gole ee Congress-ka Maraykanka, isagoo aan casuumad ka helin Xukumadda Washington, balse casuumada ka helay Afhayeenka Congress-ka.<\/p>\n<p>Ugu yaraan 30 Xubnood oo ka mid ah Xisbiga Talada haya ee Maraykanka ayaa sheegay inaanay kulanka uu hadalka ka jeedinayo Benjamin Netanyahu aanay ka qayb galayn, sidoo kalena qaar kale ayaa sheegaya inaanay la dhacsanayn khudbaddiisa balse ay kulanka tagayaan.<\/p>\n<p>Xukumadda Obama ayaa wax lala yaabo ku tilmaantay inay socdaalka Benjamin Netanyahu ku joogo Maraykanka ay ka maqlaan Afhayeenka Congress-ka. Masuuliyiinta ayaan Xukumadda Obama ayaan la kulmi doonin Ra\u2019isal wasaaraha Israel.<\/p>\n<p>Khudbadda Netanyahu ayaa ku saabsan inuu cambaareeyo Heshiiska ay doonayaan Wadamada quwadaha caalamka lagu magacaabo inay Iiraan kaga joojiyaan Hubka Nuclear-ka ee ay farsamaynayso. Waxa uu ka soo horjeedaa in Iiraan laga fudaydiyo Cuno qabataynta islamarkaana ay Farsamaynta Hubka joojiso muddo 10 sanno ku siman. Waxa uu Congress-ka ku boorinayaa inay arrintaasi ka soo horjeestaan islamarkaana soo jeediyaan in Cuno qabataynta lagu sii adkeeyo Iiraan.<\/p>\n<p><strong>Su\u2019aalo La Waydiin doono Benjamin Netanyahu?<\/strong><\/p>\n<p>Hay\u2019adda Xuquuqal Iisaanka ee Amnesty International ayaa Sheegtay in Benjamin Netanyahu la waydiin doono Afar su\u2019aalood oo kala ah:-<\/p>\n<p>1.\u00a0\u00a0\u00a0 Waa Maxay Sababta Israel u qaadanayso Dhulka Falastiin?.<\/p>\n<p>2.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Waa maxay sababta Israel u curyaaminayso ama u wiiqayso dib u dhiska Qasa?.<\/p>\n<p>3.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Waa maxay sababta Israel u xidho Mudaharaadayaasha Falastiin een Waxba galabsan?.<\/p>\n<p>4.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Waa maxay sababta Israel uga soo horjeedo la xisaabtanka Caalamiga ah?<\/p>\n<p><strong>Faahfaahin:-<\/strong><\/p>\n<p><strong>1.\u00a0\u00a0\u00a0 <\/strong><strong>Waa Maxay Sababta Israel u qaadanayso Dhulka Falastiin?.<\/strong><\/p>\n<p>Amnesty International waxay sheegtay in Boqolaal kun oo Israeliyiin ahi ku nool yihiin Dhulka Falastiin oo Dawladda Israel ka qabsatay. Waxay sheegtay in Ciidamada Israel Falastiiniyiin Xad-dhaaf ah guryahooda kaga kaxeeyeen Qori Caaraddii kadibna dejiyeen Yuhuudda, marka Falastiiniyiintu arrintaas ka dhiidhiyaana Ciidanku ugu jawaabo Xadhig, dhibaatayn iyo dil, sidaas oo ay tahayna Madaxweyne Obama iyo Congress-ka Maraykanku sii Hurinta Dhibaataynta Xuquuqda Aadamaha Israel ugu siiyaan Lacag dhan 3 Bilyan Oo Dollar sanadkii oo ah Caawimo Militari.<\/p>\n<p><strong>2.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 <\/strong><strong>Waa maxay sababta Israel u curyaaminayso ama u wiiqayso dib u dhiska Qasa?<\/strong><\/p>\n<p>Dagaalkii 50 Maalmood socday ee dhexmaray Israel iyo Xamas iyo Ururada kale ee Falastiin oo isku dhan ah ayaa haatan laga joogaa muddo 6 Bilood ah, waxaana wali Xayiraadaha Israel saartay aanay shacabku helin caawimo dibadeed. Waxaa dagaalka ku dhintay 1500 oo shacab ah, ilaa 100,000 way\u00a0 ku barakacday.<\/p>\n<p><strong>3.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 <\/strong><strong>Waa maxay sababta Israel u xidho Mudaharaadayaasha Falastiin een Waxba galabsan?.<\/strong><\/p>\n<p>Dhulka ay Israel xoogga ku haysato waxay Mudaharaadayaasha sida Salmiga ah uga soo horjeeda Qabsashada Israel ugu gaysataa Xadhig wakhti dheer ah ama inay ka mamnuucdo degaamada Militariga Israel joogto. Waxay ka soo horjeedaa xuquuq kasta oo dhanka siyaasadda ah iyo in Falastiiniyiintu ka gilgishaan dullaynta Israel.<\/p>\n<p><strong>4.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 <\/strong><strong>Waa maxay sababta Israel uga soo horjeedo la xisaabtanka Caalamiga ah?<\/strong><\/p>\n<p>1-dii bishii April ee sanadkan Xukumadda Falastiin waxay ku biiraysay Maxakamadda Caalamiga ah ee Dambiyada Dagaalka si baadhis Maxakamaddu ay ugu samayso Dagaalada ka dhacay dhulka Falastiin, hase ahaatee Ra\u2019isal wasaaraha Israel ayaa ka galay Dedaal iyo Olole balaadhan oo uu arrintaasi ku diidan yahay, taasi oo hadduu ku guulaysto baajinaysa in lala xisaabtamo dhinacyada Israel iyo Falastiin ee ku dagaalama Halkaasi iyo in la aqoonsado inay wax dambiyo dagaal ahi dhaceen.<\/p>\n<p>Amnesty International iyo Hay\u2019addo kale oo badan oo Xuuqda Aadamaha ku hawlan ayaa sheegay in Xubnaha la soo doortay ee Congress-ka Maraykanku su\u2019aalahan waydiin doonaan Ra\u2019isal wasaaraha Israel.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Washington(AN)Xiisad siyaasadeed ayaa soo kala dhex gashay Maamulka Madaxweynaha Maraykanka Mr. Obama iyo Ra\u2019isal wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu. Khilaafka siyaasadeed ayaa yimid kadib markii Ra\u2019isal wasaaraha Israel go\u2019aansaday inuu khudbad ka jeediyo labada Gole ee Congress-ka Maraykanka, isagoo aan casuumad ka helin Xukumadda Washington, balse casuumada ka helay Afhayeenka Congress-ka. Ugu yaraan 30 Xubnood oo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":7133,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-7132","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-1R2","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/7132","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=7132"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/7132\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=7132"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=7132"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=7132"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}