{"id":71154,"date":"2023-01-27T15:05:47","date_gmt":"2023-01-27T15:05:47","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=71154"},"modified":"2023-01-27T15:05:47","modified_gmt":"2023-01-27T15:05:47","slug":"maraykanka-oo-sheegtay-inuu-dilay-hoggaamiyaha-daacishta-soomaaliya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2023\/01\/27\/maraykanka-oo-sheegtay-inuu-dilay-hoggaamiyaha-daacishta-soomaaliya\/","title":{"rendered":"Maraykanka Oo Sheegtay Inuu Dilay Hoggaamiyaha Daacishta Soomaaliya"},"content":{"rendered":"<p>USA (Arabsiyo) &#8211; Mareykanka, ayaa Warsaxafadeed ay soo saartay ku sheegtay iney dishay hoggaamiye sare iyo xubna kale oo ka mid dagaalamayaasha Daacishta Soomaaliya, kadib howlgal ciidamada Mareykanka ka fuliyeen buuraha Cal Miskaan ee ku yaalla Puntland.<\/p>\n<p>War-saxafadeedka ay soo saartay Wasaaradda Difaaca dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in ciidamada Mareykanka ay howlgal qorsheysan ku dileen 11 xubnood uu ka mid yahay Bilaal-al-Sudani oo ah hogaamiyaha Daacish ee Soomaaliya.<\/p>\n<p>&#8220;Bishan January 25-keedii ayaa amar ka yimid Madaxweynaha, wuxuu milateriga Maraykanku uu hawlgallo gaar ah ka fuliyey Soomaaliya, halkaas oo lagu dilay xubno ka tirsan Daacish, oo uu ku jiro Bilaal-al-Sudani, oo ah hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya, ahaana fududeeye muhiim ah oo ka tirsan shabakadda caalamiga ah ee Daacish\u201d ayaa lagu yidhi warsaxafadeed uu soo saaray wasiirka difaaca ee Maraykanka Lloyd J. Austin III.<\/p>\n<p>Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay inuu wax khasaare ah soo gaadhin ciidamadeeda, islamarkaana qorshaha howlgalka uu ahaa iney nolosha ku soo qabtaan Hoggaamiye Al-Sudani, hayeeshee ciidamadii la joogay hoggaamiyaha ay sameeyeen falcelin.<\/p>\n<p>Qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Difaaca Mareykanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Al-Sudani uu ahaa kobciyaha iyo joogitaanka sii kordhaya ee kooxda Daacish ee qaaradda Afrika iyo waliba maalgeliyaha hawlgalada kooxda ee adduunka oo dhan.<\/p>\n<p>\u201cTallaabadani waxay kor u qaadaysa ammaanka iyo bedqabka Maraykanka iyo saaxiibadiisa, waxayna ka tarjumaysaa sida ay nooga go\u2019an tahay in aan Maraykanka ka ilaalinno khatarta argagixisada gudaha iyo debeddaba.\u201d ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Difaaca ee dalka Maraykanka.<\/p>\n<p>La-taliyaha amniga qaranka ee Soomaaliya Xuseen Macalin Maxamuud oo la hadlay Warbaahinta, ayaa sheegay in dowladda Fedaraalka soo dhaweeyneyso howlgalkaas lagu dilay hoggaamiyaha kooxda Daacish iyo xubnaha kale.<\/p>\n<p>&#8220;Wax faahfaahin badan ah lagama hayo, balse ka dowladda Soomaaliya waa arrin ay aad u soo dhaweyneyso in kooxaha Argagixisada ah gaar ahaan hoggaankooda madaxa laga guro,\u00a0 dhalinyarada ayay dabka ku shidaan,\u00a0 Dabcan Daacish soomaaliya awood ahan kuma xoog badna, Laakiin waa koox marweliba khatartooda soo weynaan karayso\u201d ayuu yidhii Lataliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macalin Maxamuud Sheekh Cali.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<h4><strong>Arabsiyonews.com\/Hargeisa Office\u00a0<\/strong><\/h4>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>USA (Arabsiyo) &#8211; Mareykanka, ayaa Warsaxafadeed ay soo saartay ku sheegtay iney dishay hoggaamiye sare iyo xubna kale oo ka mid dagaalamayaasha Daacishta Soomaaliya, kadib howlgal ciidamada Mareykanka ka fuliyeen buuraha Cal Miskaan ee ku yaalla Puntland. War-saxafadeedka ay soo saartay Wasaaradda Difaaca dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in ciidamada Mareykanka ay howlgal qorsheysan ku [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":71146,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-71154","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/Duqeyn-1.jpg?fit=650%2C366&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-ivE","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/71154","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=71154"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/71154\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":71155,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/71154\/revisions\/71155"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/71146"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=71154"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=71154"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=71154"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}