{"id":70849,"date":"2023-01-09T22:32:30","date_gmt":"2023-01-09T22:32:30","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=70849"},"modified":"2023-01-09T22:32:30","modified_gmt":"2023-01-09T22:32:30","slug":"imaaraadka-oo-manhajka-waxbarashada-ku-daraya-xasuuqii-hitler-u-geystay-yuhuudda","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2023\/01\/09\/imaaraadka-oo-manhajka-waxbarashada-ku-daraya-xasuuqii-hitler-u-geystay-yuhuudda\/","title":{"rendered":"Imaaraadka Oo Manhajka Waxbarashada Ku daraya Xasuuqii Hitler U Geystay Yuhuudda"},"content":{"rendered":"<p>Dubai (Arabsiyo) &#8211; Dawladda Imaaraatka Carabta ayaa billaabi doona in barashada xasuuqii Holocaust lagu dhigo fasallada taariikhda ee dugsiyada hoose, dhexe iyo sare ee dalka, waxaa sidaas sheegtay safaaradda Imaaraatka ee Maraykanka.<\/p>\n<p>Safaaradda ma bixin wax faah-faahin ah oo ku saabsan manhajka iyo habka Imaaraatka Carabta u wajihi doono arrintan. Dowladda Imaaraadka oo jawaab laga codsadayna weli ma bixin.<\/p>\n<p>Si kastaba, go\u2019aankan ayaa imanaya kadib markii Imaaraatka uu xiriir diblomaasi oo rasmia ah la yeeshay Israa\u2019iil sanadkii 2020-ka, taasi oo qeyb ka aheyd heshiis uu garwadeen ka ahaa maamulka madaxweyne Donald Trump.<\/p>\n<p>&#8220;Kadib heshiiskii taariikhiga ahaa ee AbrahamAccords, dowladda Imaaraadka waxay ku dari doontaa Holocaust manhajka dugsiyada hoose, dhexe iyo sare,&#8221; ayaa lagu yiri qoraal ay safaaradda soo dhigtay twitter. Heshiiska ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa Morocco iyo Bahrain oo aqoonsaday Israel.<\/p>\n<p>Danjire Deborah E. Lipstadt, oo ah ergeyga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan la-socodka iyo la-dagaalanka Yahuud naceybka, ayaa ammaantay tallaabada Imaaraatka Carabta.<\/p>\n<p>\u201cBarashada Holocaust muhiim ayey u tahay bani\u2019aadannimada, islamarkaana dalal badan ayaa muddo fog sii wada inay hoos u dhigaan sababo siyaasadeed dartood,\u201d ayey tiri Lipstadt. \u201cWaxaan ku amaanayaa Imaaraatka Carabta tallaabadan, waxaana ka rajeynayaa kuwa kale inay ku daydaan.\u201d<\/p>\n<p>Xusuuqii Holocaust ayaa Naazigii Germany wuxuu si aan kala sooc laheyn ugu xasuuqay 6 milyan oo Yahuudda Yurub ah intii uu socday dagaalkii labaad ee adduunka. Israel, oo la aasaasay 1948-kii si ay badbaado ugu helaan Yahuudda kadib xasuuqii Holocaust ayaa muwaadinnimo toos ah siisa qof kasta oo asalkiisu yahay Yahuud.<\/p>\n<h4><strong>Arabsiyonews.com\/Hargeisa Office\u00a0<\/strong><\/h4>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dubai (Arabsiyo) &#8211; Dawladda Imaaraatka Carabta ayaa billaabi doona in barashada xasuuqii Holocaust lagu dhigo fasallada taariikhda ee dugsiyada hoose, dhexe iyo sare ee dalka, waxaa sidaas sheegtay safaaradda Imaaraatka ee Maraykanka. Safaaradda ma bixin wax faah-faahin ah oo ku saabsan manhajka iyo habka Imaaraatka Carabta u wajihi doono arrintan. Dowladda Imaaraadka oo jawaab laga [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":65639,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-70849","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/UAE-Flights.jpeg?fit=1200%2C825&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-iqJ","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/70849","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=70849"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/70849\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":70850,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/70849\/revisions\/70850"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/65639"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=70849"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=70849"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=70849"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}