{"id":69842,"date":"2022-10-11T19:06:58","date_gmt":"2022-10-11T19:06:58","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=69842"},"modified":"2022-10-11T19:06:58","modified_gmt":"2022-10-11T19:06:58","slug":"diblumaasiyiin-difaacay-dimuqraadiyadda-somaliland-ka-dib-hadal-ka-soo-yeedhay-xisbiga-waddani","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2022\/10\/11\/diblumaasiyiin-difaacay-dimuqraadiyadda-somaliland-ka-dib-hadal-ka-soo-yeedhay-xisbiga-waddani\/","title":{"rendered":"Diblumaasiyiin Difaacay Dimuqraadiyadda Somaliland, Ka Dib Hadal Ka Soo Yeedhay Xisbiga WADDANI."},"content":{"rendered":"<div class=\"xkh2ocl x78zum5 xdt5ytf x1h91t0o x13a6bvl xcrg951 x1r145dm\" role=\"none\">\n<div class=\"x78zum5 xh8yej3\" role=\"none\">\n<div class=\"x1cy8zhl x78zum5 xdt5ytf x193iq5w x1n2onr6\">\n<div class=\"x78zum5 xh8yej3\" role=\"none\">\n<div class=\"x1y1aw1k xn6708d xwib8y2 x1ye3gou x1n2onr6 x6ikm8r x10wlt62 x1tlxs6b x1g8br2z x1gn5b1j x230xth x1mzt3pk x13faqbe x14ctfv x1okitfd x1vjfegm\" role=\"none\" data-testid=\"solid-message-bubble\">\n<div class=\"x9f619 x1n2onr6 x1ja2u2z __fb-light-mode\" role=\"none\">\n<div class=\"x1yc453h x126k92a x6prxxf x1fc57z9 xzsf02u\" dir=\"auto\" role=\"none\">Hargeysa (Arabsiyonews) &#8211; Diblumaasiyiinta Maraykanka ee la socda Arrimaha Somaliland, gaar ahaan horumarinta dimuqraadiyadda, doorashooyinka iyo Habka Nabadgalyada ah ee Xisbiyada Qaranku talada ula kala wareegaan markay doorashooyinku dhacaan, ayaa isha ku haya xaaladda xilligan ee Somaliland. Diblumaasiyiintan oo wakhtiyo kala duwan socdaal xaqiiqo-raadin ah ku yimid Somaliland, ayaa difaacay Dimuqraadiyadda Somaliland oo Madaxda siyaasadda qaarkood ku dhaliileen inaan Xukuumadda talada haysaa aanay sidii ay ahayd u dhaqan-gelin, balse ay ku kacayso Tallaabooyin Xaqal-daacinaya Sumcaddii ay lahayd. Diblumaasiyiintan oo kala ah Ergaygii hore ee Maraykanka u qaabilsanaa Afrika Ambassador Tibor Nagy iyo Micheal Rubin oo ah diblumaasi caan ka ah Maraykanka, ayaa sheegay in dhaliil kasta oo xilligan loo yeelayo nidaamka dimuqraadiga ah ee Somaliland ay muhiim tahay in lagu iloobo dedaalladii ay Somaliland hore u samaysay, sida doorashooyin Daah-furan oo is xig-xigay, kuwaasi oo qayb ka ahaa dedaallada dimuqraadiyadda lagu wanaajinayey. Tibor Naggy oo qoraal ku baahiyey Boggiisa Twitter-ka, ayaa soo dhaweeyay in Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu ballan-qaado inuu doorashada ku qabanayo wakhtiga ugu habboon ee ugu dhakhsaha badan &#8220;Waa Wax Wanaagsan in Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu caddeeyay (sida uu u arko) go&#8217;aanka Aqalka Sare ee Guurtida ee dib u dhaca doorashada, isagoo sheegay in doorashadu ay u dhici doonto sida ugu dhakhsaha badan, iyadoo loo hoggaansamayo habraaca guddiga doorashada..&#8221; ayuu yidhi Ambassador Tibor Nagy. Sidaas oo kale, Mr. Micheal Rubin oo isaguna qoraal dheer ku baahiyey Internet-ka, ayaa sheegay in Somaliland meel fog ka soo bilowday ku dhaqanka dimuqraadiyadda, sidaa darteed aan xilligan lagu canaanan karin waxyaabaha yaryar ee dib u dhaca doorashadu ka mid tahay &#8220;Somaliland waxa u qabsoomay 7 doorasho baarlamaan iyo Madaxtooyo. In ka yar 100 cod oo ka mid ah ku dhawaad \u200b\u200b500,000 oo cod ayaa go\u2019aamiyay doorashadii Madaxtooyada ee 2003, iyadoo Axmed Maxamed Maxamuud \u201cSiilaanyo\u201d uu si niyad ah u aqbalay in laga guuleystay. Waxaanu ku guulaystay doorashadii ku xigtay ee Madaxtooyada ee dhacday 2010. Sidoo kale, isbahaysi mucaarid ah ayaa ku guulaystay doorashadii baarlamaanka ee 2021, natiijadiina Madaxweyne Muuse Biixi wuu aqbalay.