{"id":70546,"date":"2022-12-08T23:37:07","date_gmt":"2022-12-08T23:37:07","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=70546"},"modified":"2022-12-08T23:37:07","modified_gmt":"2022-12-08T23:37:07","slug":"madaxweyneyaasha-somaliland-iyo-soomaaliya-oo-ku-heshiiyey-in-dib-loo-bilaabo-wada-hadalladii-labada-dhinac","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2022\/12\/08\/madaxweyneyaasha-somaliland-iyo-soomaaliya-oo-ku-heshiiyey-in-dib-loo-bilaabo-wada-hadalladii-labada-dhinac\/","title":{"rendered":"Madaxweyneyaasha Somaliland Iyo Soomaaliya Oo Ku Heshiiyey In Dib Loo Bilaabo Wada-hadalladii Labada Dhinac."},"content":{"rendered":"<p>Hargeysa (Arabsiyonews) &#8211; Madaxweyneyaasha Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa Khamiista Maanta ku kulmay Caasimadda dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo si wada-jir ah uga qayb-galay Xaflad dhaqan oo lagu bixiyey Gabadh uu dhalay Madaxweynaha Jabuuti, ayaa si gaar ah uga hadlay sidii dib loogu bilaabi lahaa Wada-hadalladii Somaliland iyo Soomaaliya, kuwaasi oo ay ka shaqaynayaan Dawladaha Turkiga iyo Norway oo ay wehelinayso Hay&#8217;adda Wada-xaajoodyada Bani-aadamnimada.<\/p>\n<p>Kulanka Jabuuti ku dhex maray Madaxweyneyaasha Somaliland iyo Soomaaliya, ayaan illaa hadda si rasmiya loo ogayn waxay ka wada-hadleen, laakiin Ilo-wareedyo Xog-ogaal ah, ayaa Warbaahinta u sheegay in labada Madaxweyne ku heshiiyeen inay dib u bilaabaan Wada-hadallada labada dal.<\/p>\n<p>Warku wuxuu intaa ku daray in labada Hoggaamiye isla qaateen in bisha soo socota la bilaabo Wada-hadallada, iyada oo ay fududaynayso Hay&#8217;adda Wada-xaajoodyada Bani-aadamnimo oo qayb ka ahayd Dedaalladii Wufuudda Turkiga iyo Norway ugu gogol-xaadheen arrintan, kuwaasi oo Toddobaadkan kulamo la qaatay Madaxweyneyaasha Somaliland iyo Soomaaliya.<\/p>\n<p>Kulanta Maanta dhacay, waxa labada Madaxweyne ku wehelinayey Wasiirrada Arrimaha dibedda ee labada dhinac iyo Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo ka socday Hay&#8217;adda Wada-xaajoodyada Bani-aadminimo.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Arabsiyonews.com<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa (Arabsiyonews) &#8211; Madaxweyneyaasha Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa Khamiista Maanta ku kulmay Caasimadda dalka Jamhuuriyadda Jabuuti. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo si wada-jir ah uga qayb-galay Xaflad dhaqan oo lagu bixiyey Gabadh uu dhalay Madaxweynaha Jabuuti, ayaa si gaar ah uga hadlay sidii dib loogu bilaabi lahaa Wada-hadalladii [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":70547,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-70546","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2022\/12\/Snapshot_1744.png?fit=1920%2C1080&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-ilQ","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/70546","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=70546"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/70546\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":70548,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/70546\/revisions\/70548"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/70547"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=70546"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=70546"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=70546"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}