{"id":70275,"date":"2022-11-12T19:46:56","date_gmt":"2022-11-12T19:46:56","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=70275"},"modified":"2022-11-12T19:46:56","modified_gmt":"2022-11-12T19:46:56","slug":"xogo-laga-helay-sababta-waddamada-reer-galbeedku-uga-gaabsadeen-khilaafka-doorashada-somaliland","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2022\/11\/12\/xogo-laga-helay-sababta-waddamada-reer-galbeedku-uga-gaabsadeen-khilaafka-doorashada-somaliland\/","title":{"rendered":"Xogo Laga Helay  Sababta Waddamada Reer Galbeedku uga Gaabsadeen Khilaafka Doorashada Somaliland"},"content":{"rendered":"<p>Hargeysa (Arabsiyonews) &#8211; Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa muddo-xileedkiisu dhamaad ku dhow yahay, waxaana Maalintii la qabtay doorashadii uu ku fuulay kursiga dalka ugu sarreeya ka dhiman muddo 3 Maalmood ah.<\/p>\n<p>Laakiin, arrinta aynu ka hadlaynaa maaha dhammaadka Muddo-xileedkiisa gabaabsiga ah, maaddaama oo la siiyey fursad uu Xafiiska ku sii joogi karo labada sanadood oo dheeraad ah, taasi oo ay u sameeyeen Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland oo awood sharci ah u leh Muddo-kordhinta.<\/p>\n<p>Hase-yeeshee, waxaynu ka warramaynaa sida uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu muddadq uu xafiiska joogo uu u hakiyey saamayntii Waddamada shisheeye ee Caalamku ku lahaayeen siyaasadda iyo shuruucda Somaliland.<\/p>\n<p>Waddamada Beesha Caalamka, gaar ahaan kuwa reer Yurub iyo Maraykanka oo Somaliland ka taageera qayb ahaan dhaqaalaha ku baxa doorashooyinka, ayaa qabashada Xilka Madaxweyne Biixi ka hor, waxay si buuxda saamayn muuqata ugu lahaayeen go&#8217;aammada Masiiriga ah ee la xidhiidha doorashooyinka, taasi oo sababtu ahayd taageerada dhaqaale ee ay ku kabaan qabashada doorashooyinka, laakiin arrintaa waxbaa iska beddelay markii uu Madaxweyne Muuse Biixi uu qabtay xilka Madaxweyne-nimo ee Jamhuuriyadda Somaliland.<\/p>\n<p>Waddamada Beesha Caalamka, ayaa marka daneeyayaasha siyaasadda Somaliland isku khilaafaan doorashooyinka, waxay markaaba samayn jireen faro-gelin la xidhiidha xallinta khilaafka markaa taagan, waxayna iyagoo ka faa&#8217;idaysanaya taageeradooda dhaqaale ay soo saari jireen awaamiir ku socoto Xukuumadda talada haysa iyo Xisbiyada Mucaaradka ah, kuwaasi oo ay qasab ahayd in lagu dhaqmo.<\/p>\n<p>Haddii Taariikhda dib loo raaco, xilligii uu Xisbiga KULMIYE uu Mucaaradka ahaa isla-markaana uu xilka Madaxweyne-nimo hayey Daahir Rayaale Kaahin, waxa dhacay khilaaf salka ku hayey qabashada doorashadii Madaxtooyada, laakiin markiiba waxa dalka yimid Safiirro iyo diblumaasiyiin ka socday Waddamada reer Galbeedka, kuwaasi oo siday Go&#8217;aamo ka koobnaa Lix qodob, waxayna isku keeneen oo ay isa soo hor-fadhiisiyeen Madaxweyne Rayaale iyo Hoggaankii Mucaaradka ee UCID iyo KULMIYE, taasina waxay keentay in Madaxdii dalka ee sidooda heshiiska u gaadhi waayay ay dabaqaan qodobbadii ay Waddamada shisheeye soo diyaariyeen.<\/p>\n<p>Arrintaas ayaa marka si loo eego muujinaysa wanaag iyo dedaal ay sameeyeen Wadamada saaxiibka la&#8217; ah Somaliland, hase-yeeshee Marka laga eego saamayntooda waxa la sawirran karaa khatarta ay mustaqbalka keeni karto, maaddaama oo dal kasta uu leeyahay dano siyaasadeed oo khatar ku noqon kara dalka go&#8217;aammadiisu ka fulaan ama ka fuli karaan.<\/p>\n<p>Balse, Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa markii uu xilka Qaranka la wareegay wuxuu qaaday Tallaabadii ugu horraysay ee uu dalka kaga hoos-saarayo saamaynta ay reer galbeedku ku leeyiyiin arrimihiisa masiiriga ah, gaar ahaan doorashooyinka.<\/p>\n<p>Madaxweyne Biixi, ayaa kordhiyey dhaqaalaha ku baxa doorashooyinka dalka, waxaanu gaadhsiiyey in 75% dhaqaalaha doorashada ay Somaliland iskaga filaato, taasi oo ka dhigan in dalku uu boqolkiiba inta badan ka maarmay dhaqaalihii ay reer Galbeedku ku taageeri jireen dorashoyinkiisa.<\/p>\n<p>Kordhinta dhaqaalaha doorashada ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa Reer Galbeedka u dirtay farriin siyaasadeed oo ah inaan Somaliland gacan buuran uga baahnayn, sidaa darteed ay arrimaheeda masiiriga ah ka daayaan Faro-gelinta tooska ah.