&#8221; Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey &#8220;Somaliland waxa kale oo ay noqotay waddankii ugu horeeyey ee lagu sugo diiwaan gelinta codbixiyayaasha oo lagu sameeyay sawirka bu&#8217;da indhaha. Iyadoo Soomaaliya ay heshay balaayiin doollar oo taageero dibedda ah, balse si joogta ah ay ugu guul darreysatay in ay qabato doorashooyin la isku halleyn karo, Somaliland waxay muujisay in dowladuhu ay guul gaadhi karaan marka ay damcaan.&#8221; Rubin wuxuu sheegay in siyaasadda Somaliland ku dhisan tahay shaqsiyaad &#8220;Siyaasadda Somaliland ee maanta ee shakhsiyadda ku dhisan ayaan la mid ahayn dagaalka ka socda dalka Ciraaq ee kheyraadka ku dhisan. Taas beddelkeeda, waxay ka tarjumaysaa is-afgaradka bulshada dhexdeeda ee ku saabsan arrimaha muhiimka ah ee ku xeeran jihada dalka.&#8221; Diblumaasiyiintan, ayaa hadalladoodan ay ku difaacayaan dimuqraadiyadda Somaliland, ayaa u muuqda jawaab ku socota Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI. Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI Khadar Xuseen Cabdi oo qoraal ku baahiyey Boggiisa Twitter-ka, ayaa isagoo daba socda Hadal uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku difaacay dimuqraadiyadda iyo hanaanka doorashooyinka dalka, wuxuu sheegay inaan Somaliland lagu tilmaami karin Waddan dimuqraaddi ah, maaddaama buu yidhi Muddo-kordhin Sharci-darro ah loo sameeyay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<div dir=\"auto\" role=\"none\"><\/div>\n<div class=\"x78zum5 xh8yej3\" role=\"none\">\n<div class=\"x1cy8zhl x78zum5 xdt5ytf x193iq5w x1n2onr6\">\n<div class=\"x78zum5 xh8yej3\" role=\"none\">\n<div class=\"xkh2ocl x78zum5 xdt5ytf x1h91t0o x13a6bvl x193iq5w x1iyjqo2 xcrg951\" role=\"none\">\n<div class=\"x1iyjqo2 x1r8uery\" role=\"none\">Arabsiyonews.com<\/div>\n<div role=\"none\">Hargeysa Office<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"xkh2ocl x78zum5 xdt5ytf x1h91t0o x13a6bvl x193iq5w x1c4vz4f xcrg951\" role=\"none\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"xkh2ocl x78zum5 xdt5ytf x1h91t0o x13a6bvl x193iq5w x1c4vz4f xcrg951\" role=\"none\">\n<div class=\"x2lah0s x78zum5 xdt5ytf x1ll7btr xl56j7k x1iyjqo2 x1n2onr6 x1n327nk x1t2a60a\" aria-hidden=\"true\">\n<div class=\"x6s0dn4 x1ll7btr x78zum5 x1q0g3np\" role=\"none\">\n<div class=\"x6s0dn4 x1ll7btr x78zum5 x1q0g3np\" role=\"none\">\n<div>\n<div class=\"x1i10hfl x1qjc9v5 xjbqb8w xjqpnuy xa49m3k xqeqjp1 x2hbi6w x13fuv20 xu3j5b3 x1q0q8m5 x26u7qi x972fbf xcfux6l x1qhh985 xm0m39n x9f619 x1ypdohk xdl72j9 x2lah0s xe8uvvx xdj266r x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x2lwn1j xeuugli xexx8yu x4uap5 x18d9i69 xkhd6sd x1n2onr6 x16tdsg8 x1hl2dhg xggy1nq x1ja2u2z x1t137rt x1o1ewxj x3x9cwd x1e5q0jg x13rtm0m x1q0g3np x87ps6o x1lku1pv x78zum5 x1a2a7pz\" tabindex=\"0\" role=\"button\" aria-expanded=\"false\" aria-haspopup=\"menu\" aria-label=\"React\">\n<div class=\"x1mh8g0r x11i5rnm xvy4d1p xxk0z11 x78zum5 x14yjl9h xudhj91 x18nykt9 xww2gxu x2lah0s xc26acl x6s0dn4 xl56j7k x2b8uid x1ypdohk x15vn3sj x1n2onr6\">\n<div class=\"x17rw0jw x17z2i9w x197sbye x4gyw5p