{"id":70520,"date":"2022-12-05T19:23:47","date_gmt":"2022-12-05T19:23:47","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=70520"},"modified":"2022-12-05T19:23:47","modified_gmt":"2022-12-05T19:23:47","slug":"madaxweynaha-imaaraadka-oo-booqasho-ku-tegay-qatar","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2022\/12\/05\/madaxweynaha-imaaraadka-oo-booqasho-ku-tegay-qatar\/","title":{"rendered":"Madaxweynaha Imaaraadka oo booqasho ku tegay Qatar"},"content":{"rendered":"<p>DOHA \u2014 Madaxweynaha Imaaraadka Carabta ayaa maanta billaabay booqashadii ugu horreysay ee uu ku tago Qatar tan iyo markii lasoo afjaray go\u2019doomin socotay afar sano oo la saaray Doha, taasi oo qaboojisay xiriirka labada dal.<br \/>\nSheikh Mohamed bin Zayed Al-Nahyan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Doha kusoo dhoweeyay amiirka Qatar, ayada oo socdaalkiisa uu kusoo beegmay xilli dalkaas uu ka socdo Koobka Adduunka.<br \/>\nWaa booqashadii ugu horreysay ee rasmi ah oo uu dalkaas ku tago tan iyo bishii Janaayo 2021, markaasi oo lasoo geba-gebeeyey xayiraad billaabatay June 2017 oo lagu hayey dalkaas.<br \/>\nBooqashada oo ku timid casuumadda amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani \u201cayaa dhiseysa xiriirka walaalnimo ee ka dhaxeeya labada dal iyo labada shacab,\u201d waxaa sidaas yiri mas\u2019uul Imaaraati ah oo la hadlay wakaaladda wararka dalkaas ee WAM.<br \/>\nKoobkii ugu horreeyey Adduunka ee lagu qabto dhul Cabreed ayaa dhacaya wax kayar laba sano kadib markii markii Sacuudi Carabiya iyo xulufadeeda Imaaraadka, Bahrain iyo Masar ay xiriirka u jareen Qatar ayaga oo ku eedeeyey inay taageerto xagjiriinta, islamarkaana ay aad ugu dhowdahay Iran &#8212; eedeymahaas oo Doha ay beenisay.<br \/>\nHoggaamiyaha aan rasmiga ah ee Sacuudiga Dhaxal-suge Mohammed bin Salman ayaa horey ula kulmay amiirka Qatar kadib markii u ka qeyb-galay furitaanka Koobka Adduunka.<br \/>\nInkasta oo tani ay tahay booqashadii ugu horreysay ee madaxweynaha Imaaraadka tan iyo dhammaadkii xanibaadda, xiriirka labada dal ayaa usoo hagaagayey si tartiib ah.<br \/>\nBishii May, amiirka Qatar ayaa Abu Dhabi uga qeyb-galay tacsida madaxweynihii hore ee Imaaraadka Sheikh Khalifa, oo ay isku aabe ahaayeen Sheikh Mohamed.<br \/>\nAFP<\/p>\n<div class=\"fb-video\" data-allowfullscreen=\"true\" data-href=\"https:\/\/www.facebook.com\/arabsiyomedia\/videos\/1499054180577018\" style=\"background-color: #fff; display: inline-block;\"><\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>DOHA \u2014 Madaxweynaha Imaaraadka Carabta ayaa maanta billaabay booqashadii ugu horreysay ee uu ku tago Qatar tan iyo markii lasoo afjaray go\u2019doomin socotay afar sano oo la saaray Doha, taasi oo qaboojisay xiriirka labada dal. Sheikh Mohamed bin Zayed Al-Nahyan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Doha kusoo dhoweeyay amiirka Qatar, ayada oo socdaalkiisa uu kusoo beegmay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":70521,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"video","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,7,2],"tags":[],"class_list":["post-70520","post","type-post","status-publish","format-video","has-post-thumbnail","category-featured","category-videos","category-wararka","post_format-post-format-video"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2022\/12\/Qatar-jpeg.webp?fit=1200%2C675&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-ilq","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/70520","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=70520"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/70520\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":70523,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/70520\/revisions\/70523"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/70521"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=70520"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=70520"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=70520"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}