<\/p>\n<p>Tusaale ahaan, Somaliland waxa 6-dii bilood ee u dambeeyay ka taagan khilaaf la xidhidha ta soo horraynaysa doorashooyinka Madaxtooyada iyo Ururrada siyaasadda.<\/p>\n<p>Khilaafkaas ayaa salka ku haya Xisbiyada Mucaaradka ah ee WADDANI iyo UCID oo doonaya in doorashada Madaxtoyadu noqoto doorashada ugu horraysa ee dalka ka dhacda sannadka dambe ee 2023-ka, halka Xukuumaddu ka doonaysa In marka koowaad la qabto doorashada Ururrada siyaasadda, maaddaama oo ay dhamaatay kala-reebistii Ururrada siyaasadda, soo baxeen 9 Urur siyaasadeed oo cusub, kuwaasi oo diyaar u ah inay tartanka doorashada la galaan saddexdii Xisbi Qaran ee hore u jiray.<\/p>\n<p>Laakiin, Waddamada Beesha Caalamka oo sida aynu sheegnay aan xilligan saamayn muuqata ku lahayn arrimaha gudaha ee Somaliland, ayaan illaa xilligaa si rasmiya uga hadal khilaafka doorashada, marka laga reebo baaqyo ay ka soo diraan dalka dibeddiisa, kuwaasi oo ah in dhinacyada doorashada isku hayaa ay Miiska Wada-hadalka iskugu yimaaddaan, si ay u go&#8217;aamiyaan qabsoomidda doorashada, halkii ay xilliyadii hore soo saari jireen go&#8217;aamo ay khasab ahayd in Somaliland fuliso, waxaana la sheegayaa in haddii aanay Waddamada<br \/>\nBeesha Caalamku gacan dhaqaale oo buuran ku lahayn doorashooyinka Somaliland ay door-bideen inay tallaabooyinkii ay qaadi lahaayeen ku soo koobaan baaqyo ah in la wada-hadlo, taasi oo dabcan aan waxba ka beddeli karin go&#8217;aammada iyo qorsheyaasha Maadaxweyne Muuse Biixi Cabdi.<\/p>\n<p>Inkasta oo dadka siyaasadda faalleeya ay tilmaamayaan in sababta aanay xilligan Waddamada reer Galbeedku ugu gaabsanayan khilaafka ka taagan doorashooyinka Somaliland ay salka ku hayso Xisbiyada Mucaaradka ah, gaar ahaan Xisbiga WADDANI oo siyaasad ahaan u jan-jeedha Shiinaha oo ay Gobolka Geeska Afrika isku hayaan reer Galbeedka.<\/p>\n<p>Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sannadkan horraantiisii hadal uu jeediyey ku sheegay inay Somaliland u wanaagsanayd inay xidhiidh saaxiibtinimo la samaysato Shiinaha, halka ay hadda kala yeelatay Taiwan oo reer galbeedku taageeraan.<\/p>\n<p>Wakhtigii uu Musharrax Cirro sheegay hadalkaa uu xidhiidhka Taiwan ee Somaliland kaga hor-yimid, ayaa waxa si weyn wax uga qoray Warbaahinta reer Galbeedka, kuwaasi oo sawirray in haddii uu Cirro yimaaddo Xafiiska Madaxweyne-nimo ee Somaliland uu khatar ku yahay xidhiidhka Taiwan, taas ayaana la sheegayaa Inay sabab u tahay In xilligan ay reer Galbeedku ka gaabsadaan khilaafka ka taagan doorashooyinka Somaliland.<\/p>\n<div class=\"yj6qo\">Arabsiyonews.com<\/div>\n<div>Horgeya Office<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa (Arabsiyonews) &#8211; Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa muddo-xileedkiisu dhamaad ku dhow yahay, waxaana Maalintii la qabtay doorashadii uu ku fuulay kursiga dalka ugu sarreeya ka dhiman muddo 3 Maalmood ah. Laakiin, arrinta aynu ka hadlaynaa maaha dhammaadka Muddo-xileedkiisa gabaabsiga ah, maaddaama oo la siiyey fursad uu Xafiiska ku sii joogi karo labada [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":70277,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"video","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,7,2],"tags":[],"class_list":["post-70275","post","type-post","status-publish","format-video","has-post-thumbnail","category-featured","category-videos","category-wararka","post_format-post-format-video"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2022\/11\/maxresdefault-49.jpg?fit=1280%2C720&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-iht","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/70275","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=70275"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/70275\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":70278,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/70275\/revisions\/70278"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/70277"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=70275"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=70275"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=70275"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}