x1o7uuvo\"><\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<div>\n<div class=\"x1mh8g0r x11i5rnm xvy4d1p xxk0z11 x78zum5 x14yjl9h xudhj91 x18nykt9 xww2gxu x2lah0s xc26acl x6s0dn4 xl56j7k x2b8uid x1ypdohk x15vn3sj x1n2onr6\">\n<div class=\"x1i10hfl x1qjc9v5 xjbqb8w xjqpnuy xa49m3k xqeqjp1 x2hbi6w x13fuv20 xu3j5b3 x1q0q8m5 x26u7qi x972fbf xcfux6l x1qhh985 xm0m39n x9f619 x1ypdohk xdl72j9 x2lah0s xe8uvvx xdj266r x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x2lwn1j xeuugli xexx8yu x4uap5 x18d9i69 xkhd6sd x1n2onr6 x16tdsg8 x1hl2dhg xggy1nq x1ja2u2z x1t137rt x1o1ewxj x3x9cwd x1e5q0jg x13rtm0m x1q0g3np x87ps6o x1lku1pv x78zum5 x1a2a7pz\" tabindex=\"0\" role=\"button\" aria-label=\"Reply\">\n<div class=\"x17rw0jw x17z2i9w x197sbye x4gyw5p x1o7uuvo\"><\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<div>\n<div class=\"x1i10hfl x1qjc9v5 xjbqb8w xjqpnuy xa49m3k xqeqjp1 x2hbi6w x13fuv20 xu3j5b3 x1q0q8m5 x26u7qi x972fbf xcfux6l x1qhh985 xm0m39n x9f619 x1ypdohk xdl72j9 x2lah0s xe8uvvx xdj266r x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x2lwn1j xeuugli xexx8yu x4uap5 x18d9i69 xkhd6sd x1n2onr6 x16tdsg8 x1hl2dhg xggy1nq x1ja2u2z x1t137rt x1o1ewxj x3x9cwd x1e5q0jg x13rtm0m x1q0g3np x87ps6o x1lku1pv x78zum5 x1a2a7pz\" tabindex=\"0\" role=\"button\" aria-expanded=\"false\" aria-haspopup=\"menu\" aria-label=\"More\">\n<div class=\"x1mh8g0r x11i5rnm xvy4d1p xxk0z11 x78zum5 x14yjl9h xudhj91 x18nykt9 xww2gxu x2lah0s xc26acl x6s0dn4 xl56j7k x2b8uid x1ypdohk x15vn3sj x1n2onr6\">\n<div class=\"x17rw0jw x17z2i9w x197sbye x4gyw5p x1o7uuvo\"><\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"xkh2ocl x78zum5 xdt5ytf x1h91t0o x13a6bvl x193iq5w x1iyjqo2 xcrg951\" role=\"none\"><\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa (Arabsiyonews) &#8211; Diblumaasiyiinta Maraykanka ee la socda Arrimaha Somaliland, gaar ahaan horumarinta dimuqraadiyadda, doorashooyinka iyo Habka Nabadgalyada ah ee Xisbiyada Qaranku talada ula kala wareegaan markay doorashooyinku dhacaan, ayaa isha ku haya xaaladda xilligan ee Somaliland. Diblumaasiyiintan oo wakhtiyo kala duwan socdaal xaqiiqo-raadin ah ku yimid Somaliland, ayaa difaacay Dimuqraadiyadda Somaliland oo Madaxda siyaasadda [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":69844,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"video","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,7,2],"tags":[],"class_list":["post-69842","post","type-post","status-publish","format-video","has-post-thumbnail","category-featured","category-videos","category-wararka","post_format-post-format-video"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2022\/10\/maxresdefault-36.jpg?fit=1280%2C720&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-iau","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/69842","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=69842"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/69842\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":69843,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/69842\/revisions\/69843"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/69844"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=69842"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=69842"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=69842"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}